Beeldaaje Faarax

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi)
Beeldaaje Faarax
(بيلداجي فارح عبداالله محمد (رحمه الله

File:BeeldaajeFarah.JPG

Beeldaajhi hore ee beesha Cali Saleeban
2004 ilaa 2012
Xil ka wuxu ka dhaxlay: Beeldaaje Cabdullaahi
Dhashay: 1948
Ku dhashay: Qandala, Soomaaliya
Dhintay: 2012
Kudhintay: UAE
Magaciisa ee af Ingiriis ah Beldaje Farah Beldaje Abdullahi Beldaje Mohamed
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaali

Beeldaaje Faarax Beeldaaje (noolaa 1948 ilaa 2012) wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 1959kii kasoo galay degmada Qandala ee gobolka Bari. sidoo kale wuxuu ahaa oday dhaqameed soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo[1]


Taariikh Nololeedka Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi wuxuu ku dhashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari Sandkii 1948-di halkaas oo uu ka bilaabay Dugsiga hoose & barashada Quraanka Kariimka.

1959 Wuxuu aaday Magaaladda Muqdisho halkaas oo uu ka galay Dugsiga dhexe wuxuuna dhameeyey sanadkii 1963.

1964 ilaa 1968 Wuxuu dhameeyey Dugsiga sare ee Riaggionenia.

1969 Waxuu Jaamacad u aaday dalka Talyaaniga oo uu kazoo bartay Culuumta dhaqaalaha.

1972 ilaa 1973 Wuxuu shaqo ka helay Bankigii Roma kaas oo Dowladu la wareegtay isagoo ka gaaray ilaa heer Maamule kana soo shaqeeyo meelo badan sida Magaaladda Kismaayo oo uu ka noqday madaxa sare ee Bankiga mudo dhan 15 Sano wuxuuna u lahaa Arrimaha Bankiyada Khibrad fiican.

1991 wixii ka dambeeyay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wixii ka danbeeyey 1991 markii ay Burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuu u soo hayaamay Deegaanadda Puntland isagoo ka mid noqday ergooyinkii dhisay Maamulkaas.

Sanadkii 2001 waxaa uu ka mid noqday Golihii Wasiiradda Xukuumadii Madaxweyne Jaamac Cali Jaamac isagoo noqday Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryaynta 2004 waxaa geeriyooday Aabihii Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi waxaana loo caleemo saaray marxuumka Wakhtigaas inuu noqdo Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan si uu u buuxiyo Kaalintii Aabihii ee Beeldaajanimada.

2007 Wuxuu ka mid ahaa Isimadii ka qaybgalay Shirkii dib u heshiisiinta ee DFKS ku qabatay Xamar.

2008 wuxuu ka mid ahaa Raxan Isimo ah oo loo diray Wadanka Ethopia si ay u dhexdhexaadiyaan Raysal wasaaraha Ethopia Miles Zanawi & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

Waxuu Safaro ku tagay dalal badan oo aduunka ah isagoo had iyo jeer ka hadli Jiray midnimada iyo danta ummada Soomaaliyeed, Waxuu ifka kaga tagay 7 Ubad ah 4 wiil iyo 3 gabdhood.

Dadka u lahaaa Aqoonta waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Afgaaban, Xishood leh, ka Adag Afkiisa & Adinkiisa, Jecel Nabada, Xushmad fiicana ku dhex leh Bulshada isagoo in badan ka shaqeeyey Nabada & Xasiloonida mudadi uu hayey Xilka Beeldaajaha .

Dadka caanka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Haji. Ibrahim Osman Unlaye , Businessman

tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. https://halgan.net/2012/04/raisulwasaaraha-dfkm-oo-tacsi-u-diray-eheladii-beeldaaje-faarax-warsaxaafadeed/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Gundel, Joakim; Ahmed A. Omar "Dharbaxo", (DOC), Danish Refugee Council and Oxfam Novib, p. 15 http://siteresources.worldbank.org/INTLAWJUSTINST/Resources/GundelTheroleoftraditionalstructures_1.doc  Barameter aan la aqoon |month= ignored (caawin); Cite wuxuu adeegsadaa barameter hoos u dhaca |coauthors= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)