Barasiil

Ka Wikipedia
Jamhuuriyadda Federaalka ee Baraasil
República Federativa do Brasil  (Af-Boortaqiis)
Hal ku dheg: 
  • Ordem e Progresso  (Boortaqiis)
  • (Af Ingiriis : "Order and Progress")
k
Heesta qaranka: 

National seal
Location of Barasiil (dark green)

in South America (grey)

Magaalo madaxBrasília
Magaalada uguwayn São Paulo
23°33′S 46°38′W / 23.550°S 46.633°W / -23.550; -46.633
Official language
and national language
Af-Boortaqiis[2]
Qaybaha qoomiyedaha (2010)
Dadka Brazilian
Xukunka Federal presidential constitutional republic
 -  Madaxweyne Lula da Silva
 -  Madaxweyne ku xigeenka Geraldo Alckmin
 -  Madaxweynaha Rugta Wakiilada Arthur Lira
 -  Madaxweynaha Guurtida Federaalka Rodrigo Pacheco
 -  Madaxweynaha maxkamada sare Luís Roberto Barroso
Sharci dejinta National Congress
 -  Aqalka sare Federal Senate
 -  Aqalka hoose Chamber of Deputies
Independence from the United Kingdom of Portugal, Brazil and the Algarves
 -  Declared 7 September 1822 
 -  Recognized 29 August 1825 
 -  Republic 15 November 1889 
 -  Treaty of Petrópolis 11 November 1903 
 -  Current constitution 5 October 1988 
Baaxad
 -  Total 8,515,767 km2 (5th)
3,287,597 sq mi 
 -  Biyo (%) 0.65
Tirada dadka
 -  2018 qiyaasta 209,129,000[3] (6th)
 -  Mugga Dadka 25/km2 (199th)
63/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2018 qiyaastii
 -  Guud ahaan $3.389 tiriliyan[4] (8th)
 -  Qof qof $16,199[4] (81th)
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2018 estimate
 -  Guud ahaan $2.139 tiriliyan[4] (9th)
 -  Calaa qof $10,224[4] (65th)


Dalka Baraasil oo loogu dhawaaqo República Federativa do Brasil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka, koofurta Amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka Baraasil waxaa dhinaca bari ka marta badda Badweynta Atlaantik, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km. Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Fanansuwela, Guyana, Surinam iyo French Guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka Baraasil xuduud uu kala leeyahay daka Kolombiya. Galbeedna waxaa kaga beegan Booliifiya iyo Peru. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka Arjantiina, iyo Paraguay, halka waqooyi uu ka xiga dalka Urugway. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhammaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago Ikwadoor iyo Jili. Dhaqaalaha wadanka Baraasil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco (Brazil’s national development bank (BNDES)), xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka. iyo Liinta. Dalka Baraasil ayaa wax dhoofinta caalamka kaga jira darajada 23aad. Dalka Brazil waa wadanka 2aad dhinaca garoonka diyaaradaha waxaa ka horeeya mareykanka kaliya . Wuxuu leeyahay Garoono waaweyn oo aad u mashquul badan ku dhawaad 20 milyan oo rakaab ah ayaa sanad walba isticmaala garoonada Brazil. Dhinaca diinta dadka heysta diinta CATHOLICS dalka Baraasil waa 123 million celecelis ahaana waa 64% .waa dadka ugu badan ee heysta diinta catholics hoos ka eeg heerka dadka heysta diimaha dalka Brazil. Ciidanka Baraasil waa ciidanka ugu balaadhan Laatiin Amerika waxeyna ka kooban yihiin: Brazilian Army, Brazilian Navy iyo Brazilian Air Force waxeyna guud ahaan yihiin 317,199 oo ah kuwa shaqeeya . Ku darso oo waxey kaloo leeyihiin ciidan loogu yeedho Military police iyo ciidan kale oo loo yaqaan green water Magaca Brazil wuxuu asal ahaan ka yimid ama ka soo jedaa nuuc ka mid ah geedaha ka bixi jiray Xeebaha wadankaasi waxaana loo yaqaan brazilwood. Dadka boortaqiiska waxey odhan jireen pau-brasil. Dalka Baraasil waxa uu ka kooban yahay 26 gobal iyagoo isugu yimaada Federaal, dhammaan gobalada waxey isugu jiraan gobolo isbaheystay si juquraafi ah. Nidaamka caafimaadka dadweynaha Baraasil ayaa loo yaqaan Nidaamka caafimaadka qaranka, waxaa maamula oo bixiya dhammaan dowlada waana wax ay u siman yihiin dadweynaha muwaadiniinta ah si lacag la’aan ah. Walow ay jiraan meelo kale oo si gaar ah loo leeyahay. Dhinaca musuqa ee xeebaha brazil waxaa lagu sheegaa 41 bilyan oo dollar sanadkii waana 69.9% waxeyna wadamada musuqa caalamka kaga jirtaa kaalinta 69aad. Sida laga soo xigtay dowlada Baraasil waxaa jira dhibaatooyin caafimaada oo ay ugu daran yihiin:

