Arjac
Arjac أرجع | |
|---|---|
| Coordinates: 5°35′20″N 44°12′20″E / 5.58889°N 44.20556°E | |
| Dalka | Itoobiya |
| Gobolka | DDS |
| Aagga | Qalaafo |
| Magaalada | Qallaafo |
| Dowlada | |
| • Nuuca | Maamulka Tuulada |
| • Duqa Tuulada | "_" |
| Tirada dadka | |
| • Dhammaan | (3,000) |
| Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Arjac waa tuulo qadiimi ah oo ku taalla bariga magaalada Qallaafo, aagga Qalaafo, gobolka DDS ee dalka Itoobiya. Tuuladu waxay caan ku tahay beeraha iyo dhulkeeda barwaaqada ah ee uu maro webiga Shabeelle, waxaana dega Cabdulle.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Arjac waxay leedahay taariikh dheer oo diimeed iyo cilmiyeed. Qarniyo kahor, tuuladaan waxay ahayd goob loosoo doonto cilmiga. Sidoo kale tuulada waa goob barwaaqo ah, oo waxaa lagu naaneesaa Arjac Adduunyo Nuskeed.
Juqraafi
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tuulada Arjac waxay ku taallaa bariga magaalada Qallaafe oo u dhow webiga Shabeelle. Dhulku waa barwaaqo, ku habboon beeraha iyo daaqsinka xoolaha.
Dadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Arjac waxaa dega beesha Reer Geedoow, gaar ahaan Reer Muuse, kasii gaar ahaan Cabdulle. Bulshada tuulada waxaa lagu yaqaannaa geesinimo, wada-noolaansho iyo ixtiraam.
Dhaqaalaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dhaqaalaha tuulada waxaa ugu weyn beeraha. Dalagyada sida masagada, galleyda iyo sisinta ayaa si weyn looga beeraa. Xoolaha sida Lo’da, Ariga iyo Idaha ayaa sidoo kale muhiim u ah nolosha dadka tuulada.
Diinta iyo Dhaqanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Diinta rasmiga ah ee reer Arjac waa waa islaamka 100%, waxayna caan ku yihiin barashada diinta iyo xafdinta Quraanka. Tuulada waxaa ka jiray xarumo diimeed, ay culimada deegaanka hoggaamiyaan. Dhaqanka waxaa saldhig u ah ixtiraamka, marti-soorka, iyo wadajirka bulshada.
Sidoo kale eeg
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maroodiley /Dabeyl-Yaaboow
- Dhuun-Gal /Buur-Gaabo
Waa tuulooyinka ay degaan Reer Muuse, oo ah beel-hoosaad ka tirsan beesha Reer Geedoow. Waxa ay ku yaallaan ismaamulka magaalada Qallaafe, gobolka Qallaafe, ee DDS.