๐๐๐ฐ๐ง ๐๐ฎ๐๐ข๐ข๐ง ๐๐ฅ-๐๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ข

๐๐๐ฐ๐ง ๐๐ฎ๐๐ข๐ข๐ง ๐๐ฅ-๐๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ข, Waa daaci Islaami ah oo ka soo jeeda dalka Urdun. Waa guddoomiyaha guud ee machadka Al-macaarij ee deraasaadka sharciga ah iyo machadka Al-xawraa' ee diyaarinta iyo dhisidda oo labadaba ay xaruntoodu Urdun tahay. Waa aasaasaha shirkado adeeg iyo dacwadeed oo badan kuwaas oo gudaha dalka Urdun iyo dibeddiisaba ka hawlgala. Waxa uu si xooggan uga soo muuqdaa baraha bulshada iyo barnaamijyada telefishannada iyo idaacadaha, dhaqdhaqaaqyada dhallinyarada iyo diinta, sidoo kale waxa uu ka qaybqaata safarrada dacwadeed iyo shirarka lagu qabto caalamka Islaamka. Waxa uu buugaag farabadan ka qoray majaallada sharciga iyo dacwadda. Waxa uu ku dhashay Cammaan maalin Jimce ah 11 Ramadaan 1402 [๐ป๐๐๐๐๐๐] oo ku beegan 2 Julaay 1982.[1]
๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐ข๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐ซ๐๐๐๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cawn al-Qadduumi waxa uu ku soo koray qoys aqooneed oo laga daneeyo akhriska, cilmi-baadhista iyo shaqa-dhaqameedda bulshada. Waxa uu aqoon ka faa'iidaystay aabbihii Dr. Muciin al-Qadduumi, oo derejada diktoornimada ka gaadhay cilmiga dhaqaalaha, qorayna buugaag badan oo aqoon guud iyo dhaqaale isugu jira, sidoo kalena akhristay buugaag tiro badan lana kulmay mufakiriin iyo gabyaa farabadan tan iyo yaraantiisii.
Kaddib waxa uu jaamacadda Urdun ka bilaabay waxbarashadiisii shareecada ee akademigga ahayd ee ugu horreysay waxa uuna ku takhasusay kulliyadda "usuul addiin". Sannadkii 2021-kii waxa uu dhammaystiray waxbarashada sare ee Master-ta, isaga oo ka diyaariyay Jaamacadda Islaamiga ah ee Beyruud ee ku taala dalka Lubnaan, cilmibaadhistiisaa oo uu ciwaankeedu ahaa ( Manhajkii Nebi Maxamed Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ee Xakamaynta Bulshada Madaniga ah).
Waxa uu culuumta sharciga ah ee diiniga ah barasho ahaan iyo Ijaasad/oggolaansho ahaanba ka qaatay culimo badan oo ka mid ah ehlu sunna wal jamaaca, culuumtaas oo ku gudubta
Habka cilmiga ah ee raadsashada silsilad-sanadeed taxan illaa Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, hadday noqoto dhanka cilmiga, habdhaqanka iyo dacwaddaba, culimadaas uu cilmiga ka qaatayna waxa ay ku kala sugnaayeen dalalka Urdun, Suuriya, Lubnaan, Masar, Ciraaq, Yeman, Liibiya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Imaaraadka, Turkiga, Falastiin, Soodaan, Marooko, Aljeeriya, Kiiniya, Malaysiya, Indooniisiya, Bataani, iyo dawlado kale.
๐๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ง๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ ๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐จ
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu u socdaalay dalal badan isaga oo uu ujeedkiisu yahay cilmi-raadis, daahirinta nafta, iyo in uu dadka Ilaahay ugu yeedho. Waxa uu la kulmay culimo farabadan iyo hoggaamiyayaal ra'yiga iyo baraha bulshada hormood ka ah. Waxa uu daneeyaa dhinaca baraha bulshada, ka-qayb-qaadashadiisa, iyo cusboonaysiinta hannaanka dacwadeed ee dadka Ilaahay loogu yeedhayo, iyada oo arrintaas loo marayo qaybaha kala duwan ee baraha bulshada. Waxa uu ka soo muuqday barnaamijyo badan waxana lagu martigeliyay idaacadaha iyo kanaallada maxalliga ah, kuwa dalalka carabta, kuwa islaamiga ah iyo kuwo caalami ahba, si la mid ahna waxa si ballaadhan looga helaa bogagga internetka.
