User:Aadan dharbaaxo

Ka Wikipedia

Waxay 126 KM uJirtaa Magaalada Muqdisho waa deegan aad ukobcay wayadan danbe Ganacsi waxaana Hoos Yimaado Sida cambareey iyo jeerow. Buulomareer Waxay halbowlo utahay isku Xirka wadada dheer ee Kismaayo iyo Muqdisho. Buulo Mareer waxaa loo Qeybiyaa Sedex Xaafad. waxayna kala yihiin Xaafad Jadiid Oros iyo Sheikh Xaashi. waxaa deegaanka wada daga qabaailo fara badan sida Rahawayn, murulsade. Biimaal. .. iyo waliba Jareer. markii ay Soomaaliya burburtay waxaa kusoo qaxay Qabiilo kale oo fara badan (inkasta oo Biimaal badan deganaayeen beerana ku leeyihiin dhulkan) iyo Abgaal sida Reermataan Qolada ah ee katirsan Abgaal. Buulomareer waxay leedahay Beero fara badan iyo Aseendooyin waana magaalo Bilic Qurxoon Dadkeedana ma ahan Dad Dagaalka Jecel waxayna ubadanyihiin Ganacsato iyo Beeraleey. Dadka ugu caansan waxaa kamida ah.{ Cadaani Jiis oo ah nin kuleh Aseendo iyo garad abukar oo isagana magalada ganacsiyo kala duduwan ku leh dadka daga magalada bulo mareer malahan dad caan ku ah dagalada iyo coladaha kadhacay gabi ahaanba dalkeena soomaaliya dadka kale ee caanka ka ah waxaa kamid ah Xaawo Maxamed Abuukar (Xaawo Biimaaleey) oo kamid ah ganacsatada magalada. sidoo kale masaajida ay caanka kutahay waxaa ka mid ah Masjidka Sheikh cali Fanac oo kuyaala magaalada dhexbartan keeda ,Masjidka Sheikh Xassan disoow oo kuyaala Dhinaca wabiga xiga , Masaajidka Nuur Qaasin oo kuyaala Meesha cawska iyo xoolaha lagu kala iibsado . sidookale iskoolada ugu waaween waa labo waxay kala yihiin . iskoolka al Faaruuq oo kasoo bilaabanaya dhinaca Baraawe , iskookalka haayada waxaana dhisay haayado waana free wax barashadiisa .