Alaska

Ka Wikipedia

Coordinates: 41°15′N 96°0′W / 41.250°N 96.000°W / 41.250; -96.000

Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Alaska, Maraykanka.
Boga "AK" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Gobolka Alaska
Flag of Alaska Seal of Alaska
Calan Astaan
Naaneys: Xuduuda ugu dambeysa
Halkudhig: Mustaqbalka Waqooyi
Heesta Gobolka: "Alaska's Flag" micne: "Calanka Alaska"
Map of the United States with Alaska highlighted
Map of the United States with Alaska highlighted
Luuqada DowligaIngiriis, Inupiaq, Siberian Yupik, Badhtamaha Alaskan Yup'ik, Alutiiq, Unangan, Dena'ina, Deg Xinag, Holikachuk, Koyukon, Upper Kuskokwim, Gwich'in, Tanana, Upper Tanana, Tanacross, Hän, Ahtna, Eyak, Tlingit, Haida, Tsimshian[1]
Luuqado KaleIngiriis 89.7%
Luuqado kale (Eskimo–Aleut iyo Na-Dene languages) 5.2%
Isbanish 2.9%
BulshoAlaskan
Magaalo-madaxJuneau
Caasimada ugu weynAnchorage
DeegaankaBaaxada 1aad
 • Wadar663,268 sq mi
(1,717,856 km2)
 • Balac2,261 miles (3,639 km)
 • Dherer1,420 miles (2,285 km)
 • % biyo13.77
 • Lool51°20'N to 71°50'N
 • Dhigo130°W to 172°E
BulshadaHeerka Bulshada 48aad
 • Wadar736,732 (2014 qiyaas)
 • Cufnaanta1.26/sq mi  (0.49/km2)
Tirada Dadka 50aad
 • DhaqaalahaUS$64,333 (4aad)
Jooga
 • Barta ugu sareysaDenali (buurta McKinley)[2]
20,310 ft (6190.5 m)
 • Dhexdhexaad1900 ft  (580 m)
 • Barta ugu hooseysasea level
Gobolnimada Ka HorDeegaanada Alaska
La Midoobay WadankaJanaayo 3, 1959 (49aad)
BadhasaabkaBill Walker (Siyaasi Madaxbanaan)
Gudoomiyaha GobolkaByron Mallott (Xisbiga Dimuqraadiga)
XeerdejintaXeerdajinta Alaska
 • Golaha GuurtidaGolaha Guurtida Alaska
 • Aqalka HooseGolaha Wakiilada Alaska
Xubnaha GuurtidaLisa Murkowski (Xisbiga Jamhuuriga)
Dan Sullivan (Xisbiga Jamhuuriga)
Aqalka WakiiladaDon Young (Jamh) (Ugu badan) (diiwaan gashan)
Soonka Wakhtiga 
 • Bariga 169° 30'Alaska: UTC -9/-8
 • Galbeedka 169° 30'Aleutian: UTC -10/-9
ISO 3166US-AK
Loo soo gaabiyaAK,
Websitewww.alaska.gov


Alaska (Listeni/æskə/) waa gobol dhaca waqooyigalbeed ee cidhifta qaarada Waqooyiga Ameerika kaasi oo ka tirsan kontonka gobol ee wadanka Maraykanka.

Bariga Gobolka Alaska wuxuu xad kala leeyahay wadanka Kanada deegaanda Yukon iyo gobolka Kanada ee Biritish Kolombiya. Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga gobolkan Badweynta Araktika; iyo Badweynta Baasifik oo ka xigta galbeedka iyo koonfur. Intaas waxaa dheer wadanka Ruushka (gaar ahaan "Deegaanda Jukotka Okrug" iyo "Kamjatka Krai") aya ka xiga galbeedka fog.

Dhinaca kale, gobolka Alaska waa deegaanka ugu weyn kontonka gobol ee Maraykanka, sidoo kale wuxuu kaalinta afaraad kaga jiraa liiska gobolada ugu dadka yar, waxaana ku nool gobolka dad gaadhaya 735,132 qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku dhaqan yihiin magaalada Ankoraje iyo nawaaxigeeda. Dhaqaalaha gobolka Alaska waxaa u lafdhabar ah shidaalka, gaaska dabiiciga ah, iyo wershadaha kaluumeysiga kuwaasi oo ah kheyraad aad ugu qani ah deegaanada gobolka Alaska. Waxaa iyadna dhaqaalaha aad u kaba dalxiiska iyo siyaarada joogtada ah ee caalamka oo dhan.

