CeelBuur Abakar Community

Ka Wikipedia

Ceelbuur (Af-Ingiriis: El Bur) wa]]a magaalo qadiimi ah ee ku taal gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka galgaduud. Waa magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu taarikh dheer ee dalka wexeyna ahaan jirtey xarunta gobollada dhexe laga xukumi jirtey xiliga gumeysiga Talyaaniga. Magaalada Ceelbuur wa magaalo taarikh dheer ku leh dalka Soomaaliya wexeyna leedahay astaamo soo jiray ilaa qarnigii 16-aad xiligii gumeysiga. waxaana weli laga heli karaa raadad qadiim ah oo ku tusineysa qadiimi ahaasheheeda

Ceelbuur waxay caan ku tahay habka burkjika sameenta wax soo saarka cusbada iyo agabyada laga qoro dhagaxda Ceelbuur ee jilicsan kuwaa oo laga qodo dhulka hoostiisa oo ay ceelbuur ku tahay Hodan.

Ceelbuur waa Magaalo Deeqsiisay wax soo saarkeeda guud ahaan gayiga ay dagto Qowmiyada Soomaali, waana sababta Guri walba oo somaaliyeed looga Helayo Burjiko lagu soo Sanceeyay Ceelbuur, Sidoo Kale Ceelbuur waxay caan ku ahayd sameynta Gambarada iyo Jiimbaarta, Qorida Mooyaha iyo Kooraha.

Ceelbuur waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan marki aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa Ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee milatariga xooga dalka somaliyed oo lagu magacaabo xarada ee daganayeen caana moog .

Dhanka fidininta diinta islaamka ceelbuur waxay Ku leedahay taariikh aad u dheer waxeyna aheed magaalada uu ka soo jeeday Sheikh Maxamed Faarax oo ahaa mid kamid ah culimada somaliyed ee aadka looga qadariyo Gayiga Dhexe.

___