Cabdulle
| Cabdulle عبدلي (Af-Carabi) Abdulle (Af-Ingiriisi) | |
|---|---|
| Cabdulle – farac katirsan Abtoow | |
Astaanta Cabdulle | |
| Qowmiyad | |
| Meelaha ay dagaan | |
| Kasoo farcmey | Cabdulle Abtoow Muuse |
| Qabiilka waalidka | Abtoow |
| Jinsi | Cabdullawi (raga) Cabdullawiyad (dumarka) |
| Laamaha | Subugle Cabdulle
Waceys Cabdulle
|
| Luuqada | |
| Diinta | |
Cabdulle oo sidoo kale loo yaqaan (Beesha Cabdulle) ama si fudud (Reer Cabdulle), waa farac ka mid ah Abtoow, oo ah jilib ka tirsan Reer Muuse. Oo ah beel-hoosaad ka tirsan beesha Reer Geedoow, oo ah mid ka mid ah beelaha Reer Shabeelle ee dadka Soomaalida.

.

.
Taariikhda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdulle waa dad Soomaaliyeed oo galaangal iyo taariikh fac weyn ku leh gobolka Qallaafe. Qarnigii 18aad ayay hoggaanka u hayeen saldanooyin dhowr ah oo ka soo ifbaxay hareeraha webiga Shabeelle.
Xilligii dhexe ee qarnigii 18aad iyo 19aad, waxay caan ku ahaayeen hodantinimada dhanka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga gudaha gobolka Qallaafe. Waxay sidoo kale ahaayeen hormuudka dhaqaalaha iyo maamulka bulshada deegaankaas.
Waxa ay aasaaseen tuulada qadiimiga ah ee Arjac, taas oo noqotay xaruntooda ugu weyn, isla markaana ahayd meel lagu yaqaan diinta, cilmiga, barwaaqada iyo ganacsiga.
Nabaddoonada soo maray
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1. Nabadoon xaaji Cabdulle Dhiirsi Shiiqdoon Subugle Cabdulle.
2. Nabaddoon Cabdi Qaaris Aaroow Docooy Subugle Cabdulle.
3. Nabaddoon Maxamed Cabdi Qaaris Aaroow Docooy Subugle Cabdulle.
4. Nabaddoon Sharguul Nuurqeyr Xuseen Dhiirsi Shiiqdoon Subugle Cabdulle.
5. Nabaddoon Gacaloow Khaliif Cabdi Keenadiid Mareexaan Aw Aadan Dhiirsi Shiiqdoon Subugle Cabdulle (hadda xilka haya). Waa nabadoonka Cabdulle iyo guud ahaan beesha Reer Geedoow ee Itoobiya.
6. Nabaddoon Cabdullaahi Cumar Ciid Qaaris Aaroow Docooy Subugle Cabdulle. Waa nabadoonka ee Cabdulle iyo guud ahaan beesha Reer Geedoow ee Soomaaliya (hadda xilka haya).
Deegaanada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdulle waxay ku badan yihiin gobolka Qallaafe iyo hareeraha Webiga Shabeelle. Deegaanada ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
- Arjac — xarunta ugu weyn ee Reer Cabdulle
- Kurtumaaleey
- Buula Malis
- Balada Aamin
- Yaasiin Laawe
- Dhuun-Gal
- Isma Rabo
- Maroodiley (Dabeyl-Yaaboow)
- Dariiqo
Sidoo kale waxa ay aad u deganyihiin gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Waaberi.
Dhaqaalaha iyo nolosha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dhaqaalaha ugu weyn ee Cabdulle wuxuu ka yimaadaa beeraha iyo ganacsiga. Waxay ku tiirsan yihiin Webiga Shabeelle oo ay ka helaan waraabka beeraha iyo nolosha maalinlaha ah. Sidoo kale, ganacsiga iyo xoolaha nool ayaa qayb weyn ka ah dhaqaalahooda.
Sidoo kale eeg
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Reer Abtoow
Xigashooyin
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Taariikhyahannada Cabdulle ee Soomaaliya.
- Wareysiyo lala yeeshay, xubnaha haya taariikhaha afka lagu kala qaato ee Cabdulle ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
