Xeebjire

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan beesha "Xeebjire" ee Habar Cafaan, Gadabuursi.
Xeebjire
Gobolka Awdal waa deegaanka beesha
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
DalkaFile:Flag of somalia.svg Somaliland,  Somalia, Jabuuti, Itoobiya
Ka tirsanBeesha Habar Cafaan, Gadabuursi
Dowlada
 • NuucaBoqortooyo, Saldanad, maamul beeled, Oday dhaqameed
 • HoostagtaMaamulka Beelaha Gadabuursi
Area
21,374 km2 (8,253 sq mi)
Tirada dadka
(2007)
 • Dhammaan257 311
 • Cufnaanta dadka12.52/km2 (32.4/sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Xeebjire (Af Ingiriis : Hebjireh; Af Carabi : ar‎; sidoo kale loo yaqaano Reer Sheekh Ismaaciil) waa beel ka mid ah Beelaha Habar Cafaan, Gadabuursi ee dega Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqoono Somaliland, deegaanada waqooyi galbeed ee wadanka Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Beesha Xeebjire oo caan ku ah nabada iyo horumarka ayaa waxay laf-dhabar u tahay guud ahaan beelaha Samaroon, gaar ahaan labo iyo tobanka Habar Cafaan. Xeebjire waxay guud ahaan u kala baxdaa sadex reerood oo kala ah Abiibakar (Maandhoowe), reer Maxamuud iyo reer aw Nuux.[1] Beesha Xeebjire waxay ka soo tafiirantay Sheekh Ismaaciil Sheekh Cumar Siyaad oo ahaa sheekh caalim diinta Islaamka ah, kaasi oo la sheegay inuu Quraanka iyo diinta bari jirey beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya. Sheekh Ismaaciil wuxu ku dhashay deegaanada Buurta Sheekh, halkaasi oo markuu barbaaray ka bilaabay fidinta iyo barida diinta Islaamka. Sheekh Ismaaciil wuxuu guursaday asagoo dhalinyaro ah, goortii uu dhalay wiilkiisa curad Abiibakar ayuu u soo guurey deegaanada Harawo oo ah meesha uu si rasmi ah u degenaa intii u badneyd noloshiisa. Sheekhu wuxuu safaro badan ku tegi jirey deegaanda xeebaha sida magaalda qadiimiga ah ee Saylac iyo Berbera halkaasi oo uu ka qeyb qaadan jirey fidinta iyo barida diinta Islaamka. Taasi waa sababta keentay in loo bixiyo tafiirtiisa Ilmo Xeebjire oo wakhtigaasi laga waday caruurtii Sheekha ku maqan xeebaha. Mudo ka dib, naaneystii ahayd ilmo Xeebjire waxay isku bedeshay magaca ma hadhaanka ah ee Xeebjire. Sheekhu wuxuuku aasan yahay deegaanka Xeebjire ee Harawo taasi oo ka tirsan wadanka Itoobiya, halkaasi oo lagu siyaarto 21ka Shacbaan ee taariikhda Hijriga ah.[2]

Abtirsiinta

Beesha Xeebjire waxay ka soo tafiirantey Sheekh Ismaaciil Sheekh Cumar Siyaad Aw Khudub.[3]

Taariikh

Deegaanada ay ka talineeysay boqortooyadii Adal ee beesha Gadabuursi.

Beesha Xeebjire waxay ku dhaqan tahay gobolada Waqooyiga Soomaaliya, meelo ka mid ah wadanka Djibouti, iyo Gobolka Soomaali Galbeed wadanka Itoobiya.

Guud ahaan bulshada ku abtirsata beesha Xeebjire waxay deegaan ku yihiin gobolada Waqooyi ee Somaliland (gobolka Awdal, Selel iyo Gabiley), gobolada Soomaalida Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Tirada iyo tayada beeshu waa mid ka dhex muuqata deegaanada ay ku dhaqan yihiin.[4] Tusaale ahaan, maamulka Somaliland beeshu waxay ku leedahay kuraasi la taaban karo, sida wasiir, agaasime, janaraal, wasiir-ku-xigeen iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, maamulka Soomaalida Itoobiya ayay beeshu kaga jirtaa safka hore, halkaasi ooy ku leedahay kurasi wasiiro, baarlamaan iyo xubno kale oo dowli ah.

Beesha Xeebjire waxay caan ku tahay nabada iyo horumarka. Tan iyo ilaa heshiisyadii lagu dhisay maamulka Soomaaliland ayay beeshu martigelin, taageero, dhexdhexaadin iyo tusaalayn ku wadan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi. Waxaa intaas dheer oo beesha Xeebjire lagu yaqaanaa horumarinta iyo dhiirigelinta waxbarashada, caafimaadka, aqoonta iyo cilmiga.[5]

Faraca Beesha

SHEEKH ISMAACIIL
(Xeebjire)
ABIIBAKAR
(Maandhoowe)
IIDLE

Suge



Dharaar



FAARAX

Buux




MAXAMUUD
Aw Xasan

Cabdale



Cali gurey



Xarago Madow



Cumar

Gadheere



Fudeey



Eebo


?

Siciida gaada



Walaaldoon



Muuse

Caafi



Cirooley



Biiq



Summalle





AW NUUX

Allamagan



Geeldoon



Aw Cismaan




Dadka Caanka

  • Sheekh Muuse Jaamac Goodaad, suldaan iyo siyaasi
  • Cabdi Xasan Buuni, Raisal wasaare Ku xigeen ki hore e dawladii Soomaaliya,
  • General Maxamed Jibril taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Somaliland
  • Dr Maxamed Rashid Sheekh Xasan, siyaasi iyo wasiir hore
  • Pro Maxamed Mixile Boqore, siyaasi iyo wasiir hore
  • Ismaaciil Cabdilahi Suge (Sowtalcarab), rugcadaa iyo ganacsade
  • Ina Cileeye, ganacsade Dara salam Super market
  • Abubakar Xuseen Miicaad (Shiinedheere), ganacsade iyo siyaasi
  • General Cumar Good, taliye Ku xigeen ki hore ee ciidanka police ka Jabouti
  • Sheekh Cabdiraxman Barkhad Good, caalim
  • General Xuseen Jodhob
  • Maxamed Muuse Bahdoon (Sangoor), siyaasi, gudoomiye hore gobolka Awdal, duq-magaalada Borame
  • Suldaan Axmed Cige Salsal
  • Caaqil Feedhe Geele
  • Axmed Cismaan Timacade, siyaasi iyo gudoomiyaha hada gobolka Sanaag
  • Xasan Karaamo, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland

Qoraalo La Xidhiidha

Xigasho