Jump to content

Adan kulmiye

Ka Wikipedia

Aadan Cabdi Aadan Cusmaan, oo si weyn loogu yaqaanno Aadan Kulmiye, waa mid ka mid ah hal-abuurka Soomaaliyeed ee da’da yar ee soo ifbaxay sannadihii ugu dambeeyay. Wuxuu caan ku yahay suugaanta wadaniga ah iyo gabayada dhiirrigeliya midnimada iyo is-ku-filnaanta bulshada Soomaaliyeed.

Aadan Kulmiye wuxuu ku dhashay magaalada Bu’aale, xarunta gobolka Jubbada Dhexe, sanadkii 2002. Wuxuu ku soo barbaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka Kariimka iyo waxbarashada dugsiga hoose/dhexe. Intii uu halkaas ku noolaa, wuxuu muujiyey xiise iyo xamaasad ku wajahan fanka iyo hal-abuurka Af-Soomaaliga. Dabayaaqadii sanadkii 2020, Aadan Kulmiye wuxuu u safaray magaalada Muqdisho si uu u sii wato waxbarashadiisa. Wuxuu halkaas ku dhammaystay dugsiga sare bishii Juun ee sanadkii 2024, isagoo haatan sii wadanaya tacliintiisa heer jaamacadeed. Hibadiisa suugaaneed waxay soo baxday isagoo 17 sano jir ah, waxaana lagu tilmaamaa abwaan leh aragti fog iyo dareen qaranimo. Gabaygiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa “Kaaf iyo Kala Dheeri”, kaas oo uu ku muujiyey sida uu uga xumaaday kala-qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed, iyo ku tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno. Aadan Kulmiye waa abwaan ku caan baxay gabayada waddaniga ah, kuwaas oo uu ku dhiirrigeliyo isku duubnida, horumarka, iyo ka shaqaynta danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu rumeysan yahay in suugaantu tahay hubka ugu awoodda badan ee lagu mideyn karo qalbiyada bulshada, laguna xoojin karo dareenka waddaniyadda.

Gabaygan oo cinwaankiisu yahay “Kaaf iyo Kala Dheeri” wuxuu ka mid yahay tixihii ugu horreeyey ee uu tiriyo Abwaan Aadan Kulmiye isagoo 2019 sano jir ah. Wuxuu gabaygan kaga hadlayaa kala qaybsanaanta Soomaalida, ku tiirsanaanta dibadda, iyo sida ummadda Soomaaliyeed u dayacday isku duubnideeda, wax-soosaarkeeda, iyo aqoonta diinta. Waa tix waddani ah oo u yeedhaysa toosinta dareenka qarannimo iyo ku noqoshada isku filnaansho dhab ah.

Gabaygiisa ugu horreeyey

Wuxuu gabaygan kaga hadlayaa kala qaybsanaanta Soomaalida, ku tiirsanaanta dibadda, iyo sida ummadda Soomaaliyeed u dayacday isku duubnideeda, wax-soosaarkeeda, iyo aqoonta diinta. Waa tix waddani ah oo u yeedhaysa toosinta dareenka qarannimo iyo ku noqoshada isku filnaansho dhab ah. Wuxuu yiri:

Kulmiyan isiri ka hadal intuu yahay karaankaage

Kaafka gabay ardigeenii iyo markaan la keliyoobay

Weli nin koobay ma arag iyo kow iyo laba dhaafaye

Kolkaan arkayo soomaaliyo waxa keliya danaysaye

Kumaadka lacagaha iyo kulliyad shisheeya ahayne

Koobka dunida ciyaaraha iyo kasha ay u hayaane

Kurbada ay ku haysiyo cuntada la koolleeyey

Kalluumaysiga takooreen kaarar bay wada sitaane

Kaydadka inoo yaaliyo kalsoonideeni dhimataye

Kaaman shisheeye u tageen kaaliyahoodi diideene

Kitaab rabbise aqoonino yahay kufri iyo gaale

Kaalmana waa tii Eebbe koonkan idil ahaantise

Ma kenya iyo itoobiyan ka doonaynaa kaalma e

So dila kartidiina maaha iyo kalaamki ilaahay tuura

Kaaf iyo kala dheeri baana kala geysay kulligeene

Koonfur iyo woqooyi baana kala maarmin abide

Kacaankii tagayoo kobac baanu doonaynaaye

Kumee ila garaabay hadal mise ii akidayaaye

Kiisas ma gaadheen haddii kulan la yeeshaaye

Kaalin heshiisa ku filan iyo heerbeegti keliyaade

Is kaashigaan la hureynin kibirku waa hooge

Kufidda maaha ceeb wayne kici waysaa darane

Ma kursigaad ka doorteen kaabayaalkii qarane

Inaad kaabullo noqotaaniyo kaadarro awgeede

Kiimikiyo kuridda miran kolba aad is marisaane

Kurayga soo baxaad ka dhigtaan kaaliye shisheeye

Kumaandoos qabiiliyo kulaalayda geysaane

Kaymihii dalkeenaa kukiyadu bannaystaane

Kalmadaydii iyo haddaan hadalka soo koobo

U kaaliya soomaalidey midnimo kamaal weeyaane.

Taabo halkan si aad u aqrido gabayada kale ee uu tiriyey abwaanka