Barunay

Ka Wikipedia

Coordinates: 4°53′25″N 114°56′32″E / 4.89028°N 114.94222°E / 4.89028; 114.94222

Barunay ama Brunei ( Af-Jawi بروني دارالسلام ,af malay Negara Brunei Darussalam), waa wadan ku yaalo jasiirada Borneo ee dhinaca woqooyi bari ee qaarada Aasiya, waxaa ku wareegan wadamada Sarawaaq iyo Malaysiya. wadanka waa wadan aad u taajirsan, waxoo leeyahy saliid aad u badan iyo shidaal. wadanka waxoo ka mid yahay wadamada ugu taajirsan qaarada aasiya. Dawladda Barunay canshuur kama qaado shacabkeeda, lacagta soo gasho Dawladda waxee ka imaataa canshuurta Saliida. wadanka waxoo leeyahay dhakhaatiir lacag la'aan ah, cuntada iyo guryaha neh lacagtooda aad ayoo u jabanyahay, Dawladda neh wee kabtaa ama ku caawisaa. wadanka waxaa ka taliyo Suldaan ama boqortooyo diimeed. Ninka Suldaan ka ah wadanka Brunei waa Xassanal Bolqiya, suldaanka waxoo doortaa wasiir lataliye ah oo ku caawiyo shaqada oo qabanaayo. Suldaanka waa ninka ugu taajirsan aduunka, laakiin badanaa dadka qaarkood weeka xanaaqaan taajirnimadaas saaidka ah, ayaga oo rabo in ee ayaga neh helaan nolol fiican. Dhaqaalaha xoogan oo wadanka ka jirto, waxee soo jiidatay ajaanib gaar ahaan qaxootiga shiinaha.

Jawiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Barunay waa wadan roob badan ka da'o, waxaana ka baxo geedo aad u badan. kuleelka dhex dhexaadka barunay kama badno 26 ilaa 28° sanadka oo dhan. aadna looga dareemayo qanınimada iyo isku fillaashada aan caadiga eheyn.

||'06 Xaqiiqooyin Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Brunei'||

[01.] Waxay hoy u tahay degsiimada ugu weyn adduunka. Kampong Ayer wuxuu ka kooban yahay 42 tuulo, oo ay ku xiran yihiin 38-km (23-mile) boodh socod ah. [02.]Brunei waxay leedahay mid ka mid ah qiimaha lahaanshaha baabuur ee ugu sarreeya adduunka Marka loo eego cilmi baaris ay sameeyeen Xiriirka Gawaarida ASEAN, waxaa jira 721 baabuur 1,000kii qof ee Brunei. [03.] Waxay leedahay boqortooyo dhammaystiran.


[04.] Waxa ay leedahay daarta ugu weyn adduunka Suldaanka Brunei sidoo kale waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu taajirsan adduunka waxaana lagu qiyaasaa 20 bilyan US dollar.[05.] Inkastoo ay le'eg tahay, waxay hoy u tahay duurjoogta la yaabka leh Waxay noqon kartaa mid yar, laakiin Brunei waxay hoy u tahay kala duwanaanshiyaha noole ee quruxda badan. 70% dalka waxaa ku badan kaymo roobeed, inta badana waa la ilaaliyaa.

[06.] Waxa ay leedahay kayd shidaal iyo gaas badan Brunei waxay ku raaxaysanaysaa mid ka mid ah heerarka nolosha ee ugu sarreeya adduunka iyada oo ay ugu wacan tahay qulqulka joogtada ah ee saliidda iyo gaasta.