Coomaad

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Coomaad waa tuulo ka mida tuulooyinka ugu faca weyn gobolka Hiiraan, waxay ku taalaa waqooyi bari ee xarunta gobolka hiiraan qiyaas ahaan waxay u jirtaa 70 km .Coomaad waxaay ku taalaa dhulka loo yaqaan caduunka waana dhul biyo galeen ah deegaan iyo daaqsin ku caan ah waxaa ku yaal waterhold weyn ama bali aad u weeyn marka uu buuxsamana ugu yaraan 4 bilood ayaa biyaha laga cabaa waxaa kalo aay caan ku tahay geedka miraha macaan aay ka baxaan ee jicibka waxaa kaloo ku duceeysto xawaadle weyne waxaana lagu qalaa dhowrkii sanaba mar 114 ido ah si beeshu aay ugu xirsi xirato coomaad waa meelaha ugu qurxoon gobolka hiiraan marka uu barwaaqada yahay waxaayna caan ku tahay oo kale geedka weyn ee dheenka la yiraahdo kaasoo ku yaal cirifka bariga biyo galeenka