22 Oktoobar 2018
Appearance
Digreeto ka soo baxaday xafiiska Wasiirka Arimaha Debedda maamulka Hirshabelle ayaa waxa silkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan Maxamed Cusmaan Qalaafow, iyadoone isla wareegtadaasi gudaheeda lagu magaacabay mid cusub.
Wasiirka Arimaha Gudaha maamul gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegtada xilka gudoomiye uga qaaday Maxamed Cusmaan Qalaafow islamarkaane ku magacaabay Maxamed Axmed Ibraahin (Foodcadde) oo hadda noqanaya gudoomiyaha cusub ee magaalada Beledweyne ee gobalka Hiraan.