Axmad Saleebaan Dafle
Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla Dafle wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo xubin ka tirsanaa Shantii golaha sare ee kacaanka, waana aasaasihii Hey'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka JFS
Noloshiisa hore
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1937dii Hooyadii waxaa lagu magcaabi jiray Arda Xuseen isaga oo 13 sano jir ayey geeriyootay, Aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974kii Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaallay magaalada Burco, Sanadkii 1949kii wuxuu dugsi waxbarasho ka galay magaalada Hargeysa Ee Gobolka Waqooyi Galbeed .
Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay bishii Oktoobar Sanadkii 1977dii S/Guuto Axmed Saleeban Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis ay leedahay ka fura Magaalada Hargeysa Sanadkii 1944kii.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay dibad baxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area ee lagu wareejiyay dalka Itoobiya Sanadkii 1954kii.
Sanadkii 1955kii wuxuu S/Guuto Axmed Saleebaan Dafle waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay dugsiga Sheekh, wuxuuna ka mid noqday ardaydii uu siiyay waxbarashada Machadka Farsamada ee Cadan
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii lagu magcaabi jiray Naasariya ee dalka Masar oo ahaa kacaan ay ka shidaal qaadanayeen ummado badan.
S/Guuto Axmed Suleyman Daflewuxuu dalka dib ugu soo laabtay Sanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday Dugsiga Hoose Dhexe ee Camuud.
Sooyaalkiisa ciidannimo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sanadkii 1959kii waxa uu waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray "Royal Military Academy” ee Dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku soo bartay muddo seddex sanadood ah.
Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay Sanadkii 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna macalin tababare ciidan ah uu ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1963kii waxaa loo dallacsiiyay derajada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur daganaa magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka Soomaaliya Sanadkii 1964ii waxa ay dagaal ka galeen isaga iyo saraakiil kale ciidamo ay hoggaaminayeen Magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu guddoonsiiyay bilad geesinimo.
Sanadkii 1965kii waxaa uu u dallacay derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana taliye loogu magacaabay urur ciidan oo daganaa magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha ururkaas.
Sanadkii 1967kii S/Guuto Axmed Saleymaan Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac oo ku begnayd waqtigii Aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.
Bishii Sebteembar sanadkii 1967kii Dafle wuxuu madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa Taliyaha xoghayihii Taliyihii ciidankii Xoogga dalka ee S/Gaas Maxamadd Siyaad Barre. Sanadkii 1968kii wuxuu u dallacay Derajada Gaashaanle,
Dawladii kacaanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]S/Guuto Axmed Saleymaan Dafle wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay afgambi1969kii kaas oo ahaa mid aan dhiig ku daadan.
Sanadihii 1970kii -1971dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa 2 jeer loo dallacsiyyay derajooyinka kala ah G/Dhexe & G/Sare
8dii bishii Janaayo sanadkii 1971kiiS/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu noqday Taliyihii Ciidankii Nabadsugidda Qaranka, ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray;-
1. Special Branch
2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle inta uu taliyaha ka ahaa Ciidamadii Nabadsugidda Qaranka N.S.S. waxaa uu ku guuleystay Shirqoolladii marar badan lala doonayay in lagu fashiliyo wax qabadkii Kacaankii 21kii Okroobar.
Sanadkii 1974kii wuxuu xubin ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana waxaa loo magcaabau u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.
Sanadkii 1976kii ka dib markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo dallacsiiyayDarajada S/Guuto, isla markaana ah Taliyihii Ciidankii Nabadsugidda Qaranka.
Burburka dawladii dhexe ka dib
[wax ka badal | wax ka badal xogta]S/Guuto Axmed Suleyman Dafle Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu S/Guuto Axmed Suleyman Dafle ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka, waxa uu ku noolaa dalka dibadiisa ilaa uu ku geeriyooday dalka Bilgimka 10 Abriil 2025