Ciidanka cilmaaniga ee RSF

Ciidanka RSF (ingiriis: Rapid Support Force) waa koox cilmaaniyiin iyo cunsuriyiin argagixiso ah oo jabhadaysan, oo ka tirsan wadanka Suudaan oo dabadhilif u ah Imaaraatka Carabta, waxaana hoggaamiya Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), waxayna ka soo farcameen maleeshiyaadka Janjaweed ee ku caanbaxay xasuuqii ay ku camalfaleen Darfur. RSF waxay ku dhisan tahay mabda’ ah kaladuwanaansho ku saleysan sarraynta iyo korjoognimada dirtiriska Carabta, iyaga oo si nidaamsan u beegsaday beelaha aan Carabta ahayn – gaar ahaan kuwa ku sugan Darfur iyo galbeedka Suudaan – iyagoo geystay xasuuqyo, barakicin qasab ah, kufsi, iyo falal kale oo loo aqoonsaday xasuuq qaranimo. In kasta oo aan si rasmi ah loogu magacaabin koox argagixiso ah, ficiladooda rabshadaha xad-dhaafka ah iyo adeegsiga cabsi si ay awood ugu yeeshaan dadka rayidka ah waxay RSF ka dhigayaan koox argagixiso u dhaqanta. RSF waxay u shaqeysaa sidii mashiin dagaal qabiil ku dhisan, waxayna doonayaan in ay ku muujiyaan awood Carabeed dalka Suudaan oo ah bulsho isugu jirta qoomiyado kala duwan.