Category:PD Somalia

Ka Wikipedia



jeg hatar samsam


u r mina ögon



u r mina ögonMadaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde" (carab:عدن عبد الله عثمان دار) Waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Neyroobi ee dalka Kenya 8 Juun 2010. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba ku qaatay magaalada Muqdisho. Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada Beledweyne. Wuxuu sanadkii 1951 noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953. Sanadkii 1953 waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954 waxaa loo doortay guddoomiyihii xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956. Bishii Maajo sanadkii 1958 waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii Luuliyo sanadkii 1960. Sanadkii 1956 waxaa golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Beledweyn ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii ka dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Somali Legislative Assembly. Sanadkii 1959 doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo doortay mar kale xubin, iyo in uu noqdo guddoomiyaha golaha sharcidejinta Koofurta ee dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa golihii sharcidejinta uu noqdo Constituent Assembly. Taasna waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1:dii Luuliyo sanadkii 1960. Golihii baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa loo doortey in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah. Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan cadde" wuxuu ku hadli jirey afafka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967 waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma'arke, bishii Juun isla sanadkaas (1967).

Qeybtaan hadda wax maqaal ah kuma jirto.