Adoon

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan adoon-ka, adoonsiga iyo wixii la hal maala. Qoraal kan ka duwan fiiri Gumeysi
Silsilad lagu xidhi jirey adoonta Ameerika.
Adoonsiga Bariga Dhexe wakhtiyo hore
Dad la qafaashayo si loo adoonsado

Adoon, Adoonsi (ingiriis: slave, slavery; carabi: عبودية) waa qof nool oo xoriyada ka qaadeen qof ama tiro dad ka awood badan, kuwaasi oo u isticmaalaya sida ay ayagu ku qanacsan yihiin.]],[1] Adoonsi waxaa lagu sharaxaa "Marka qof loo isticmaalo in lagu shaqeeysto ayadoo wax faa'iido ah ugu jirin qofka la adoonsanayo; sidoo kale waa qof loola dhaqmayo sida wax la leeyahay oo kale, kaasi oo la iibin karo, la iibsan karo, la calaamadaysan karo, la xoogi karo, xataa la dili karo."[2]

Adoonsiga casriga ah waxaa ka mid ah caruurta lagu shaqeeysto bilaa lacag

Dadku waxay adoon noqon jireen marka la qafaasho, ama dagaal lagaga awood bato, la iibsado, ama adoon dhasho. Adoonsiga noocaasi ahaa wuxuu caan ka ahaa aduunyada qarniyo badan oo gaadhaya ilaa horaantii ilbaxnimada aadamaha[3][4] goortaasi oo qabiilada isdagaala is gumeysan jireen ama bulshooyinka laga awooda badan yahay la gumeysan jirey. Adoonsigii ugu dambeeyay wuxu ahaa 2007dii wadanka Mauritania kaasi oo la xoreeyay dagaal iyo dacwad badan ka dib.[5]

Dunida maanta waa laga mamnuucay in qof la adoonsado, dhamaan sharciyada wadanada caalamku midaasi ayay ka siman yihiin. Laakiin waxaa jira nooc kale oo lagu dhaqmo maanta. Waloow uu yahay qeyb ka mid ah adoonsiga; ayaa hadii qof lagu khasbo inuu shaqeeyo asagoon ka bixi karin heshiiska ama aan wax ka bedeli karin ayaa lagu magacaabaa Adoonsiga Casriga ah. Waxaa iyadna ka mid ah adoonsiga casriga ah: Caruurta Askarta ah, dad lagu leeyahay amaah badan kuwaasi oo lagu shaqeeysto maadaama aanay bixin karin lacagtaasi, ilmo la xaday oo lagu adeegto ilaa dhimashada (ama gabdhaha loo isticmaalo galmo), tahriibinta dadka, guurka khasabka ah iyo noocyo kale oo badan oo wadanada dunida sadexaad ku dhaqmaan intooda badan.

Sida ay ku soo warameen ururada xuquuqda aadamaha (human rights organizations) maanta waxaa dunida jira ilaa 36 milyan dad ah oo adoonsi ku nool, kuwaasi oo lagu heeysto meelo kala duwan oo dunida ah..[6][7][8]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. Laura Brace (2004). The Politics of Property: Labour, Freedom and Belonging. Edinburgh University Press. pp. 162–. ISBN 978-0-7486-1535-3. https://books.google.com/books?id=osZnIiqDd4sC&pg=PA162. Retrieved May 31, 2012. 
  2. "Traditional or Chattel Slavery". FSE Project. The Feminist Sexual Ethics Projec. Retrieved 2014-08-31. 
  3. Kevin Bales (2004). New Slavery: A Reference Handbook. ABC-CLIO. p. 4. ISBN 978-1-85109-815-6. https://books.google.com/books?id=8Cw6EsO59aYC&pg=PA4. 
  4. Shelley K. White; Jonathan M. White; Kathleen Odell Korgen (27 May 2014). Sociologists in Action on Inequalities: Race, Class, Gender, and Sexuality. SAGE Publications. p. 43. ISBN 978-1-4833-1147-0. https://books.google.com/books?id=GsruAwAAQBAJ&pg=PA43. 
  5. "Religion & Ethics – Modern slavery: Modern forms of slavery". BBC. January 30, 2007. Retrieved June 16, 2009. 
  6. "Slavery's Global Comeback". The atlantic. 19 December 2012. 
  7. "INAUGURAL GLOBAL SLAVERY INDEX REVEALS MORE THAN 29 MILLION PEOPLE LIVING IN SLAVERY". Global Slavery Index 2013. 4 October 2013. Retrieved 17 October 2013. 
  8. "Almost 36m people live in modern slavery - report". BBC. 17 November 2014. Retrieved 17 November 2014. 
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: