Cabdi Bile

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Cabdi Bile Cabdi)
Abdi Bile
Image of Abdi Bile
Warbixin shaqsiyadeed
DhalashoSomali
Dhashay (1962-12-28) 28 Diseembar 1962 ( 61jir)
Laascaanood, Sool
Dhirirka1.85 m (6 ft 1 in)
Culeeska75 kg (165 lb)
Isboorti
Isboortigaorodka wadada
Dhacdo800m, 1500m, mile, 3000m
Kooxda kuliyadeedGeorge Mason
Guulaha
Shaqsiyan ugu fiican800m: 1:43.60[1]
1500m: 3:30.55[1]
Mile: 3:49.40[1]

Cabdi Bile Cabdi (عبدالله بله عبدالله; Abdi Bile; * 28.12.1962,wuxuu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobalka sool. cabdi waa oradyahan caan ah oo umada somaliyeed aad u jeceshahay wuxuuna somali gaarsiyay guul ayna waliged gaarin. wuxuu noqday Somaligii ugu horeeyay ee ku guulaysta oradka aduunka ee 1500 mitir oo ka dhacay magaalada Rooma sanadkii 1987 kuna guulaystay bilada dahabka. cabdi wuxuu kaloo kaalinta sadexaad ka galay oradka aduunka sanadkii 1993 dii oo ku guulaysta bilada naxaasta. wuxuu kakloo cabdi ka galay ciyaaraha fudud ee afrika kaalinta sedexaad wuxuuna ku guulaystay bilada silferka. sanadka 1995 cabdi waxaa la soo daristay guul daradii ugu wayanayd wuxuuna ciyaaraha aduunka ka galay kaalinta lixaad kaas ayaana ahaa ciyaarihii olombikada ee ugu dambeeyay ee uu ka qayb galo.Halyayga Cabdi Bile waxaa lagu sharfay inuu calanka usido orodyahana Somalia umatalaya ciyaaraha olombikada ee London ka dhacay sanadkii 2012. Bile oo ah halyay somalidu si fiican u jeceshahay waxaa uu kunool yahay wadanka maraykanka. Cabdi Bile yaraan tiisii wuxuu ku ordi jirey buurta Diiriye Guure oo kutaala magaalada laascaanood.

Qoraalo la xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 1.0 1.1 1.2 IAAF. http://www.iaaf.org/athletes/somalia/abdi-bile-261.  Maqan ama ebar |title= (caawin)