Category talk:Sharci

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

o Dhugmo 05-9-17  Dharbaa xidholeh diinbaa dhigmaleh dhaxal awawbaaleh  Hiddaa dhaqanleh geel baa dhalyaleh dhaqasho maal maal baa leh  Dhulbaa doogleh dhagax baa ad adag dhalac cadceed baaleh  Dhirbaa ubax leh nabad baa dhitaleh dhawro gacal baa leh  Dheg baa maqaleh caana dhanyaleh aragna dhayaaleh  Cirbaa dhooleh roobaa dhibcaleh dhedo diraac baaleh  Ban baa dhaxaleh dheel ba qabaw dheelmad socod baaleh  Dhiiliyo iyo colaad iyo dhufays dhiciya geel baaleh  Dhafoor gaalo laga toogto iyo dheef xoriyad baa leh  Dhanqalaan haraad loo dhintiyo dhamac kaliil baaleh  Dheg xumaan dhulkaagoo ninkale kugu dhirbaxaaleh  Dhaaroof la,aan ceebta aan laga dhergayn baaleh  Dhalinyarada soomaaliyey dhimey warkeeniiye  Inkastay murtidu dhaabadiyo dhuuxa toganayso  Mar hadaan qabiil lagu dhadhabin uma dheg taagtaane  Hadba waxaan la dheelimanayaa dhiifta aan qabo e  Bal i dhaada meel durugsan baan dheehda leeyahaye  Waa qaylo dhaan maansadaan kor ugu dheeraane  Aduun waaka dhimo ama xarago ugu xedh noolaw e  Xaquna waa ku sii dhiiranaw ay dhab kaa tahaye  Waxkaloo la dhool dhooliyaa wayska dhalan teede  Dhalaan lumistu daad maaha iyo badiyo dhiijaane  Dhacdo waliba dheef waxay lahayd baad dhadhamisaaye  Dhiiladu dharaarahan dambay tii wax dheer tahaye  In muwaadin gaalloo dhidbiyo cadaw in loo dhoofsho  Inkastay hurrow waac tahay dhimirka naafaysay  Waxka dhumuc sareeyaa jiran weli la dhaadayne  Waxka dhigan dhabtii hooyo oo laysku dhibayaaye  Waxka dhigan dhulkeenoo tigray looga dheelmado e  Waxka dhigan dhiciisii horo lagu dhibaadshaaye  Dhudhubaha qarsoon waa horay dhab u tijaabsheene  Xuushanada markii laba dhardhaar midiba dheer taabto  Midna uu dhakalada soo socday dhab u dareen taaye  Lagu dhacan hadii aan xaqiiq looga dhiidhiyine  Mar hadaan dhismaha dawladnimo laga dhabaynaynin  Oo aan midnimo laa dhan yahay dhidibka loo taagin  Dhito maleh qabyaaladi horaa loogu dhiidh yadaye  Dhabrasey inaan wada galaa waa dharaar sugane  Waxaa loo dhutinayaana waa dhiiga iibsada e  Dhuda qori-cad dhahar iyo wardheer dhoodi iyo faafan  Dhagaxbuur hargaysiyo ilaa dhudaha boosaaso  Dhakaalkii kismaayiyo sanaag dhabarka buuhoodle  Dhuyi-xuunsho dheentiyo afmadaw tan iyo buur-dhuubo  Dhooba wayn ilaa dhuuda iyo dhabiga mooyaale  Inta gaaska laga soo dhuriyo dheemantiyo luulka  Bada dhereran wabiyada dhuldhulin maadha dhacadiida  Waa dhaxal awaw iyo waxaan cidi dhamay nayne  Hadaanse dhuraha laga joojin iyo gaalka lagu dhuunyo  Ama koranka iyo rareyga dhacay qoofal lagu dhuujin  Oo aan dhurwaagani ka tegin dhacantay maan deeq

                              By jaama cali (jaamac yare)