  • Dhimashada caruurta dalka Baraasil waxey gaadhaa 2.51% ilaa 3.77% meelaha ugu badana waa gobalada ku yaala waqooyi bari.
  • Dhimashada hooyada uurka leh waa 73.1% marka 100 kun oo caruur ahba dhashaan
  • Dhimashada xanuunada leys qaadsiiyo ayaa ah 151.7 dhimasho 100.000 waxaana sababa xanuuno ku dhaca wadnaha,cudurada wareega dhiigga,oo ay wehliso kuwa keena kansarka, iyo kuwa kale oo ku dhinta sababo ka baxsan kuwa aan soo sheegay sida ( shilalka gaadiidka,rabshadaha,iyo is miidaaminta )
  • Sanadkii 2002 Brazil waxey xisaabisay in 40% xaalado cudarka duumada Amerika in ay ku haybsatay,ku dhawaad 99% in ay yihiin gobalka LEGAL AMAZON.

DHINACA SAXAAFADA

Dalka Brazil wargeyskii ugu horeeyay waxaa la aasaasay sanadkii 1808dii waxaana laga aasaasay magaalo madaxda wadanka ee RIO DE JANERIO magacii ugu horeeyay uu yeesho wargeyskaa ayaa ahaa THE GAZETA isagoo nuqulkii u horeeyay uu soo baxay bishii september 1808 dii .Dhinaca idaacadda waxaa markii u horeysay dalka Brazil laga hirgeliyay 7dii bishii sebtember sanadkii 1922kii. Waxaana ku xigay sanadkii 1923kii oo la furay idaacadii 2aad oo la odhan jiray radio Society of Riode Janeiro.

Dhinaca Talefeshinka waxaa ugu horeeyay si rasmi ah 18kii september sanadkii 1950 waxaana la odhan jiray TV TUPI. Dalka brazil waa dal ka mid ah kuwa aadka loo booqdo marka laga hadlayo dalxiisyaal sadax sano ka hor dadka booqday waxey gaadhayeen 5 milyan oo booqdayaal waxeyna dadkaasi badankood ka yimaadaan Koofurta ameica lacagta sanadkaa ay ka heleen waxey dhameyd 6 bilion oo doolar .

Luqadda rasmiga ah ee looga hadlo Brazil waa waa bortaqiis.waana wadanka kaliya ee ku hadla qaarada America , xitaa dhaqanka waa dhaqanka boortaqiiska sababtoo ah xidhiidh xoog leh iyo gumeysigii boortaqiiska ayaa sameyn ku yeeshay.