Intaa waxa dheer, waxa uu leeyahay waraaqo, buugaag iyo codad dhegaysi ah oo badan. Waxa uu ka qaybqaataa soo-jeedinta muxaadirooyinka dadweynaha ee jaamacadaha, ururrada dhallinyarada, khudbadaha Jimcaha, iyo golayaasha soo-noolaynta munaasibadaha diiniga ah iyo casharrada cilmiga ah. Sidoo kale waxa uu door muhiim ah ka qaataa hawlaha dacwadeed ee ururrada. Intaas waxa wehelisa, waxa uu gacan ka geystaa aasaasidda kanaallo telefishaneed iyo idaacado diini ah.
Sidoo kale waxa uu daneeyaa gundhigga culuumta ka warramaysa noloshii Nebi Maxamed (Naxariis iyo nabadgelyo korkiiaa ha ahaatee), ee loo yaqaanno Culuumta Nebiga. Waxa ka mid ah culuumta tilmaamaha, caddaymaha, fadliyada, khasaa'ista, iyo siirada, iyo weliba xalalkii Nebiga ee dhibaatooyinka caalamiga ah.
Sidaa si la mid ah, waxa uu aad u daneeyaa hannaanka cilmiga ah ee u adeegidda diinta (fiqhu-dacwa/ููู ุงูุฏุนูุฉ), daaci-diyaarinta (ta'hiil al-dacawi/ ุชุฃููู ุงูุฏุนูู) , isaga oo adeegsanaya barnaamijyo tababbareed oo taxane ah, kuwaas oo hoos imanaya manhajka dacwadeed ee gundhigga, diyaarinta iyo qaabaynta.
Waxa uu qoray mawduucyo fikir ah oo ku saabsan habka dadka Ilaahay loogu baaqayo, waxa uuna aasaasay barkulan-dacwadeed joogto ah oo lagu baadho arrimo aqooneed, dacwadeed iyo bulsheed.
๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu la kulmay in badan oo ka mid ah culimada iyo sheekhyada sabankan, kuwaas oo ka soo kala jeeda dalal kala geddisan.
Culimadaasi uu Ijaasada/oggolaanshaha ka qaatay waxa ka mid ah:
๐๐ซ๐๐ฎ๐ง/๐๐จ๐ซ๐๐๐ง
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Sheekh Nuux al-Qudaah, muftigii hore dalka Urdun.
- Saciid fuudah.
- Cumar Sub Laban.
- Yuusuf al-Catuum.
- Shaxaadah al-dubayrii.
- Yoons Xamdaan.
- Cali Abu al-Caysh.
- Khaalid al-Cabiisii.
- Amiin al-Kiilaani.
- Ibraahiim al-Faaluuji.
- Caayish al-Xuuyaan.
- Saari al-Tamiimi.
๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ข ๐๐๐ซ๐๐๐ข๐ฒ๐
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Nabiil al-Qumri.
- Maalik al-Carabi al-Sanuusi.
- Daariq Sardaar.
- Cumar Binu Xaamid al-Jiilaani.
- al-Xabiib Shihaabuddiin Binu Cali al-Mashhuur.
- al-Sayid Ibraahin al-Khaliifa al-Ixsaa'i.
- Al-Xabiib Cumar Binu Xafiis.
- Al-Xabiib Saalim Al-Shaadiri.
- Al-Xabiib Abubakar Al-Mash-huur.
- Al-Xabiib Sayn Binu Sumayd.
- Al-Xabiib Cumar Binu Maxamed Al-Saqaaf ( Aadan).
- Al-Xabiib Maxamed Binu Cali Al-Juneyd.
- Al-Xabiib Cali Al-Mash-huur Binu Saalim Binu Xafiid.
- Al-Xabiib Cabdillaahi Binu Maxamed Binu Calawi Binu Shihaab.
- Al-Xabiib Jacfar Binu Axmed Binu Muuse Al-xabashi.
- Al-Xabiib Cali Binu Maxamed Binu Haadii Al-Saqaaf.
- Sheekh Marci.
Mustafe Al-Sacaafiin.
- Sheekh Maxamuud Afandi.
- Maxamed Amiin Siraaj.
- Mustafe Jawaad Aakshiid.
- Saalax Al-Cabbaasi.
- Cabdilxaq Afandi.
Sheekh Daaha Cabdiraxmaan.
