Axmed Xaaji Cabdiraxman

Ka Wikipedia

Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Soomaaliyeed kamid ahaa Aasaasayaash Jaamacadda Bariga Afrika waxaana lagu dilay boosaaso 4 dec 2011 [1]

Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Ku dhashay1957
Gaalkacyo
Dhimasho4 Dec 2011
Boosaaso
Sababta dhimashadaDil
DhalshoSoomaali
Waxbarashadajaamacadda umul quraa sucuudiga
ShaqadaMaamule ku xigeen Jaamacadda Bariga Afrika
DiintaIslaam

تصنيف:صفحات تستخدم قالب معلومات شخص بحاجة لمراجعة تصنيف:صفحات بها وسائط مستغنى عنها

noloshiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu ku dhashay 1957kii, gobolka Mudug, wuxuuna ku barbaaray magaalada Gaalkacyo ee Soomaaliya, wuxuuna ka dhashay qoys diin iyo wanaag lagu yaqaannay, aabihiis, Xaaji Cabdi Raxmaan wuxuu ahaa aqoonyahan , wuxuuna ahaa xildhibaan ka tirsanaa barlamaankii ugu horeeyay gobanimada kadib Soomaaliya , wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii SYL, , halka hooyadii ay ka soo jeedo qoys caan ku ah suugaantaa Abtigiisna waa Yaasiin Cismaan Yuusuf. wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qoray qaamuus afka Soomaaliga. [2]

qur’aanka kariimka ah ayuu xifdiyay isaga oo yar , wuxuuna xifdiyay mutuunta, waxuu wax ka bartay dugsi hoose ku yaala magaalada Gaalkacayo oo uu maamulayay Al-Azhar Al-Shariif, kadib waxa uu waxabarashadiisa ku dhameystay Muqdisho . wuxuu dugsiga dhexe ku dhamystay Muxamed C/laahi Xasan, ka dibna dugsiga sare waxa uu ku qaatay dugsigii Jamaal Cabdinaasir.

Waxa uu ku biiray ciidanka markii uu dhammeeyay dugsiga sare, waxa uu deeq waxbarasho ka helay Dalka Ciraaq wuxuuna ka qalin jabiyay dufcaddii 60-aad ee ciidamada badda ee magaalada Mosul ee dalkaas, kadibna wuxuu kamid ahaa ciidank milatariga ah ee soomaaliya ilaa uu ka gaadhay darajada Sarreeye guuto, ka dibna wuu iska casilay. [3]

Dacwada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Marxuumka ayaa yaraantiisii bilaabay in uu sharxo kutubta Islaamka , wuxuuna qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah tan iyo markii dhidibbada loo taagay todobaatanaadkii, wuxuuna dhigi jiray kutub cilmiyeysan xataa xilligii uu ciidanka ka tirsanaa., wuxuuna inta badan ka qayb qaadan jiray dacwadana, muxaadaraadna ka jeedin jiray masaajidda [4]

waxbarashadiia[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu naftiisa u huray inuu barto shareecada Islaamka, ka dibna wuxuu u guuray Sacuudi Carabiya oo uu waxbarashada jaamacadda ugu dhamaysto

  • Shahaadada koowaad ee shareecada Islaamka ayuu ka qaatay Jaamacadda Umm Al-Qura 1986kii
  • 1992- kii waxa uu shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacadda Umm Al-Qura
  • Waxa uu shahaado doctorate ah ka qaatay jaamacada Umm Al-Qura 2000

Qoraaladiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

الحافظ مغلطاي وجهوده في علم الحديث - رسالة دكتوراة في جامعة أم القرى 2000 بإشراف د محمد أحمد القاسم [5]

Jaamacadda Bariga Afrika[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu qayb ka ahaa aasaaskii Jaamacadda Bariga Afrika isaga iyo saaxiibkiis, Dr. C/qaadir Maxamed Cabdullaahi Samantar, markii ay ka soo wada laabteen Sucuudiga sannadkii 1999- kii, iyagoo Tagay magaalada Boosaaso si ay ugu faaruqaan faafinta shareecada islaamka [6], waxaana loo doortay guddoomiye ku xigeen, wuxuuna hayay jagada ilaa 2008, wuxuuna lahaa fikradda ah in magacan loogu magacaabo jaamacadda.

Dilkiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa lagu dilay Magaalada Boosaaso Asagoo ka soo baxay Masjidka Xuseen Bin Cali ee [7] December 4, 2011, sagaal ka mid ah dadkii ka qeyb qaatay dilkiisa. ayaa lagu xukumay dil toogasho ah laguna fuliyay [8] waxaana lagu eedeyay Al-Shabaab inay fuliyeen dilka.

  1. Template:استشهاد ويب
  2. http://somalitalk.com/2011/12/23/caalim-geeridii-waa-furin-aan-la-awdi-karin-daawo-10-muxaadaro-dec-9-11-2011/ Archived Maaj 5, 2023 // Wayback Machine
  3. https://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=292325
  4. https://www.asharqalarabi.org.uk/markaz/m_abhath-23-06-10-1.htm
  5. https://ketabpedia.com/%D8%AA%D8%AD%D9%85%D9%8A%D9%84/%D8%A7%D9%84%D8%AD%D8%A7%D9%81%D8%B8-%D9%85%D8%BA%D9%84%D8%B7%D8%A7%D9%8A-%D9%88%D8%AC%D9%87%D9%88%D8%AF%D9%87-%D9%81%D9%8A-%D8%B9%D9%84%D9%85-%D8%A7%D9%84%D8%AD%D8%AF%D9%8A%D8%AB/
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2023-03-05. Soo qaatay 2023-03-05.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. https://www.bbc.com/somali/war/2011/12/111205_boosaaso
  8. https://www.daljir.com/dr-axmed-xaaji-cabdiraxmaan-oo-ka-mid-ahaa-culimada-waaweyn-ee-puntland-oo-saaka-lagu-dilay-bossaso-raggii-dilkaasi-gaystay-oo-baxsaday/

تصنيف:بوابة أعلام/مقالات متعلقة تصنيف:بوابة الصومال/مقالات متعلقة تصنيف:جميع المقالات التي تستخدم شريط بوابات