48 qaanuunyo ee awood
Appearance
48 qaanuunyo ee awood (ingiriis: 48 Laws of Power) waa mid kamida buugaagta uu qoray qoraaga wayn ee Robert Greene. Buugan waxa ladaabacay sanadii 1998 waana buuga nuquladeeda gaadheysa 1.3 milyan nuqul oo lagu iibiyay Maraykan.
Liiska
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- 1 Ha ka gacansaraynin mansab ahaan sayidkaaga: Ujeedada ah, isku day sayidkaaga inuu dareemo inuu mansabkiisa yahay mid samaroon ee sarreeya
- 2 haa isu halaynin asxaabtaada: Ujeedada ah, ha aaminin asxaabta ama ugu yaraan fejignaan ka hayso asxaab, waayo asxaabo badan dhagrid ayey leyihiin
- 3 Dahsoon ka dhig quluudkaaga: Ujeedada ah, qadiyadaada waa in aad markast qarisid; waayo dadka haddii ay baraarujin la'aan yihiin, heegangelin ma samaysmi karaan. Fagaaro qiiq ah ka dhig ujeedadaada
- 4 Markasta hadalkaaga yarey: Ujeedada ah, dadka hadalka yar, waxay dadka kale ku cagajugleyaan haddii ay hadalkooda yareyaan.
- 5 Dhegsami, muunad ama maamuus waa shay muqaddas, huriweyto, lamataabtaan ah; kaydi!: Ujeedada ah, sharaftaada iyo maamuuskaada markasta ilaalin ayey u baahan tahay; Yacne sumcadda wuxuu yahay udubdhexaadka awoodda; sidaas daraadeed ha ku dheelin maamuuskaada
- 6 Dhugmo iyo bogaadinta soo martiqaad: Ujeedada ah, bogaadinta in la soo dhaweeyo oo la soo daabulo iyo qaabilo faa'ido badan bey leedahay; waayo qofka aan la arkin, lama tiro iyo lama tixgeliyo
- 7 Dadka kale shaqeysii, laakinse saadahooda qaado: Ujeedada ah, tamarta iyo xirfadaha dadke kale isticmaal, laakinse mahadnaqa la wareeg sii damacsanaantaada aad ku xoojin lahayd; waxaad u eekaan doonta qof hufnaan badan leh
- 8 Noqo qof dadka soo martiqaada, lacaaf ama callaafad isticmaal: Ujeedada ah, hoygaada haddii aad dad ku soo keentid, waxaad dadkaasi keentay meel aad aqoon ku leedahay, sidaas darteed waad kormeeri karta dhacdooyinka. Hoygaada wuxuu hergeliya fududeynta armarkaaga
- 9 Ku guuleyso ficilkaaga, goornaba isafdhaaf: Ujeedada ah, isafdhaafka wuxuu hirgeliya xannaaq, xiqdi, anguugyo, ciil, guhaad, hiijo, kahasho, iyo timil, xitaa haddii aad ku gacansarayso isafdhaafka. Teeda kale, isafdhaafka wuxuu tebin kara taxriif. Ficil wuu ka sanqad-dheer yahay hadal. Markasta doorbid habmaamuska hogatuska.
- 10 Dadka madluun ama tiiraanyo qaba waa caabuq: Ujeedada ah, qof tiiranyo ah, tiiraanyadaas wuxuu saamayn ku lahaan doona qofka hareerihiis jooga, sabaabtoo ah, qiiraha waa shay baahin iyo nudayn leh. Sidaas awgeed, waa in laga waantoobo dadka noocaas ah.
- 11 Baro sida dadka ku cuskan lahaayeen: Ujeedada ah, haddii lagu baahanyahay, waxay ku kordhinaysa xornimadaada, nabadsugidaada iyo ahmiyada amarkaaga.
- 12 Isticmaal daacadnimo teelteel ah: Ujeedada ah, qofka kaa dareemo daacadnimo, hubkadhigis iyo xanaan ayaa laga yaaba inuu ku tebiyo.
- 13 Intaad arxanka dadka raadin lahayd, waxaa ka habboon inaad codsatis dantooda: Ujeedada ah, haddii deyn lagu xasuusiyo dadka, waa arin hagardaamo ayaa loo arkaya; sida darteed, taas ka doorbid danta qofka.
- 14 Is-yeelyeel saaxib inaad tahay, adigoo run ahaan sirdoon ah: Ujeedada ah,