Jump to content

Beesha Reer Muuse Gabiible Aaroow

Ka Wikipedia

Beesha Reer Muuse Gabiible Aaroow waa beel kamid ah beelweynta Reer Geedoow. Waxa ay degaan guud ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhulkooda asalka waa gobolka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan gobolka Qallaafe (Shabeelle) oo ay degaan deegaano badan oo hoosyimaada degmada Qallaafo, kuwaas oo kala ah:-

  1. Kurtumaley caasimada beesha
  2. Balada Aamiin
  3. Arjac
  4. Yaasiin Laawe
  5. Buula Malas
  6. Isma Rabo
  7. Dhuungal iyo
  8. Dabeyl Yaaboow/Maroodiley.

Beel-hoosaadkan katirsan beelweynta Reer Geedoow ayaa ah mida dhaxalka uleh Ogaaska guud ee beelweynta Reer Geedoow.

Beeshani waxa ay ka koobantahay laba jilib oo kala ah:-

  1. Reer Xuunshooy oo ah jilibka dhaxalka uleh ugaasnimada guud ee beesha Reer Geedoow iyo
  2. Reer Abtoow oo ah jilibka dhaxalka uleh nabaddoonka guud ee beelweynta Reer Geedoow.

Waa beel ku caan ah dhiiranaanta iyo dagaalka, waxa ayna leeyihiin taariikho farabadan oo laga diiwaangeliyay.