Af Soomaali Luqad

Ka Wikipedia

Maanta waxaa 44 sano laga jogaa markii ugu horreysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, waa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalka isku badalay farta Soomaaliga.

Goobjoog News, waxaa shacabka dib u xusuusineysaa Sooyaalka Taariikhda iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Farta Soomaaliya iyo heerka uu maanta taagan yahay.

Sida ku qoran dastuurka  qabyada ah, Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga(May iyo Maxaa tiri).

44 sano ka hor Soomaaliya ma aysan lahayd far qoran, Xiligaas dalka ma laheyn far la qoro, Waxaa lagu xiriiri jiraya dhanka qoraalka Afaf qalaad iyo walibo suugaanta.

Umad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran.

Sida dastuurkan cusub ku qoran, dowladda  waa in ururisaa, ilaalisaa waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.

Dowladda waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.

Maanta, waxbarashada waa mid ku baahsan guud ahaan dalka , dugsiyo iyo Jaamacado ayaa meel walba daadsan, Laakin nasiib daro, waxaa wax lagu bartaa luuqado shisheeye sida Ingiriis-ka, Carabiga iyo Afaf kale oo aan Soomaaliga ku jirin. Iyada oo AF Soomaaliga uu isaga oo hal xiisad ah ku jiro jadwalka waxbarashada iskuulaadka dalka

Xafiisyada dowladda, qoraalada, bandhigyada, xayeysiisnta, jagooyinka iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah waxaa lagula  xiriiraa Afafka qalaad halka Afkeenu kusoo ururay ku hadalka oo kaliya.

Daabacadaha Af-Soomaaliga[1]
  1. Buugag iyo Qormo Dhigashada…