Jump to content

"HADDAAD ARAGTO SIDUU NOQDAY..."

Ka Wikipedia

5tii Luulyo ee 2021, xili ay hadhimadii (1:00PM) tahay ayaan ka soo baxay bartaan ka shaqaynayey sidii caadada ii haydna u boqoolay baradaydii intaan dhabbo yar oo doc-tuur ah ku dhacay, jiniinta haysaana ay laba jiibaaran tahay oo meel aad beerka moodo ay belbel iga shidayso sidii ruux laba caano-maal qatanaa ama aan waxba caluuman.

Bal se, markaan bartaan ka imi iyo taanku socday aan badhtankooda marayo, ayuu bay bidhaan dheer iiga bidhaameen barbaar balcad ku la bisan, misena bacadku aan dhibayn budulkooduna boodhka kicinayo oo dugsigoodii wax-barashada u socda.

Inta ay bartii i belbeleysay bidhaantoodu bakhtiisay, ina beer-qaaday, ayaan dib u milicsaday waayahaygii wax-barasho.

Waxana si toos ah la ii soo hordhigay anoo kursiga ugu horeeya ee fasalkaygii dugsiga sare fadhiya iyo Barahaygii cilmiga bulshada gaar ahaan maadada taariikhda oo xiisada noogu jira (xasuus weynaa) waa hilaadii 2007dii iyo Dugsigaygii Sare ee Nuuradiin.

Mooyi iyo meel aan maray e, wuxuun baan baraarugay anoo wado jaam ah ku dhex-jira, iyo baam/biibta hoonka baaburta.

Waxa se, doc-tuurkii iga duwey ee jaamkaa i dhex jibaaxiyey, dareen u bohol yoobay waayaha xasuusta leh iguna wada bacad kulaylkaa bartii iigu war dambaysay dhowr gu' ka hor barahaygii Alle ha barakeeye e, Siciid Ibraahim Maxamuud oo loo garan ogyahay Siciid Gaana.

Bartii aan ku ogaa markaan soo gaadhay, ayaan daf idhi meherad aan laga waayi jirin, meherada waxa dhex fadhiya laba wadood (laba dumar ah oo waaweyn Allaa weyn e).

Bariido iyo Siciid Gaana ma aragteen ayaan isu raacayey, "maxaad ahayd hadal waayeel oo u dhignaa eyey mid kood iigu war celisay." Hooyo waxaan ahay mid ka mid ah ardaydiisii hore e lambarkiisiina uu iga baxay e i miyaad haysaan ayaan ugu celiyey.

Inta uu muuqeedii is-bedeley ayey cod qiiro leh warkiisii igu sii say, " hooyo haddaad aragto siduu noqday waad ilmayn (tolow ma beer jileecayga ayeey ogeyd) oo beryahanba xanuun baa bedeley marmar ayuuna socod witiigis ah nagu soo gaadhaa oo waa bukaan socod ee maxaan ku idhaa haddaan arko iyo...?

Naxdin weynaa, hooyo ma macaankii baa mise waa xanuun kale? "Haa hooyo, maacaankiibaa ku xumaaday iyo war waayeel," intaan warqad yar lambarkaygii ku qoray ayaan ku idhi hooyo ardaygaagii Maxamed Jabuutiyaanbaa ku soo bookhday ku dheh haddaad aragto lambarkaygaana sii, haddii Alle idmo...

Bare Siciid Maxamuud Ibraahim, qormadan warkiisa ku soo koobi kari maayo e waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo, cirigiisana raajiyo una barakeeyo cibaado iyo camal saalix ahna ku sugo kana aqbalo, aakhiro iyo adduun na uu waanaag ku abaal mariyo aamiin aamiin.

Ugu dambeyn, waxaan hubaa inuu wax soo baray kumanaan rag iyo dumar ah (Maxamed iyo Nimco), waxaan ka codsanayaa in ay Macalinkooda u soo duceeyaan.

"Ruuxii lambarkiisii hayaana, fadlan luuqa ha ii soo dhigto mahadsanid" xasuustayda lambarkiisuu wuxuu ahaa: 411....

Rabbi Cafaafiyo Bare kasta oo xanuunsan, intii dhimmatayna naxiiriistiisii jano haka waraabiyo aamiin aamiin.

Fadlan: "Bookho, Bare haaga bu'ka iyo ka aan Bar-qabinba, midna xanuun baabi'iyaad u tahay midna xasuus iyo xiise gaar ah ayaad u tahay. Adna barakaa kuugu jirta e..."