Jump to content

Abwaan Hadraawi

Ka Wikipedia
Hadraawi
Hadraawi 2018
Native name
DhashayMaxamed Ibraahim Warsame
1943 (1943)
Balli-Alanle, Togdheer, British Somaliland
Dhintay (da’ ahaan 79 Jir)
Hargeysa, Maroodi Jeex, Somaliland
Ku aasanHargeysa
QalinkaHadraawi
Shaqo
  • Abwaan
  • qoraa
  • heesaa
  • falsafad-yahan
LuuqadAf-Soomaali
WadankaSoomaali
Heerka AqoonJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Waxka qoraWaddaninimo, jacayl, iimaan, geeri
Sameeyay
  • Siinley
  • Tawaawac
  • Isa Sudhan
  • Sirta Nolosha
  • Hooyo la'aanta
AbaalmarinAbaalmarinta Prince Claus (2012)
QaraabadaHurre Walanwal (walaal)

Maxamed Ibraahim Warsame[lower-alpha 1], oo loo yaqaan magaca hal-abuurka ah ee Hadraawi[lower-alpha 2], wuxuu ahaa abwaan, falsafad-yahan iyo qoraa Soomaaliyeed (1943 – 18 Agoosto 2022). Wuxuu qoray suugaan badan oo ka hadasha xaaladaha bulshada iyo siyaasadda, waxaana qaar badan oo ka mid ah loo arkay suugaan ka dhiidhineysa cadaalad-darro. Dad badan ayaa isaga ku naanaysiiyay "Shakespeare-ga Soomaaliyeed".[1] Suugaantiisa ayaa lagu turjumay luqado badan.[2][3] Wuxuu ahaa walaalka weyn ee Hurre Walanwal, oo isna ahaa abwaan iyo heesaa.[4]

Taariikh Nololeed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hadraawi wuxuu ku dhashay Balli-Alanle oo ku dhow Qorilugud, gobolka Togdheer, xilligii British Somaliland.[5] Wuxuu ka soo jeedaa faraca Axmed Faarax ee Habr Je'lo Isaaq. Qoyska wuxuu ka koobnaa hal gabadh iyo siddeed wiil. 1953-kii, isagoo sagaal jir ah ayuu la noolaan jiray adeerkiis magaalada Cadan ee Yemen. Halkaas ayuu ku bilaabay waxbarasho, wuxuuna helay naanaysta "Hadraawi" oo ka timid "Abu Hadra". 1963-kii wuxuu noqday macallin dugsiga hoose.

Soo Laabashada Soomaaliya

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kadib markii British Somaliland xorriyadda qaadatay 26 Juun 1960, una midoobay Aagii Ammaanada ee Soomaaliya 1 Luulyo 1960, Hadraawi wuxuu ka yimid Cadan kuna soo laabtay Muqdisho, caasimadda cusub. Halkaas ayuu ka shaqeeyay Radio Muqdisho, wuxuuna wax ka baray uguna dambeeyay inuu ka dhigo Jaamacadda Lafoole. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay Wasaaradda Warfaafinta.

Waxa uu lahaa cod suugaaneed oo ka hadla jacaylka, balse sidoo kale dhaliila siyaasadda iyo cadaadiska nidaamkii militariga ee markaas jiray, taas oo sababtay in la xiro intii u dhexeysay 1973–1978.[2]

Ururka Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markii la sii daayay 1978-kii, wuxuu noqday agaasimaha waaxda farshaxanka ee Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Hadraawi wuxuu ku biiray Ururka Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed oo mucaaradsanaa nidaamkii Siyaad Barre, isagoo cod adag ka ahaa ka hadalka tacaddiyada lagu hayay dadka Isaaq ee gobolka waqooyi.

1991-kii wuxuu u guuray Boqortooyada Midowday ka dib markii Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeedii, wuxuuna ku safri jiray Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. 1999-kii ayuu ku soo laabtay Somaliland isagoo deggay Hargeysa. Sanadkii xigay wuxuu ka qayb galay Bandhigga Millennium ee magaalada Chicago. Mar dambe wuxuu degganaa Burco, sidoo kale wuxuu gudtay Xaj.

Hadraawi wuxuu ku geeriyooday Hargeysa, Somaliland, 18 Agoosto 2022, isagoo 79 jir ah.[6][7]

Wax ku Biirinta Fanka iyo Heesaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Marka laga reebo gabayada iyo riwaayadaha, Hadraawi wuxuu la shaqeeyay fannaaniin badan oo caan ah. Waxaa ka mid ah heesihiisa:

  • "Baladweyn" – uu qaaday Xasan Aadan Samatar (1974)
  • "Jacayl Dhiig ma Lagu Qoraa?" – uu qaaday Magool, lana turjumay magacyo kala duwan sida "Is Love Written in Blood?" iyo "Has Love Been Blood-written?"[8]

2012-kii, wuxuu helay Abaalmarinta Prince Claus oo lagu maamuusay doorarkiisa nabadda iyo suugaanta.[9]

  • Hooyo la'anta
  • Baladweyn
  • Hablaha geeska
  • Gudgude
  • Siinley
  • Sirta nolosha
  • Tawaawac
  • Aqoon iyo afgarad
  • Deeley
  • Hawaale warran
  • Bulshooy
  • Gaarriye
  • Elmi Boodhari
  • Cabdillahi Suldaan Maxamed Timacadde
  • Salaan Carrabey
  • Kite Fiqi
  1. Ditmars, Hadani (30 Sebteembar 1994). "Somali Shakespeare". The Independent. Archived from the original on 5 Diseembar 2013. Retrieved 26 Agoosto 2013.
  2. 1 2 McConnell, Tristan (12 Febraayo 2010). "Inside Somalia: Where poetry is revered". GlobalPost. Retrieved 17 Sebteembar 2012.
  3. "Hadraawi: The Somali Shakespeare – The Documentary Podcast". BBC World Service. 2 Agoosto 2017. Retrieved 2 Maarso 2020.
  4. "Renowned Somali poet Hurre Walanwal, brother of Hadrawi, passes away at 75". www.hiiraan.com. Retrieved 4 Febraayo 2025.
  5. Jama, Hussein, Said (23 Nofeembar 2018). Ma Innaguun Baa!. Ponte Invisible (Redsea Cultural Foundation). ISBN 978-88-88934-58-7.{{cite book}}: CS1 maint: multiple names: authors list (link)
  6. "Great Somali poet Hadrawi passed away in Hargeisa". Somali Times. 18 Agoosto 2022. Retrieved 18 Agoosto 2022.
  7. "Hadraawi: Abwaanka Soomaaliyeed ee akhrintiisa loo soo buuxsami jiray". BBC News. 6 Sebteembar 2022. Retrieved 13 Agoosto 2023.
  8. Orwin, Martin (2001). "Maxamed Ibraahim Warsame 'Hadraawi'". Modern Poetry in Translation (17). King's College London. ISSN 0969-3572. Archived from the original on 3 Juun 2012. Retrieved 12 Oktoobar 2012.
  9. "Prêmio Principal Príncipe Claus 2012 para cooperativa editorial argentina Eloísa Cartonera". PR Newswire (in Boortaqiis). Amsterdam. 6 Sebteembar 2012. Retrieved 27 Oktoobar 2012.
  1. Af Soomaali: Maxamed Ibraahim Warsame, Af Carabi: محمد ابراهيم ورسمي
  2. Af Soomaali: Hadraawi, Af Carabi: هدراوي
Cite error: <ref> tags exist for a group named "lower-alpha", but no corresponding <references group="lower-alpha"/> tag was found