Assisi
KALE adiintii Yemen ka timi Saldanadii Cadal, Saldanadii Warsangeli. Dhammaadkii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad waxaa Ingriiska iyo Talyaanigu soo galeen dhulalka xeebaha ah ee Soomaaliya halkaasoo ay ka asaaseen Dhulka Biritishka ee Soomaaliya iyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya[5] oo loo kala baxshay dhulalkii ay qabsadeen. Dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday qabsashada gumeysiga waxaa ka mid ahaa Diiriye Guure oo afar jeer jebiyey Ingiriiska, haseyeeshee waxaa boqortooyadii Diiriye Guure jabtay 1920 markii Ingiriisku u adeegsaday diyaaradaha dagaalka, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo loo adeegsado diyaaro dagaal. Jabkii garaadtooyada Diiriye Guuure ka dib, Talyaanigu wuxuu si buuxda ula wareegay qaybtii uu Soomaaliya ka gumeystay 1927, halkaas oo ay haysteen illaa 1941 ka dibna waxaa kala wareegay maamulkii millateriga ee Biritishka. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ku sii nagaaday ilaalada Biritishka halka Koonfurtuna ay sugeysey madaxbannaani. 1 Luulyo 1960kii waxaa fadhi baarlamaan oo uu gudoominayey Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf lagu ansaxiyey midnimadii Soomaaliya, waxaana labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur ku midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana xukunka qabtay dawlad shibil ah oo Madaxweyne ku-meel gaar ah loogu doortay Mudane Aaden Cabdulle Cismaan.[6] 1969 waxaa afgenbi millateri xukunka kula wareegay Maxamed Siyaad Barre wuxuuna asaasay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Dawladdii Siyaad Barre waxay burburtay 1991, waxaana qarxay dagaal sokeeye.
Tan iyo 1991, ma jirin dawlad dhexe wada hanatay maamulka dalka inkastoo ay jireen dhowr iskuday oo lagu doonayey in lagu mideeyo dalka, haseyeeshee fashilmay[7]. gobolda waqooyi waxaa ka jira maamul goboleedka somaliland oo kamid ah soomaaliya walow ay ku doodaan iny ka goeen Soomaaliya inteeda kale[8] Gobollada woqooyibari waxaa ka jira Dawlad-goboleedka Puntland oo sheegtay