- Maxamed Cabdilbaacis Al-Kattaani.
- Idiris Al-Idiriisi.
- Axmed Daaha Al-Rayaan.
- Maxamed Mihnaa.
- Yusri Jabri.
- Macuud Ciwad Ibraahin.
Hindiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Al-Subeer Binu Incaam Al-Xasan.
- Sacad Binu Maxamed Haaruun Binu Maxamed Yuusuf Binu Maxamed Ilyaas.
- Axmed Al-Laad.
- Abubakar Axmed Al-Milyibaari.
Imaaraadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maxamed Cali Binu Cabdiraxmaan Al-khaalidi.
- Ciise Al-Xumeyri.
- Cabdirabbi Al-Nadaari.
Afgaanistaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sheekh Sheekh Jiihaan Al-Afqaani.
Muritaaniya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maxamed Al-Yadaali.
- Cabdillaahi Binu Bayyah.
Kurdistaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Rashiid Kaak.
Ciraaq
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Sheekh Cabdiqaadir Al-Caani.
- Cabdilmalik Al-sicdi.
- Khaliil Fayaad.
- Khaliil Al-Jannaabi.
- Adiibah Bintu Calaa' Siraajaddiin Al-Naqshabandiyi.
Liibiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Caadil Al-Liibiyi.
- Nimcaan Al-Sanuusiyi.
- Jalaal Al-Jahaani.
- Al-Malikah Faadumo Al-Sanuusiyi.
Lubnaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Usaame Al-Rafaaci.
- Maxamed Cali Al-Baaruudi.
Suuriya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maxamed Mudiic Al-Xaafid Al-Mash-huur ( Bidbas
- Wa Sayt).
- Axmed Binu Cabdillaahi Siraajuddiin.
- Maxamed Fu'aad Saliim Daaha.
- Jamiil Al-Baydaar.
Al-Jeeriya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdiladiif Bilqaa'id.
Soodaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sheekh Al-Yaaquut Al-Sheekh Maxamed Al-Sheekh Maalik.
Shaqooyinkiisa Iyo Dhaqdhaqaaqyadiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Mashruucyada iyo shaqooyinka Hayโadaha:
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu aasaasay hayโado badan oo aqooneed, dacwadeed iyo kuwo bulsheed oo ka kala hawlgala meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin ah Urdun, Turkiga, Bariga Afrika, iyo Indooniisiya.
Hay'adahaasna waxa ka mid ah:
- Shirkadda Al-Macaarij ee Tababarrada iyo La-talinta.
- Machadka al-Macaaarij ee deraasaadka Shareecada oo ay faracyadiisu ku yaallaan Somalilaan, Turkiga, iyo Indooniisiya.
- Xarunta Al-xawraa' ee Cilmiga Shareecada ee Haweenka.
- Xarunta Qiblah ee La-talinta arrimaha cilminafsiga iyo Qoyska.
- Ururka (Masaabat Al-ictidaaal/ู ุซุงุจุฉ ุงูุฅุนุชุฏุงู) ee cilmiga shareecada.
- Urur-aqooneedka Haweenka ee Al-xawraa'.
- Xarunta Haashimiyada ee deraasaadka culuumta Nebiga.
- Ururka Isku-filaanshaha ee Horumarinta Bulshada (ุฌู ุนูุฉ ุงูุฅูุชูุงุก ุงูุฐุงุชู ููุชูู ูุฉ ุงูุงุฌุชู ุงุนูุฉ)
- Urur-dhaqameedka Rabiic Al-muxibbiin.
- Ururka Samafalka ee Al-cawn ee Soomaalilaan.
- Shirkadda Daar Al-Muciin ee Daabacaadda, Faafinta, iyo Daraasadaha.
- Shirkadda Ma'aasir ee Qabanqaabinta Safarrada (ู ุขุซุฑ ูุชูุธูู ุงูุฑุญูุงุช)
- Shirkadda Al-iksiir ee Xalalka Ganacsiga.
- Jikada Ibraahim Al-khaliil (jiko wax-soo-saar)
- Bakhaarka Juuna ee iibinta agabka qurxinta iyo cumaamadaha.
- Tukaanka Al-hhayraat.
- Mu'sasadda was-soo-saarka warbaahineed ee Al-bayaariq.
- Idaacadda iyo Telefishanka Maxabbah.
- Kormeerka Taxawul (ู ุฑุตุฏ ุชุญูู) ee Turkiga.
