Abwaan Aw Yuusuf Barre
Abwaan Aw Yuusuf Barre
Gabaygan Guur aan ka La’aado waxaa tiriyey Allaha u naxariistee Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magacdheeraa Aw Yuusuf-barre. Wuxuu gabaygan Aw Yuusuf tiriyey xilli lagu qiyaasay sanadkii 1922kii. Gabayaagu wuxuu tusaalaynayey kuna halqabsaday laba nin oo ay midna ilma adeer ahaayeen midna uu adeer u ahaa, lana kala odhan jiray Hassan Abdi Ali (Gurey) iyo Ali Hassan Ibraahin (Daroor.) In kastoo gabaygu xilli horre ahaa, haddana waxaa 2002dii naloo xaqiijiyey in Gurey iyo Daroorba xayi yihiin iyagoo da'a ah. Nimankani waxay ahaayeen barbaar guur doon ah, abwaankuna wuxuu jeclaystay inuu tusaaleeyo gabadha guurka ku habboon iyo midda aan ku habboonayn sifaadka kala duwan ee lagu aqoonsado. Haddaba, gabayaaga ayaa tilmaamay sifaadka uusan shaqsi ahaan jeclayn, Gurey iyo Daroorna wuxuu kula talinayaa in aysan guursan gabadhihii calaamadahaa yeelata ama lagu tuhmo. Wuxuu yidhi: [1]
Gurey iyo Daroorow arini, waygu gabileeye
Wax i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale
Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye
Garanna wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone
Guddigayga caawaba maqloo, geliya laabtiina
Oo wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay
Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne
Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye
Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
Gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba
Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado
Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay
Gurijoogta xoolaha midaan, goosanka u diidin
Een garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta
Gudbantaan halkayguba galayn, guur aan ka la’aado
Allow garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa
Oo qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho
Gandihii miduu wada nacee, gacalka fiigaysay
Gool boodadii laga samree, goysay ubadkeeda
Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka la’aado
Geediga hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba
Ee gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay
Waa geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne
Reerkoo gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay
Anoo galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka
Geedaha hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda
Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane
Guul iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee
Gosha laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi
Gaade iyo intay bahal isiin, guur aan ka la’aado
Midda gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo
Ee socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa
Ee gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa
Janbal gibin ah een golos ahayn, guur aan ka la’aado
Carmal jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay
0o iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo
Waxay gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba
Dhowr habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo
Gadaal bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye
Intay galab i aynabi lahayd, guur aan ka la’aado
Middaan cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda
Galgalin jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba
Oo golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay
Ee giiryar baa cunay i odhan, guur aan ka la’aado
Galbashada dharaartii middaan, gaadhka iga haynin
Een garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka
Een guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye
Anoo luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban
Intaan ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa
Amaan goor xun daydayan lahaa, guur aan ka la’aado
Maradaan u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay
Garbasaar hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran
Wal maxidhato ganaca uun banayn, guur aan ka la’aado
Galoolka iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane
Garba duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto
Waxay hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba
Mar haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo
Gabbaad kob aan lahayn kuma gam’ee, guur aan ka la’aado
Dumaal gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye
Haddaan wiilka guulguulo, way igu guhaadoone
Waa gool dhashii haysatee, guur aan ka la’aado
Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca
Golostay ujeedeen haday, guluca soo saarto
Waxay guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba
Goobtii midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa
Garaclayda geelada irmaan, guur aan ka la’aado
Gool weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay
Gab hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto
Weelkeedu tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin
Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye
Intaan ciil la gow odhan lahaa, guur aan ka la’aado
Talaabada midaan gaw kasiin, gooray soconayso
Oon gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin
Een dumarka gaasirin giddigii, guur aan ka la’aado
Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin
Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa