Axmed showqi
Degmada Deefow: Taariikh, Deegaan iyo Asal-magaceed
Degmada Deefow waa degmo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana si rasmi ah degmo loo aqoonsaday sannadkii 1984. Degmadan waxay caan ku tahay wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha nool, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah nolol-dhaqameedka iyo dhaqaalaha bulshada ku dhaqan.
Deegaanka Degmada Deefow waxaa asal ahaan degay beesha Makane, taas oo ahayd beeshii ugu horreysay ee deegaan rasmi ah ka dhigata. Bilowgii hore, degsiimada Deefow waxaa aasaas u ahaa shan oday oo ka tirsan beesha Makane, kuwaas oo ahaa Ahlu Dariiqo, una yimid deegaanka ujeeddooyin diimeed iyo nololeed.
Waqtigaas kadib, waxaa Deefow si walaaltinimo ah loogu soo dhaweeyay beesha Sure, gaar ahaan Faqay Muxumed, waxaana la siiyay deegaan iyo hoy ku saleysan walaalnimo, wada-noolaansho, iyo is-aaminaad, maadaama ay iyaguna ahaayeen Ahlu Dariiqo.
Si kastaba ha ahaatee, maanta waxaa muuqata in walaaltinimadii iyo heshiiskii hore la dafiriayo, iyadoo ay jiraan dad sheeganaya in ay kaligood leeyihiin deegaanka, isla markaana ku doodaya in dhulka bari iyo qorrax-siin-barrina uu yahay mid iyaga gaar u ah, halka xaqiiqdu tahay in dhulkaas lagu siiyay wadaag iyo kalsooni bulsho.
Degmada Deefow waxaa mara ama ku taalla buundo taariikhi ah oo loo yaqaan Buundada Liiq-Liiqato, taas oo uu dhisay gumeystihii Talyaaniga. Buundadan ayaa astaan u ah kaabeyaashii gumeysiga, waxaana sidoo kale degmada ku yaallay saldhig ay ku lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya xilligii barisamaadka.
Dhanka degsiimada iyo kala-qaybsanaanta gudaha, Degmada Deefow waxay u qaybsantaa laba qaybood oo waaweyn:
Deefow Bari, oo ka kooban laba xaafadood:
Bartamaha
Bacaad
Deefow Qorraxsin, oo isaguna ka kooban laba xaafadood:
Dhagran
Deefow Galbeed
Ugu dambayn, Degmada Deefow magaceedu hore uma ahayn kan ay maanta wadato. Magacii hore ee deegaanka waxaa la oran jiray “Dhaaifa”. Magaca “Deefow” waxaa bixiyay hoggaamiye ka tirsanaa gumeystihii Talyaaniga, kaddib markii uu ku adkaaday ku dhawaaqidda magaca “Dhaaifa”, sidaas awgeedna uu u baddalay “Deefow”. Sidaa darteed, magaca maanta la isticmaalo ma aha magacii saxda ahaa ee asal ahaan deegaanka loogu yiqiin, balse waa magac ka dhashay duruufo gumeysi.
Waxaan xoojinaad deegaankas waxaa asal ahaan u leh, beesha makane, maantane walalheen reer faqay muxumed ku mahaysano dhulkii shalay la siiyay waa dad aan wada dagno deefowna maanta si wada jir ah waxaa u leh: Reer faqay muxued iyo beesha Makane..
Beenta iyo mala-awaalka aan jirin dadka halaga daayo..
Lasoco qaybta xigta ee Taariikhda deefow.......
Waa aniga oo ah Axmed Cumar Muxumed(Axmed showqi)