Safarrada Iyo ka-qaybqaadashooyinka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu ka qeybgalay safarro badan iyo shirar kala duwan oo ka dhacay waddammada Carabta, Turkiga, Koonfur-Bari Aasiya, Bariga Afrika, Talyaaniga, iyo Jili.
Shirarka ugu muhiimsan waxa ka mid ah:
- Shirkii afaraad ee Caalamiga ahaa ee Tasawufka oo ka dhacay Urfa,Turkiga 2014.
- Barkulanka Fiqhu Al-taxawulaat oo ka qabsoomay Xadramuut, Yeman.
- Shirweynaha Cilmiga ee Al-cqaba โshirkii koowaad iyo labaad.
- Barkulankii labaad ee caalamiga ahaa ee daaciyiinta oo ka dhacay Keerala, Hindiya.
- Shirweynaha Difaaca Dalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Difaaca ee Indooniisiya iyada oo kaashanaysay Ururka la aqoonsanyahay ee Al-dariiqa Al-nahdiyah 2016.
- Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Tasawufka oo lagu qabtay Boqortooyada Marooko.
- Barkulanka Caalamiga ah ee Tasawufka oo ka qabsoomay( Pekalongan), Indooniisiya 2019.
- Shirweynaha Caalamiga ah ee Tasawufka oo lagu qabtay Baqdaad, Ciraaq 2024.
Wax-qabaydyada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1. Dawrooyinka Cilmiga Waajibka ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa dawrooyinka ay barashadooda qofka kaga dhacayso inta cilmiga ku waajibka ah. Waxa muddo toban sanno ah dhigtay/ku biiray in ka badan 5000 oo iskugu jirra rag iyo dumarba.
Waxa uu hadafka dawrooyinkani ahaa bararashada seeska diinta ee ku saabsan Iimaanka/Caqiidada, Islaamka/Fiqiga, Ixsaanka/Dahirinta nafta.
2. Nidaamka Labada sanno
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa qaab uu ardaygu ku dhiganayo 16 cilmi oo dwrajooyin kala leh, oo xifdi iyo cilmi-baadhis ay ku ladhanyihiin.
3. Diyaarinta Daaciga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]barnaamijka tababarka daacigu Waa afar darajo oo leh dawrooyin oo ah gundhigga dacwadda, barashadeeda, iyo xambaaridda hammigeeda, intaa kaddib waxa la gudagalaa barnaamij lagu diyaarinayo daaciga iyada oo la dhisayo xirfadihiisa, loona dirayo hawlo dacwadeed oo uu ka kasbado khibrad, intaa dabadeed waxa loo qalqaaliyaa diirad-saaridda heerarka loo-baaqayaasha ( ู ุฑุงุชุจ ุงูู ุฏุนูููู ), luqadda hadaljeedinta iyo ku-takhasusidda shaqada dacwadda, kaddibna waxa uu u banbaxaa qaabaynta iyo dhisidda hawlaha dacwadeed ee mu'sasadeed iyo kormeerkooga.
4. Barnaamijka guga muxibbiinta
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa barnaamij bulsheed oo bilaabmay sanadkii 2010, ahmiyadfiisuna ay tahay noolaynta labada bilood ee Rabiicu Al-awal iyo Rabiicu Al-saani sannad kasta, laguna nooleeyo golayaal iyo xaflado salliga nebiga laga akhriyo waxana lagu qabtaa gobollada kala duwan ee dalka Urdun, barnaamijkan waxa lagu hirgeliya mu'asasadaha masaajiddada iyo guryaha halkaasi oo ay yimaaddaan warbaahinta qaybaheeda Kala duwan hadday noqoto telefishan, idaacad iyo noocyada kale ee baraha bulshada. Bartilmaameedka barnaamijkani waa in dadka hab casriyaysan loo baro jacaylka iyo akhlaaqda Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
5. Noolaynta munaasibadaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Noolaynta munaasibadaha diiniga ah iyada oo la hirgelinayo barnaamiyo kala geddisan sanadka gudihiisa, taas oo looga gol leeyahay in lagu dhegganaado ahaanshaha diiniga ah iyo faafinta jacaylka.
