Ceel Cali

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Ceel-cali waa dagmo ku taalo gobolka Hiiraan, waxaa magaalada mara wadada xariirisa Muqdisho ilaa kilinka shanad ee soomalida itoobiya, Baladweyn ilaa xudur. wadada waxay sidoo kale xiriirisaa Hiiraan iyo bakool. waa dagmo dhaqalaheda ku tiirsan yahay Xoolaha nool, gaacsiga iyo beerashada dhulka. Ceel-cali waxaa kunool shacbi tiro badan sido kle waa dgmada ugu ceelasha badan soomaaliya. Ceel-cali waxaa hoos yimada ilaa 30 tuula Ceel-cali bldweyne waxay ujirtaa 75km Buulaburte waxay ujirtaa 80km Muqdisho waxay ujirtaa 260km Tiyeglow waxay ujiraa 80km

Muhiimadda Ceel Cali[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ceel Cali waa magaalo muhiim ah oo ku dhaw xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Bakool waxaana mara wadooyin muhiim ah oo isku xira magaalooyin badan oo koonfurta Soomaaliya iyo kilinka shanaad ee somali galbed, wadooyinkaasi muhiimka ah waxaa ka mid ah wadada ka timaada Beledweyne kuna jeeda gobolka Bakool.

Ceel cali waa magaalo ku caan ah nabada wanaaga is dhexgalka bulshada iyo waliba horumarka Sida Magaca magaalada ka muuqataba Ceel Cali waa degmo ceelal fara badan leh. Iyadoo waliba halkaasi ay ku dhasheen Siyaasiyiin xubna sarsare kaso qabtay dalka iyo waliba kuwa hadda ka arimiya dalka, dadka ree Ceelcali waxey yiraahdaan :-( Allow yaa i geeya ceelcali cidana iigu sheega Caagxoog ;-) Taas oo muujineysa Hilowga iyo rabitaanka dadka haya iyo waliba iyago u hiloobay dalkoodi dadkoodi iyo barwaaqi lagu noolaa, Caagxoog iyada lafteedu waa tuula hoos timaada degmada ceelcali waxeyna u jirtaa ilaa iyo 15 KM.

Dhaqaalaha iyo Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada Ceel Cali dhaqaalaheeda ugu badan wuxuu ku tiirsan yahay dhanka xoolaha nool sida Geela Looda, Ariga, Fardaha, sidoo kale degmada waxay leedahay ganacsiga nuucyadiisa kala duwan iyadoo leh suuq weyn oo lagu kala iibsado xoolaha nool kuwaas oo loo dhoofiyo wadamada Carabta.

Dagmada ceel cali waxaa ku yaalla dhamaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya sida : 1- HORMUUD 2- NATIONLINK 3- TELECOM SOMALIA

Iyo waliba dhamaan Xawaaladaha somalia sida: 1- DAHABSHIIL 2- QARAN 3- IFTIN 4- KAAH 5- AMAL 6- AMAANA 7- HODON iyo waliba qaar kalo badan

Dhanka kale Degmada waxaa ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad oo fara badan dhanka wax barashada waxaa ugu horeeyo ( CEELCALI PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL ) Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Ceel Cali oo aay haatan wax ka bartaan arday fara badan kuwa kalana aay ka qalin jibiyeen Iskuulka Ceel Cali wuxuu ka mid yahay iskuuladii dowladii siyaad barre ay aasaastay. Degmada Ceel Cali waxa kale oo ku yaal laba goobood oo wax lagu baro caruurta agoonta ah iyo kuwa tabarta yar si lacag la'aan ah iyadoo aay xarumahaasi fureen jaaliyadaha reer ceelcali ee ku dhaqan dunida daafaheeda. degmada ceel cali waxay ka koobantahay xaafado ? 1.......? 2.......? 3.......? 4.......?