Kurtumaaleey
Kurtumaaleey كرتومالي | |
|---|---|
| Coordinates: 5°35′20″N 44°12′20″E / 5.58889°N 44.20556°E | |
| Dalka | Itoobiya |
| Gobolka | DDS |
| Aagga | Qalaafo |
| Magaalada | Qallaafo |
| Tirada dadka | |
| • Dhammaan | 5,000+ |
| Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Kurtumaaleey waa tuulo ku taalla, bariga magaalada Qallaafo, aagga Qalaafo, DDS ee
Itoobiya. Waa goob taariikhi oo qadiimi ah, waa tuulada ugu weyn ee ay degaan Reer Muuse, oo ah lafta ugu gobsan ee beesha Reer Geedoow.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kurtumaaleey waa goob taariikhi oo qadiimi ah, oo ku taala gobolka Qallaafe. Waxaa la degay qarniyaal badan ka hor. Waxaa ka hanaqaaday ilbaxnimooyin, iyadoo xarun u noqotay saldanooyin soomaray hareeraha webiga Shabeelle, ee dhulka Qallaafe.
Juquraafi
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tuuladaan waxa ay dhacdaa bariga magaalada Qallaafe, gobolka Qallaafo ee DDS. Waxa mara webiga Shabeelle kaasoo aad ugu muhiim ah dadka tuuladaan, dhanka wax-soo-saarka beeraha.
Dadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kurtumaaleey waxaa dega Reer Muuse oo ah beel-hoosaad ka tirsan beesha Reer Geedoow.
Tuuladaan waxa ay u qeybsantahay laba xaafadood, oo ay kala degaan labada jilib ee Reer Muuse oo kala ah Reer Xuunshoow iyo Reer Abtoow.
Waa tuulada ugu weyn ee caasimada u ah Reer Muuse iyo halka ugu horreeysay ay degaan, oo ay taariikhdooda ka bilaabatay.
Diinta iyo dhaqanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Diinta rasmiga ah ee ay heystaan, kuna dhaqmaan dadka reer Kurtumaaleey waa diinta islaamka 100%.
Dhaqankooda waxaa ku weyn martisoorka, wadatashiga, wadajirka, wax wadaqabsiga, difaaca diinta, dadka, hantida iyo sharaftooda.
Dhaqaalaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dhaqaalaha tuuladaan Waxa uu ku tiirsanyahay beeraha, xoolaha iyo ganacsiga. Dadka reer Kurtumaaleey waxa ay soo saaraan dalagyada kala duwan, ayaga oo beerista dalagyada uga faaideysta biyaha webiga Shabeelle, oo mara deegaanka. Dalagooda waxa ay u iib-geeyaan suuqyada gudaha tuulada iyo suuqyada gobolka, uu ugu horreeyo suuqa-weyn ee magaalada Qallaafe.
Sidoo kale eeg
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maroodiley /Dabeyl-Yaaboow
- Dhuun-Gal /Buur-Gaabo
Waa tuulooyinka ay degaan Reer Muuse, oo ah beel-hoosaad ka tirsan beesha Reer Geedoow. Waxa ay ku yaallaan ismaamulka magaalada Qallaafe, gobolka Qallaafe, ee DDS.