6. Safar-dacwadeedka Caalamiga ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa safar sannadle aha qabto oo imika lixjirsaday, safarkaasi oo ay ka qaybqaataan qaar ka mid ha culimada, muftiyada iyo daaciyiinta, iyaga oo ku soo wareegaya dhawl dal isna dhaafsanaya waaya'aragnimo, gudanaya waajibka dacwadeed isla markaana kor u qaadaya xirfaddooda.
7. Cumrada Dhaxalka Nebiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa cumro ka kooban booqoshada aasaarta diiniga ah ee Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ ee taalla labada xaram ee shafta leh iyada oo ay la socdaan barnaamijyo iimaani ah oo Kala duwan, fadhiyo ruuxi ah oo ay goobjoog ka yihiin culimo iyo hanuuniyayaal. Tirada safarradaasi waxa ay kor u dhaaftay 40 safar, waxana ka mid ah safarro qoys iyo kuwa dhallinyareed. Waxana aan iyana halkaasi ka maqnayn waxqabadyo iyo tartanno aqooneed.
8. Barkulanka Al-khuwaysah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa kulan sannadkii laba goor la qabto mid ka mid ahina uu caalami yahay. Kulankan waxa lagaga arrinsadaa sidii looga dhabayn lahaa farriinta halkudhigga ah ee [Diinta gebi'aanteed oo adduunka gebi'aahntii lagu soo nooleeyo] iyo kor-u-qaadidda shaqada ururrada dacwadeed, waxana uu Shirkani qabsoomay in ka badan 17 jeer.
9 . Barkulanka (Mujtamacu maxabba)
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa kulan dawro ah oo uu ujeedkiisu yahay diyaarinta (safiirrada Nebiga) Waa sida lagu magacaabay e'. Barkulankaasi waxa uu ka soo bilaabmay 2023 waxa uuna ku taagan yahay manhaj ka kooban 7 heer, laguna beegsanayo in lagu soo saaro safiirro faafiya siirada Nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
10. barnaamijka (isku-filnaanshaha)
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa mashruuc ku saabsan in shakhsiyaadka iyo ururradu ay daneeyaan ganacsiga xoolaha, beeraha iyo warshadaha wax-soo-saarka si ay u helaan ilo dhawaale oo ay ku tiirsanaadaan xilliyada ay dhibaatooyinka dhaqaale jiraan, maciishadduna ay adagtahay.
Mashruucan waxa taabbageliyay koox loogu talagalay in u adeegaan aragtida isku-filnaanshaha, kooxdaas oo ku aroorta machadka Al-macaarij ee Deraasaadka Sharciga ah iyo sidoo kale mu'asasad qabata adeegyada la-talinta iyo xalalka maaliyadeed.
11. Mashruucyada Beyt Al-maqdas
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu sheekhu qoray kutab dhawr ah, oo ay ka mid yihiin "ุงููุฏุณ ู ุจูู ูู ุนูู" waxa kale oo uu aasaasay barnaamijka "ุนุจุงุฏูุง ููุง" waxa kale oo uu leeyahay sheekhu barnaamijyo Yuutuyuubka ku duuban oo uu ka mid yahay barnaamijka "ุจูู ูุฏู ุงูุนุงูู ูุฉ ุงูุฅุณูุงู ููุฉ ุงูุซุงููุฉ" Sidoo kale waxa uu aasaasay mashruuca (beytu Al-maqdas) si uu beytul-maqdaska ugu adeego kana shaqeeyo dhinacyada wacyigelinta, qeexidda iyo gundhigga, sidaa si la mid ah, waxa uu xoogga saarayaa in uu kor u qaado wacyiga ku gadaaman beytul-maqdaska hadday noqoto tagtada, taaganta iyo timaaddada intaba, iyo kaalinta ay Haashimiyiintu ku leeyihiin.
Kutubta Uu Sheekhu Qoray:
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sheekh Cawn Al-Qadduumi si guud waxa uu ugu xeeldheeryahay culuumta Nebiga, waxa uuna ka qoray Kitaab loo tixgeliyo in uu yahay albaabka laga soo galo shanta cilmi ee uu u bixiyay (Culuumta Nebiga/ุงูุนููู ุงููุจููุฉ), kitaabkaasi oo saddex goor la daabacay loona turjumay luqadaha Ingiriisiga iyo Malaawiga.
Sidoo kale waxa uu sheekhu aad u daneeyaa cilmiga Fiqhu Al-taxawulaat, waxana uu ka qoray kitaab uu magiciisu yahay (ู ูุงูุงุช ูู ููู ุงูุชุญููุงุช); si ay qormooyinkaasi u noqdaan xuddunta dhaqangelinta/dabbaqidda cilmigan.
