Category talk:Taariikhda Soomaaliya

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Waxaan Halkaan Idiinku daabacnay sida ay tahay taariikhdii sharafta badneyd ee soomaaliya lahayd. -Intii lagu jiray maamulkii daakhiliga ahaa, waxaa la magacaabay guddi ka kooban 10 (toban) xunood oo ka socda koonfurta soomaaliya, iyo guddi ka kooban 8 (sideed) xubnood oo ka socda waqooyiga. Labada guddi waa la isku daray waxaana loo bixiyay gudiga diyaarinta midnimadda soomaaliya. Gudigii midnimadda waxuu u doortay 1) Aaden Cabdulle Cismaan(Gudoomiye),2)Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf(Gudoomiye Xigeen),Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal(Xog-haye),iyo 15 (shan iyo toban)xubnood. Gudigaas ayaa dejiyey qorshaha iyo taariikhaha xoriyadda iyo midowga 26/6/1960 iyo 1/7/1960. -Qodobkii koowaad aroortii 1 July 1960 baarlamaanka waxaa furay shirka mudane Aaden Cabdulle oo horey u ahaa gudoomiyihii golaha ee dowladdii daakhiliga, waxuuna ka dalbaday baarlamaanku in uu doorto gudoomiyihii ugu horeeyey ee soomaaliyadda xorta ah, waxaana aqlabiyad lagu doortay Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf oo horey u ahaa gudoomiye ku-xigeenkii gudigii mideynta soomaaliya. -Qodobkii labaad ee maalintaas waxuu ahaa doorashadii Mudane Aaden Cabdulle Cismaan Daar oo noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee jamhuuriyadda soomaaliya. -Qodobkii sadexaad waxuu ahaa aqoonsiga diblomaasiga ah ee dowladda talyaaniga. -Qodobkii afaraadna waxuu ahaa aqoonsiga diblomaasiga ah ee dowladda mareykanka. Hadaba halkaas ayuu ka bilowday geedi socodka dowladnimo ee soomaaliya, afartaas qodob oo sidaas isugu xigta ayaana maalintaas dhacday. Maalmihii ku xigey baarlamaanku waxuu u gudbay howlihii dastuurka, madaxweynahuna waxuu guda galay la tashiyo lagu diyaarinayo ra'iisul wasaarihii iyo dowladii. Waxii faahfaahin ah kala xiriir: (ahbismail@yahoo.com)