Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
Abdirahman Mohamed Abdullahi (Soomaali: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Af-Carabi: عبد الرحمن محمد عبد الله; wuxuu dhashay 24 Abriil 1956), oo loo yaqaanay Cirro, waa siyaasi iyo dublamaasi reer Somaliland ah, waana Madaxweynaha 6-aad ee hadda ee Somaliland tan iyo 13-kii Diseembar 2024.
| Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro
عبد الرحمن محمد عبد الله عِرُّو | |||
Madaxweynaha 6-aad ee Somaliland | |||
| Hadda xilka haya | |||
| La wareegay Xilka 13 December 2024 | |||
| Madaxweyne ku xigeen | Maxamed Aw-Cali Cabdi | ||
|---|---|---|---|
| Xilka kaga horeeyey | Muuse Biixi | ||
Guddoomiyaha 4-aad ee Somaliland
Golaha Wakiilada | |||
| Ka qabtay xilka November 2005 – 2 August 2017 | |||
Guddoomiyaha Waddani | |||
| Ka haya Xilka October 2012 – 16 November 2021 | |||
Macluumaad gaar ah |
|||
| Ku dhashay | 1956 (Da'diisu waa 69–70) Hargeysa, Somaliland | ||
| Xisbi siyaasadeed | Waddani (since 2012) | ||
| Waxbarasho jaamacadeed | SOS Sheikh Secondary School American University (MBA) | ||
| Diinta | Islam | ||
| Saxiixa | |||
Cabdiraxmaan waxa uu soo noqday guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland inta badan baarlamaankii ugu horeeyay ee la soo doorto. Waxa lagu dhawaaqay inuu yahay musharraxa madaxweyne ee doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2024-ka ee xisbiga Waddani.[1]
Xirfad
[wax ka badal | wax ka badal xogta]C/raxmaan si xirfadeysan waxa uu uga soo shaqeeyay Hay’adda Horumarinta Dejinta (Dan-wadaagaha) ee qeybo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan. Laga soo bilaabo 1981kii, waxa uu jago ka qabtay shaqada arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya oo ahayd qunsuliyadii ugu horreysay ee Moskow, taas oo dabooli jirtay dhammaan Midowga Soofiyeeti. Sannadkii 1991-kii, ayaa mar kale loo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Midowga Soofiyeeti. C/raxmaan xilkaas oo kale, waxa uu ku caawiyay qurba-joog badan oo Soomaali ah oo ka tagay Soomaaliya ka dib markii uu qarxay dagaalladii sokeeye. Ka dib waxa uu u guuray Finland 1995 si uu ugu biiro qoyskiisa, oo halkaas u guuray dhawr sano ka hor, kadibna wuxuu helay dhalashada Finland.
Xisbiga UCID
[wax ka badal | wax ka badal xogta]2005tii, Cabdiraxmaan waxa loo doortay doorashadii golaha wakiilada Somaliland 2005 inuu u matalo xisbiga cadaalada iyo daryeelka (UCID) ee Saaxil Xisbiga UCID ayaa ahaa xisbigii ugu horeeyey ee mucaarad ah oo si rasmi ah looga sameeyo Somaliland, Soomaaliya ka dib xisbiga talada haya ee UDUB, halka siyaasiyiinta kale ay guud ahaan mucaaridnimadooda diiradda saareen maamulkii gobolka ee Cigaal (AHN). Xisbiga UCID waxa kale oo uu taageeray aftidii saldhiga u ahayd nidaamka xisbiyada badan, nidaamkaas oo ay siyaasiyiin badani ka soo horjeesteen una arkayeen in loo xaglinayo Cigaal (AHN).
2005 doorashadii baarlamaanka Somaliland
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Somaliland way qabteen doorasho 29 Sebteembar 2005. Wuxu ahay doorashadda kow oo xisbi badan ka qayb galeen oo laga qabyay Somaliland ilaa 1991-gi, markuu dagaalka sokeeyo bilaabmay.[2]
2017 doorashada madaxtooyada Somaliland
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2017 ayaa ahayd doorashadii saddexaad ee si toos ah u qabsoonta tan iyo sannadkii 2003-dii, waxaanay si rasmi ah u qabsoontay 13 November 2017. Natiijadu waxay noqotay guul uu u soo hoyday murashaxa xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo helay 55% codadkii la dhiibtay. Cabdiraxmaan ayaa helay 41% codadkii la dhiibtay.
2024 doorashada madaxtooyada Somaliland
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdiraxmaan ayaa loo doortay madaxweynaha Somaliland doorashada madaxtinimada Somaliland ee 2024-ka oo ah musharaxa xisbiga Waddani. Waxa uu ku guulaystay ku dhawaad 64% codadkii la dhiibtay, halka madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi uu helay 35%. Waxaa la caleema saaray 12-kii Diseembar 2024
Tixraacyo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1:Reuters Afrika. Laga kaydiyay asalka 3 Febraayo 2016. La soo celiyay 20 Luulyo 2012. [1]
2:AllAfrica. 2 Meey 2012. laga bilaabo asalka 7 Juun 2021. 20 Luulyo 2012.
3:Barron's. 19 Noofambar 2024. 9 Diseembar 2024.
5:fi ( Finnish). 13 November 2017. Waxaa laga kaydiyay asalka 13 November 2017. 13 November 2017
6:19 November 2024. 19 November 2024
- ↑ Cirro