In kastoo kumanaan sano lagu soo noolaa deegaanda Alaska, hadana dunidu waxay si fiican u baratey gobolka iyo sheekooyinkiisa wixii ka dambeeyay qarnigii 18aad goortaasi oo la ogaaday kheyraadka ku keeydsan iyo nolosha ka jirta deegaanada Alaska. Markii ay taariikhdu ahayd Maarso 30, 1867dii ayaa dowlada wadanka Maraykanka iibsatay gobolka Alaska, taasi oo siisay boqortooyadii Ruushka lacag dhan US$ 7.2 milyan. Dhulka Alaska marka lagu qiimeeyo lacagta dowlada Maraykanku ka bixisey waxay noqoneysaa labo senti halkii akre ee dhul ah ($4.74/km2).[3]


Magaca[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaca "Alaska" (Аляска) waxaa markii ugu horeeysay laga maqley gumeystihii Ruushka, kaasi oo wakhtigaasi gacanta ku hayay maamulka deegaankaasi. Sida ku fasireen culimada-luuqadaha waxaa ereyga Alaska laga keenay luuqada Aleut ooy ku hadlaan dad u dhashay deeganka Alaska, taasi oo micnaheedu yahay shey uu hogaaminayo ficilka biyaha badu.[4][5][6]

Waxaa sidoo kale la sheegaa ereyga Alyeska, oo lagu fasiro "dhulkii weynaa", midani waxay ku arooraysaa luuqada Aleut ee dhawaaqa dhow Alaska.

Juquraafiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xajmiga iyo baaxada Alaska oo la barbar dhigay qeybo ka mid wadanka Maraykanka intiisa kale

Deegaanda Alaska waxay leeyihiin xeeb ka dheer marka la isku daro dhamaan xeebaha gobolada kale dhan ee Maraykanka.[7] Alaska waa deeganka kali ah ee leh dhinac walbo xeeb ee ku yaala qaarada Waqooyiga Ameerika; taasi oo ku fadhida dhul baaxadiisu le'eg tahay 663,268 mayl labo laaban (1,717,856 km2). Deegaan ahaan gobolka Alaska wuu ka go'an yahay qaarada Ameerika waloow weli lagu xisaabiyo qaaradaasi. Magalo-madaxda Alaska Juneau waxay ku taalaa dhul ka tirsan qaarada Ameerika, laakiin ma lahan wado laami ah oo ku xidhiidhisa wadanka itiisa kale, taasi waxa sababay waa fogaanshaha dhulkaasi iyo dad la'aanta.

Guud ahaan, gobolka Alaska wuxuu jaar la yahay deegaanka Yukon iyo British Kolombiya ee wadanka Kanada, gacanka Alaska iyo Badweynta Baasifika xaga koonfureed, Bada Bering, Deegaanka Bering iyo Bada Jukji (Chukchi Sea) xata galbeed iyo Badweynta barafleyda ah ee Araktik oo ka xigta waqooyi.

Biyaha u hareersan gobolka Alaska waxay gaadhaan biyaha wadanka Ruushka waxayna ku kulmaan Deegaanka Bering iyo Gasiirada Bid Diomede taasi oo noqoneysa kaliya masaafo dhan 3 mayl (4.8 km) Gabi ahaanba gobolka Alaska waa kan ugu weyn wadnka Maraykanka isla markaana leh bulshada ugu yar dhamaan kontonka gobol. Alaska waxay u dhigantaa labo laabka gobolka Tegsas (Texas) oo ah mida labaad ee ugu balaadhan wadanka. Marka la eego xaga wadanada caalamka, gobolka Alaska wuxuu noqonayaa midka 18aad ee ugu balaadhan caalamka.

Muuqaal[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gobolada Maraykanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. . KTOO. October 24, 2014 http://www.ktoo.org/2014/10/24/forbidden-alaskas-native-languages-now-official-state-languages/. Soo qaatay October 25, 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Nuqul Archive". United States Geological Survey. Waxaa laga kaydiyay the original July 22, 2012. Soo qaatay October 21, 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. Template:Cite AV media
  4. Bergsland, Knut (ed.). Alaska Native Language Center. ISBN 1-55500-047-9.  Maqan ama ebar |title= (caawin), at pp. 49 (Alaxsxi-x = mainland Alaska), 50 (alagu-x = sea), 508 (-gi = suffix, object of its action).
  5. Bright, William. University of Oklahoma Press. ISBN 978-0806135984.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Ransom, J. Ellis. 1940. "Derivation of the Word "Alaska", " American Anthropologist n.s., 42: pp. 550–551
  7. Benson, Carl (September 2, 1998). "Nuqul Archive". Geophysical Institute, University of Alaska Fairbanks. Waxaa laga kaydiyay the original November 25, 2007. Soo qaatay November 19, 2007.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)