Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad
TAARIIKH KOOBAN EE BEELDAAJE CALI BEELDAAJE SALAAD BEELDAAJE CALI
Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad Beeldaaje Cali waxa uu ku dhashey magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho sanadii 1990. Beeldaaje Cali waxa uu ku barbaarey oo noloshiisa inta badan ku qaatey deegaanada Puntland, Beeldaajaha ayaa waxbasrashadiisa Qur’aanka, dugsiga Hoose/ dhexe iyo Sare ku qaatey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Beeldaajaha marka uu dhameeyey dugsiga sare waxa uu ku biirey machadkii la oran jiray PIDAM oo uu ka bilaabey BBA isaga oo ka qaatey shahaadada Diploma. Beeldaajaha marka uu dhameeyey Machadka PIDAM ayaa uu dalka dibadiisa waxbarasho u aadey gaar ahaan dalka aan jaarka nahay ee Kenya halkaas oo uu heerka koowaad ee jaamacada ku qaatey (Bachelor Degree.). Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad Beeldaaje Cali ayaa ka mid ah Isimada ugu da’da yar guud ahaan isimada Soomaaliyeed gaar ahaan isimada Puntland. Beeldaaje Cali ayaa Beeldaajanimada ka dhaxley aabihiis Beeldaaje Salaad kadib markii walaalihiis ay u doorteen in uu u buuxiyo Booskii aabohood reerka inta kalena ay la qaadateen.
Mudo afar sano ah oo uu dalka Kenya waxbarasho u joogey kadib Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad ayaa dalka dib ugu soo laabtey 25 October-2020 iyada oo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyey Bosaso International Airport ee magaalada Bosaso. Intaas kadib Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad ayaa lagu caleema saarey magaalada Bosaso taariikhdu markey ahayd 15 November – 2020.
Waxaa kasoo qeyb galey xaflada caleema saarkiisa isimada ugu waaweyn Puntland, nabadoono, cuqaal, ganacsato, aqoonyahano, culimo, siyaasiyiin, haween, iyo dhalinyaro.
Isimadii kasoo qeyb gashey xaflada caleema saarka Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad Beeldaaje Cali waxaa kamid ahaa: Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Cabaas Beeldaaje Cali Binjeceel, Suldaan Ciise Maxamed Ciise, Suldaan Ayaanle Suldaan Ahmed Suldaan Ibraahim, Suldaan Daahir Suldaan Soote Iyo Suldaan Abshir Ahmed Jibriil iyo isimo si online ah oga soo qayb galay caleema saarka.
Dhinaca siyaasiyiinta waxaa kasoo qeyb galey: Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Dowlada Puntland Mr.Ahmed Taaraan, Taliyaha Qeybta Gobolka Bari Mr.Xuseen Cali Maxamud, Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Bosaso Mr. Garoon iyo Xeer ilaaliyaha Gobolka Bari Mr. Bashiir Ismaaciil ( Hoobaley). Waxaa kaloo qeyb ka ahaa xaflada caleema saarka Beeldaaje Cali Beldaje Salaad Beeldaaje Cali culimada Soomaaliya ugu waaweyn sida: Sheikh Cabdiraxmaan Bukhaari iyo Sheikh Ahmed Daahir. Nasiib wanaag xaflada caleema saarka Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad Beeldaaje Cali ayaa ku dhamaatey jawi aad u wanaagsan oo farxadeed. Beeldaaje Cali ayaa kasoo jeeda qoys saldano ah aabihiis waa Beeldaaje Salaad sidoo kalena abtigiis waa Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal.
Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad Beeldaaje Cali waxaan kuu rajeyneynaa Cimri dheer iyo Cibaado Suuban. Waxaan kaloo kuu rajeyneynaa inaad cadalaad iyo wanaag ku hogaamin doonto Beesha iyo dardaaranka gabaygan hoose ku xusan:
‘Labo Aabe wada dhalay ba jiroo aan sawa ahayne. Arrin si ula muuqata ba mid kale si u arkaayaaye. Qaarbaaba iin iyo dhex taal ciil qab iyo maage. Qaar utumo sheegta jiro umalku jiifaye. Indheer-garad, Abwaan, iyo wadaad, buuni lagu iisho. Mid ardaala,midaan loo irkano Samaha Awdaaya. Aqoon yahan tadhahay iyo midaan alifba loo yeedhin. Intaas oo dhan kala ayniya Oo reer Cabdirixiina. Inaad isku waddaa baan rabnaa idil ahaantoode Oo ay dhamaan tood noqdaan ul iyo diirkeede. Ka ilaali tafaraaruq waa beliyo aafaade.’
‘Abwaan Maxamed Axmed Cisman’