Xagga wax beerashada dalka Barazil dhul ahaan wuxuu beertaa 65,338,000 hektar lacagta ka soo baxda ayaa lagu qiyaasaa sanad kasta 148 billion oo doolar

CIYAARAHA

Dalka Brazil ciyaarta ugu caansan waa ciyaarta kubbadda cagta, wuxuu koob adduun ku guleystay shan jeer .markii ugu horeysay ee ay koob aduun ku guuleystaan teemkii ka socday Barzil waxey aheyd 1958, waxaa ku xigay 1962, waxaa ku xigay 1970, waxaa ku xigay 1994, waxaana ugu danbeeyay 2002 . sidoo kale mar ayey marti geliyeen koob aduun waana sanadkii 1950kii , waxeyna mar kale martigelin doonaan isla sanadkan 2014. dalkaasi brazil ciyaartoy caalamka caan ka noqotay ayaa ka soo baxday sida ninka Loo boqray ee dhaamanka madow Boqorka Kubadda cagta PELE, sidoo kale waxaa ka soo baxayGarrincha,Ronaldo,Roberto carlos,Romario, Ronaldinho,Kaka iyo Neymar.

Xubin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waddnamha Le Deggan Brasiil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

[7]]. [8]• Brazil waa wadan aad u dhaqda lo’da una iibgeeya suuqyada caalamiga ah sanadkii 2005 waxaa la diiwaan geliyay 28 milyan oo neef oo lo ah in la qalay, halka guud ahaana lagu sheegay sanadkasi in 87 milyan oo neef ay haatan diyaar yihiin. Taasi oo ku tuseysa in Brazil ay lo badani joogto , sidoo kale waxaa ku yaala keymo waaweyn. kala badh dalka Brazil waxaa daboola keymo loo yaqaan Amazon ,qaybaha korinta xoolaha iyo beerista Sisinta, qasabka sonkorta, bariiska, tubaakada iyo dhuxusha dhammaan wey beertaan reer Brazil.

Dhinaca caruurta la adoonsado dalka Brazil waa meelha caalamka uu weli uu aad uga jiro , waana wadanka sedexaad ee caruurta la adoonsado waxaa ka horeeya oo kaliya Hindiya, iyo Bangladesh.!!’?’!

Brazil 91% baabuurta taal waa cusab.

Sido kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]



Dalalka Ameerikada koonfureed Qaarada Ameerikada Koonfureed
Arjantiina · Barasiil · Baraguay · Boliifia · Fanansuwela · Guyana · Ikwadoor · Jili · Kolombiya · Uruguay · Peru · Surinam ·
  1. Exército Brasileiro. https://web.archive.org/web/20140222123948/http://www.eb.mil.br/web/midia-eletronica/hino-a-bandeira-nacional. Waxaa laga kaydiyay the original 22 February 2014. Soo qaatay 29 January 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . Brazilian Government https://web.archive.org/web/20111117051415/http://www.brasil.gov.br/sobre/brazil/brazil-in-numbers/demographics. Waxaa laga kaydiyay the original 17 November 2011. Soo qaatay 8 October 2011.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "Brazil". IBGE population estimates.
  4. 4.0 4.1 4.2 4.3 www.imf.org. International Monetary Fund http://www.imf.org/external/pubs/ft/weo/2018/01/weodata/weorept.aspx?pr.x=87&pr.y=4&sy=2016&ey=2023&scsm=1&ssd=1&sort=country&ds=.&br=1&c=273%2C223%2C156%2C924%2C922%2C132%2C134%2C534%2C536%2C136%2C186%2C158%2C112%2C542%2C111&s=NGDPD%2CPPPGDP%2CNGDPDPC%2CPPPPC&grp=0&a=. Soo qaatay 17 April 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. https://it.m.wikipedia.org/wiki/Mondo_arabo
  6. https://www.cs.mcgill.ca/~rwest/wikispeedia/wpcd/wp/l/Latin_America.htm Archived Sebteembar 1, 2022 // Wayback Machine
  7. https://www.cs.mcgill.ca/~rwest/wikispeedia/wpcd/wp/p/People%2527s_Republic_of_China.htm Archived Luuliyo ama Luulyo 22, 2022 // Wayback Machine
  8. https://www.cs.mcgill.ca/~rwest/wikispeedia/wpcd/wp/s/Soviet_Union.htm Archived Sebteembar 20, 2022 // Wayback Machine