Beesha Aw saciid
Beesha Reer Awsaciid waa beel ka tirsan beesha Dir, gaar ahaan Curadka Dir oo sidoo kale loo yaqaan Madaxwayne Dir gaar ahaan Layiile
Beeshani waxay degtaa qaybo badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana laga helaa magaalooyin iyo deegaano muhiim ah sida Saakow, Salegle, Bu’aale, Luuq, Jamaame, Kismaayo iyo Dhoobley dhankaa iyo waqooyina waa ay dagaan sidoo kale waxeyna dagaaan DDS oo loo yaqaan Dowlad Deegaanka Soomalida
1. Jufooyinka Beesha
Beesha Reer Awsaciid waxay u kala baxdaa jufooyin hoosaad oo ay ka mid yihiin:
Abkeey Xaaji (Aderkii ah) Aw saciid iyo Abkeey Xaaji weysimanyihiin waa ilmo macaow sheekh ibrahim... Rer aw saciid waa ay badan yihiin waxaana kamid ah
Farax saciid
Abikar Saciid Sacad Saciid Nuur Saciid
2. Taariikh & Halgan
Beesha waxaa ka dhashay madax dhaqameed iyo hoggaamiyeyaal diimeed oo caan ka ah bulshada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah:
Sheekh Cali Sh. Ibraahim: Caalin iyo culimo ka tirsan dariiqada Ahlu Sunna Wal Jamaaca, oo aas-aasay madaaris iyo xarumo diimeed oo waaweyn iyadoo laga hirgeliyey Xamar, Yaqshiid, iyo gobollada Gedo iyo Bakool. Xasan Isxaaq Yacquub (Gees Cade): Siyaasi caan ah oo noqday wasiir ku xigeenka Amniga ee dowladdii Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf ee Baydhabo, waxaana lagu xusuustaa doorkiisa dagaalka iyo difaaca bulshada. Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi: Wasiir hore oo ka soo shaqeeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isaga oo xilal kala duwan u soo qabtay dowladihii Xasan Sheekh iyo Farmaajo. Xil Asad Cabdirisaaq Maxamed: Xildhibaan hadda ku fadhiya kursiga beesha, isagoo hadda ah wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha. General Maxamed Xaaji: Taliyihii ciidanka booliska (2007), isagoo sidoo kale mudo dheer ka soo shaqeeyey howlaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. General Xasan Aadan Dhicis: Taliyihii ugu muda dheeraa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka Guutadda 77 si dhowna loo xasuusto, inkastoo dhowaan laga qaaday xilka. Cabdillaahi Nadiir: Amiirkii maktabka dacwadda ee Al-Shabaab, kaasoo ahaa aas-aasihii kooxda khatarta ah, waxaana la dilay bishii Oktoobar 2022.
3. Dhaqan & Saameyn
Beesha Reer Awsaciid waa dad diini iyo dhaqan ahaan leh, wax badan ayey ka qabteen dhinacyada:
Diinta: Waxaa soo baxay culimo iyo hoggaamiyayaal diimeed oo mudan in la xuso, kuwaas oo aasaasay xarumo aqooneed iyo madaris. Siyaasadda: Waxay kaalin muuqata ka qaateen siyaasadda iyo maamulka gudaha, iyagoo soo bandhigay madax iyo wasiirro heer qaran iyo gobolaba. Amniga: Waxaa beesha kasoo baxay saraakiil ciidan oo heer sare ah, kuwaas oo ka shaqeeyey nabadeynta iyo amniga bulshada. 4. Gunaanad
Beesha Reer Awsaciid waxay leedahay taariikh dheer oo sharaf iyo halgan lagu xasuusto, iyadoo door muuqda ka qaadatay dhammaan qeybaha nolosha—diinta, siyaasadda, amniga, iyo dhaqankaba