Category:Abwaanka dabare
Adan cabdi aadan cusmaan oo loo yaqaan adan kulmiye ama abwaan kulmiye waa mid ka mid ah hal abuurrada soomaaliyeed ee casrigan, wuxuuna ku dhashay magaalada bu'aale xarunta gobolka jubbada dhexe sanadka markuu ahaa 2002dii wuxuuna ku soo barbaaray degmada diinsoor ee gobolka baay, halkaas oo dugsiga quraanka ka bartay sido kale waxbarashada iskuulka dugsiga h/dhexe ka dhigtay.
Dabayaaqadii sanadka 2020kii wuxuu safar waxbarasho u aaday magaalada muqdisho si uu u soo dhigto dugsiga sare, wuxuuna waxbarashada dugsiga sare ka baxay bishii juun sanadkii 2024kii.
Hibadiisa abwaanimo goormee soo bilaabatay? Waa abwaan hibo ilaahay siiyey wuxuu ka gabya Afsoomaali wuxuuna bilaabay gabayga isagoo 17 sano jir ah, gabaygiisii ugu horreeyey waxaa uu ahaa gabaygii Kaaf iyo kala dheeri, wuxuuna caan ku yahay gabayada wadaniga ah wuxuu arkay sida ay u kala qaysantay soomaalida oo aysan lahayn wax soo saar dalka ah oo cunnada loogu keeno dalka dibaddiisa, ayna doonayaan dadkeena soomaali in shisheeye dalkooda u horeynayo, dhalanteedka ay ku nooshahay ummadda soomaaliyeed buu aad ula fajacay. Wuxu yiri:
- Kulmiyan isiri ka hadal intuu yahay karaankaage
- Kaafka gabay ardigeenii iyo markaan la keliyoobay
- Weli nin koobay ma arag iyo kow iyo laba dhaafaye
- Kolkaan arkayo soomaaliyo waxa keliya danaysaye
- Kumaadka lacagaha iyo kulliyad shisheeya ahayne
- Koobka dunida ciyaaraha iyo kasha ay u hayaane
- Kurbada ay ku haysiyo cuntada la koolleeyey
- Kalluumaysiga takooreen kaarar bay wada sitaane
- Kaydadka inoo yaaliyo kalsoonideeni dhimataye
- Kaaman shisheeye u tageen kaaliyahoodi diideene
- Kitaab rabbise aqoonino yahay kufri iyo gaale
- Kaalmana waa tii Eebbe koonkan idil ahaantise
- Ma kenya iyo itoobiyan ka doonaynaa kaalma e
- So dila kartidiina maaha iyo kalaamki ilaahay tuura
- Kaaf iyo kala dheeri baana kala geysay kulligeene
- Koonfur iyo woqooyi baana kala maarmin abide
- Kacaankii tagayoo kobac baanu doonaynaaye
- Kumee ila garaabay hadal mise ii akidayaaye
- Kiisas ma gaadheen haddii kulan la yeeshaaye
- Kaalin heshiisa ku filan iyo heerbeegti keliyaade
- Is kaashigaan la hureynin kibirku waa hooge
- Kufidda maaha ceeb wayne kici waysaa darane
- Ma kursigaad ka doorteen kaabayaalkii qarane
- Inaad kaabullo noqotaaniyo kaadarro awgeede
- Kiimikiyo kuridda miran kolba aad is marisaane
- Kurayga soo baxaad ka dhigtaan kaaliye shisheeye
- Kumaandoos qabiiliyo kulaalayda geysaane
- Kaymihii dalkeenaa kukiyadu bannaystaane
- Kalmadaydii iyo haddaan hadalka soo koobo
- U kaaliya soomaalidey midnimo kamaal weeyaane.