Jump to content

Moos Bukeeni

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Moosbukiini)

Moos bukeeni waa nooc ka mid ah mooska ay Soomaalidu isticmaasho, qaas ahaan koonfurta Soomaaliya. Mooskaan wuxuu ka mid yahay 3 nooc oo ah mooska Soomaaliya laga helo. 1) Moos caadi ah, 2) Moos sokorow, 3) Moos bukeeni. Moos bukeeni wuxuu u eg yahy mooska caadiga ah, laakiin wuu ka yara balaaran yahay, halka moos sokorowga uu yahay nooca ugu yar mooska Soomaaliya, lehna dhadhan aad u macaan. Moos bukeeni waa moos la karsado ee looma isticmalo sida labada nooc oo kale.