Sidoo kale waxa uu leeyahay kutub badan oo ka hadlaysa majaalka dacwadda waxana ugu caansan kitaabka la yidhaa (ู ุนุงูู ุงูุฏุนูุฉ ุงูู ุญู ุฏูุฉ) oo uu ku ururiyay kuna sharraxay afartan xadiis oo ku saabsan fiqhiga dacwadda Ilaahay gundhig ahaan, diyaarin ahaan iyo qaabayn ahaanba.
Tirada buugaagta sheekha ee la daabacay waxa ay ku dhawdahay konton kitaab, in kasta oo ay ka mid yihiin kuwo weli ay daabacaaddoodu socoto. Kutubta uu sheekhu qoraya ayaa ah kuwo mawduuc ahaan kala duwan oo isugu jira tasawuf, salawaad, maqaasidda cibaadooyinka, culuumta Qur'aanka, mawduucyada Ramadaaniga ah, iyo kutub ka hadlaysa mashruucyadii Nebiyada ee xoraynta beytul-maqdas iyo silsilad/taxane ka hadlaya tilmaamihii Nebi CiiseโNabadi korkiisa ha ahaateeโ iyo kutub kale oo ay daabacday shirkadda daabacaadda, baahinta iyo deraasaadka ee Daaru Al-muciin.
Barnaamijyada Idaacadda Iyo Telefishanka:
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Daaci Sheekh Cawn Al-Qadduumi waxa uu leeyahay in ka badan labaatan barnaamij oo telefishan iyo idaacad isugu jira oo laga baahiyay gudaha dalka Urdun iyo dibeddiisa oo dalalka Carbeed ah. Barnaamijyadaasi waxa ay ka koobnaayeen mawduucyo kala duwan, sida dacwadda Ilaahay, daahirinta nafta, (fiqhu al-munaasibaat), culuumta Nebiga, fiqiga qoyska iyo mashruucyadii Nebiyada ee xoraynta beytul-maqdas.
Barnaamijyada waxa ugu caansan:
- Barnaamijka Dacwadda dhammayska ah ( ุงูุฏุนูุฉ ุงูุชุงู ุฉ) oo laga sii daayay kanaalka ( ุงูุฅุฑุซ ุงููุจูู)
- Barnaamijka Gurigii Nebiga ( ุงูุจูุช ุงููุจูู) oo laga sii daayay kanaalka ( ุงูุชููุฒููู ุงูุฃุฑุฏูู)
- Barnaamijka Addoomahayaga ( ุนุจุงุฏุง ููุง) oo laga baahiyay kanaalka ( ุฅูุฑุฃ)
- Barnaamijka (ููุฐุง ุงููุจู) oo laga sii daayay kanaalka ( ุงูุชููุฒููู ุงูุฃุฑุฏูู)
- Barnaamijka ( ูุณูู ุงูุณุญุฑ) oo ay baahisay idaacadda ( ุญูุงุฉ ุฅู ุงู )
Sidoo kale daaciga Sheekh Cawn Al-Qadduumi waxa uu dhawr barnaamij ku waraystay mufakirka Al-Xabiib Abubakar Al-Cadani Ibnu Cali Al-Mash-huur, barnaamijyadaa oo qaar ka mid ah ay ciwaannadoodu kala ahaayeen: Al-mirsad al-Nabawi iyo Al-Bayaariq, labadaa barnaamijna waxa lagu duubay kanaalka ( ุงูุฅุฑุซ ุงููุจูู)
Dalalka Ugu Muhiimsan Ee Uu Sheekhu Ku Soo Maray Safarradiisii Dacwadeed
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Yeman
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Safarro badan oo ka soo bilaabma 2003, isaga oo halkaasi kula kulmay culimada Yeman kuna qabtay casharro, muxaadirooyin, iyo waraysiyo telefishan.
Masar
[wax ka badal | wax ka badal xogta]safarro tiro badan oo ka soo bilaabmay 2006 illaa maantana socda, kuwaas oo uu ku qabto muxaadirooyin ka dhaca Jaamadda As-har iyo goobaha cilmiga ah ee ku xeeran, waxa uu halkaasi kula kulmaa culimada iyo dadkeeda saalixiinta ah. Safarradiisaa waxa ku gudajira booqashada gobollada, maqaamyada iyo xarumaha taariikhiga ah.
