Axmed Oomaar

Ka Wikipedia
Axmed Oomaar
Axmed Maxamed Axmed
Ku dhashay22 October
Djibouti
QoomiyadaSoomaalilander
Dhalasho Soomaaliland
Heerka AqoontaQalax Secondary School, Amoud University, New Generation University
ShaqadaAqoonyahan, Macalin, Baare, Qoraa, Dhiirigaliye
XaasaskaXaas iyo Carruur

Axmed Oomaar (Af-Ingiriisi: Ahmed Omaar; Arabic: احمد أومار ) waa aqoonyahan, baare iyo mid kamid ah haldoorka macalimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ka hawl gala qaar kamid ah Dugsiyada Sare iyo Jaamacaddaha dalka.

Axmed Oomaar waxa uu kamid yahay hogaanka sare ee Somaliland ee SOLTA,[1] Ururka Macalimiinta Jamhuiriyadda ahna madaxa tababarada iyo horumarinta waxbarashada ururka, ee lagu ansixiyey shirweynihii koowaad ee Ururka Macalimiinta Somaliland oo ka qabsoomey magaalada Hargeysa, 20-12-2021.[2]

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Axmed Oomaar waxa uu ku dhashay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, 22 Oktoobar 1987.

Oomaar waxa uu ku barbaarey, kana bilaabey waxbarashadiisii aasaasoga iyo sare, degmada Gabiley, ee Jamhuuriyadda Somaliland. Axmed Oomaar waa qoraa iyo dhiirigaliye firfircoon oo si joogto ah wax uga qora mawduucyada horumarinta shakhsiyadeed, waxbarashada, talooyinka guusha ardayda iyo arimaha bulshada. Axmed Oomaar waxa uu buuggiisa cilmi-baadhista ka qoray saamaynta luqadda Ingiriisigu ku leedahay guusha waxbarasho ee ardayda dugsiyada sare ee Hargeysa Somaliland[3].

Sidoo kale, Omaar waa qoraaga buugaagta taxanaha ah ee Ombiology Books,[4] oo ah maadada bayoolajiga (biology) oo ay ka faa'iideystaan ardayda dugsiyada sare.

Macalin Axmed Oomaar waa aasaasaha mareegta waxbarashada (Education Website) ee Ombiology4u,[5] oo caan ka ah bahweynta waxbarashada dugsiyada sare ee Somaliland, kana faa'iideystaan kumanaan arday ah sannad kasta, markasta iyo meelkasta.

Axmed Omaar waa daneeye iyo taageere kor u qaadida tayada waxbarashada, xuquuqda waxbarashada carruurta naafada ah iyo sidoo kale kor u qaadida sinnaanta waxbarashada jinsiga ee Somaliland iyo gobolka.

Waxbarashadiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Axmed Oomaar waxa uu waxbarashadiisii hoose dhexe ku dhameystay dugsiga Skeekh Muxumed Warsame ee magaalada Gabiley 2001.

Waxbarashadiisii dugsiga sare, waxa uu ku qaatay Dugsiga Sare ee Qalax Gabiley, isaga oo ugu danbeyn fasalka afraad ee dugsiga sare u wareegay kuna dhameystey Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, magaalada Hargeysa 2005.

Waxa uu ka qaatay shahaadada Advanced Diploma ee Maamulka iyo Maareynta, Jaamacadda Hargeysa 2007. Axmed Oomaar waxa uu ka qaatay shahaadada Bachelar's Degree ee Kuliyadda Waxbarashada Jaamacadda Camuud, magalada Boorama 2015.

Oomaar waxa uu bartay Maamulka Shaqaalaha iyo Hogaaminta, kana qaatay shahaadada sare ee Masterta, Jaamacadda New Generation University, Hargeysa Somaliland 2021.

Noloshiisa Shaqsiyadeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Axmed Oomaar Waxa uu ka soo jeedaa beesha Toljecle ee Reer Sheekh Isxaaq.[6] [7][8]

Waxa uu la dhashey shan walaalo ah; Maxamuud Gooshee, Koosaar, Xamse, Hodan iyo Najex.

Oomaar waa xaasle iyo aabo degan magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixin Dheeri ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Axmed Oomaar oo ah qoraa iyo dhiirigaliye firfircoon, waxaa ka mid ah halku dhegyada odhaahyada dhiirigalinta ee uu had iyo jeer la wadaago da'yarta iyo bulshadaba:

  • Waxaad qiimo iyo sharaf ku lahaan doontaa goobaha shaqada, kolba sida aad u tayeyso xirfada iyo aqoonta aad xanbaarsan tahay.
  • Ha noqon madhane sita shahaado jaamacaddeed oo garab iyo ciirsi bida garashiyo qaraabo.
  • Ha ka noqon goobaha waxbarashada macmiil joogto ah! Noqo mid ka midho dhaliya hadafka ardaynimo.[9]
  • Si aad u hesho wax aaney qayrkaa heli doonin mustaqbalka, samee wax ka duwan waxa ay saneeyaan.
  • Ceeb maaha inaad imtixaan dhacdo, balse waxa ceeb ah ku qanaca caadeysiga dhicitaanka joogtada ah.
  • Guuldarada ugu weyn ee noloshu waa inaad joojiso dib u sixida qaladaadkii kuu horseeday guuldarada.[10]
  • Axmed Oomaar, Hargeisa Somaliland

Sidoo Kale Eeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]