Waxa uu ka qaybqaatay aasaasiddii kanaalka (dhaxalka Nebiga/ ุงูุฅุฑุซ ุงููุจูู), waxana lagu martiqaaday kulanno farabadan oo saxaafadeed oo ay ugu dambaysay bishii 5aad sannadkii 2024, xilligaas oo ay kulmeen Sheekhul az-harka imaam Axmed al-Dayib.
Soodaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Saddex safar oo ka soo bilaabmaya 2014, isaga oo ka qaybgalay xuska dhalashada Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ oo lagu qabtay fagaarayaasha waaweyn ee uu dadweynuhu isugu yimaaddo, taas oo qayb ka ah xuska dhalashada Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ ee sannadlaha ah ee dariiqooyinka suufiyada.
Marooko
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sannadkii 2022 safar dacwadeed ayaa uu ku tegay waddanka Marooko/Maqfib isaga oo booqday (Daaru al-baydaa'/ ุฏุงุฑ ุงูุจูุถุงุก) kuna soo wareegay Marraakish, Danjah, Al-caraa'ish iyo magaalooyin kalaba.
Tuuniisiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Safarro badan oo ay ugu dambaysay sannadkii 2016, halkaasi oo uu ku qabtay barnaamijyo kala duwan iyo muxaadirooyin uu ka soo jeediyay Al-seytuuna iyo goobo kale oo hay'adaha rasmiga ah iyo kuwa caalamiga ah ka mid ah.
Ciraaq
[wax ka badal | wax ka badal xogta]sannadkii 2023 waxa uu ka qaybgalay xuska dhalashada Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ ee lagu qabtay xadrada qaadiriyada ee ku taalla Baqdaad, kaddib markii uu martiqaad sharaf leh ka helay maamulka xadrada qaadiriyada.
Waxa uu ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee tasawufka ee ay qabatay xadrada qaadiriyadu iyada oo kaashanaysa (Sunni Diwan Endowment/ุฏููุงู ุงูููู ุงูุณูู) oo uu gadhwadeen ka ahaa ra'iisul wasaaruhu.
Imaaraadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]safarro dhawr ah oo ay ku weheliyaan tiro culimo ah iyo muftiga awqaafta Dubay, iyo golayaal uu isagu martiqaadkoogu lahaa.
Lubnaan: Safarro dhawr ah iyo waxbarashada Mastarta oo uu halkaasi ku diyaariyay, safarkiisii ugu dambeeyayna waxa uu ahaa bishii 5aad sannadkii 2024, shirkaas oo koobsaday muxaadirooyin iyo kulanno.
Dalalka Yurub
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1. Safar dacwadeed oo uu ku tegay Talyaaniga, (Turin) sannadkii 2011.
2. Safar dacwadeed oo uu ku tegay Talyaaniga, magaalooyinka kala ah( Verona, Padua, Turin, L'Aquila, Terno, Milan) iyo magaalooyin kale sannadkii 2011.
Dalalka Bariga Aasiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Safarro badan oo ku tegay dalalka koonfur-bari ee Aasiya ( Indooniisiya, Malaysiya, Singabuur, Taylaand), laga soo bilaabo sannadkii 2013 illaa maalinkan maanta ah, safarradaas oo uu kaga qaybqaato shirweynayaal, sida shirweynaha difaaca dalka oo ay qabato wasaaradda difaaca ee Indooniisiya iyada oo kaashanaysa ururka (Al-dariiqatu al-nahdiyah/ ุฌู ุนูุฉ ุงูุทุฑููุฉ ุงูููุถูุฉ) ee laga aqoonsanyahay Indooniisiya sannadkii 2016, shirka caalamiga ah ee tasawufka ee ka qabsoomay Pakalongan/Indooniisiya. Waxana ugu dambaysay markii uu guddoomiyaha ururka nahdatu al-culamaa'/ ููุถุฉ ุงูุนูู ุงุก uu ku martiqaaday xafladda xuska dhalashada Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ sannaskii 2023, waxana la falgalay tiro badan oo ka mid ah ururka Nahdatu al-culamaa', iyaga oo soo booqday goobaha diiniga ah ee dalka Urdun kaddib markii ah barteen Sheekh Cawn al-Qadduumi, waxaanay soo direen tiro ardaydooda ka mid ah si ay wax uga bartaan jaamacadaha Urdun iyo machadka Al-macaarij.
Turkiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Safarro badan oo kala duwan oo uu ku soo maray gobollada Turkiga isaga oo ka qaybqaatay arrimo aqooneed, muxaadirooyin, shirar iyo kulanno uu la yeeshay culimada iyo dadka saalixiinta ah ee dalka Turkiga, safarradii ugu dambeeyayna waxa ka mid ahaa sannadkii 2023 oo uu aasaasay (Mujtamac Al-maxabba/ ู ุฌุชู ุน ุงูู ุญุจุฉ) oo ay weheliso baridda iyo xoojinta culuumta Nebiga iyo ruuxda jacaylka ee caalamkan aynu maanta joogno. Safarkaasi waxa ka xigay safarro dhawr ah.
Hindiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Safar dacwadeed iyo ka qaybgalka barkulanka caalamiga ah ee daaciyiinta sannadkii 2016, waxa kale oo uu ka qaybqaatay xafladda xuska dhalashada Nebigaโnaxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaateeโ ee [Shad Al-carab] oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan hal milyan oo qof, xafladdaasina waxa sheekha si sharaf leh ugu martiqaaday muftiga dalka Hindiya Sheekh Abubakar Axmed Alle ha ilaaliyo e'.
Itoobiya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]waxa uu booqasho ku tegay dalka Itoobiya isaga oo booqday caasimadda Addis Ababa, kaddibna Sayid Najaashi ayaa uu ku soo booqday magaalada Shire ee uu ku aasanyahay, halkaasi oo ay si heersare ah ugu soo dhaweeyeen qoomiyadda Tigreeygu.[2]
Intaa dabadeed, waxa uu kacay Herar waxa uuna la kulmay culimada halkaasi, sidoo kale waxa uu booqday Sayid Abaadar iyo madarasadda Axmed Binu Xambal.
Dalalka Kale Ee Uu Sheekhu Booqday Waxa Ka Mid Ah:
Bangaaladhish, Jili, Aljeeriya, Suuriya, Iswiiserlaan iyo Ingiriiska.
Safarradan iyo booqashooyinkanina waxa ay lahaayeen raad weyn iyo waxyaabo badan ooay la gaar ahaayeen, waxana ka mid ah:
1. Ceelal-biyoodyo badan oo Afrika laga furay, kuwaas oo ay ka soo dhaansadaan qabaallada duurka ku nool ee ay biyala'aantu haysato.
2. Aasaasidda mu'sasadda Bariga Afrika ee machaddada sharciga ah.
3. Dhagaxdhigga Ribaad Al-macaarij ee Soomaalilaan.
4. Dhisidda dhawr masjid oo Afrika ku yaalla.
6. Machadka Al-macaarij ee deraasadaha sharciga ah oo farac looga furay magaalada (Yalova) ee dalka Turkiga.
7. Sharci-u-samaynta ganacsiyo iyo ururo dacwadeed oo laga hirgeliyay dalka Turkiga waxana ka mid ah:
Daar al-Muciin ee daabacaadda, baahinta iyo deraasaadka, bakhaarka Juuna (Jona Store), shirkadda Ma'aasir ee qabanqaabinta safarrada( ุดุฑูุฉ ู ุขุซุฑ ูุชูุธูู ุงูุฑุญูุงุช).
Sidoo kale waxa hu sheekh Cawn safarro dacwadeed ku gaadhay dalalka kala ah:
Bariga Aasiya: Malaysiya, Taylaan, Indooniisiya, Singabuur.
Bariga Afrika: Soomaaliya, Soomaalilaan, Sansibaar, Tansaaniya, Yugaandha iyo kiiniya.
Albumka sawirka Sheekh ee Somaliland
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
- Sheekh ee Somaliland
kheyraadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- โ https://web.archive.org/web/20220106211930/https://www.ammonnews.net/article/638851
- โ https://almustaqel-news.com/%D8%A7%D9%84%D8%AF%D8%A7%D8%B9%D9%8A%D8%A9-%D8%A7%D9%84%D8%A3%D8%B1%D8%AF%D9%86%D9%8A-%D8%B9%D9%88%D9%86-%D8%A7%D9%84%D9%82%D8%AF%D9%88%D9%85%D9%8A-%D9%8A%D8%AF%D8%B4%D9%86-%D8%A8%D9%8A%D8%AA-%D8%A7/