DAGAALKII STALINGRAD

Ka Wikipedia

Dagaalkii stalingrad sidoo kale loo yaqaano battle of stalingrad معركة ستالينجراد wuxuu bilaawday 23-august 1942 wuxuuna socday dagaalkaan ilaa 2-febuary 1943, kadib markii jarmalka iyo xulufadiisii ay weerar culus ku qaadeen midawgii suufiyeet (soviet union) jarmalka ujeedadii uuka lahaa dagaalkaan ayaa ahayd inuu gacanta kusoo dhigo magaalada stalingrad oo maanta loo yaqaano Volgograd.

DAGAALKII STALINGRAD
Qayb ka tirsan Dagaal waynihii jarmalka iyo ruushka ee ka dhacay magaalada stalingrad

waa ciidamadii jarmalka ee uu hogaaminayay hitler oo sii galaayo magalada stalingrad 1dii january 1942-dii
Taariikhda 23kii agoosto 1942-dii - 2dii faebraayo 1943-dii
Goobta ruushka Stalingrad
Wada dagaalamay

 Germany

 Italy

 Romania

 Croatia

 Soviet Union
Hogaanka iyo saraakiisha
Jarmalka Adolph Hitler

Jarmalka Maximilian von
Jarmalka Friedrich Paulus
Jarmalka Hermann Hoth
Jarmalka Erich von Manstein
Jarmalka Wolfram Freiherr
Romaniya Petre Dumitrescu
Romaniya Constantin
Talyaaniga italo gariboldi

Midowga Sofiyet joseph stalin

Midowga Sofiyet Georgy Zhukov
Midowga Sofiyet Nikolay Voronov
Midowga Sofiyet Aleksandr
Midowga Sofiyet Andrey Yeryomenko
Midowga Sofiyet Konstantin
Midowga Sofiyet Nikolai Vatutin
Midowga Sofiyet Vasily Chuikov
Midowga Sofiyet Nikita Khrushchev

Awooda
Ciidankii jarmalka 1,040,000

10,250 oo madaafiicda goobta
500 oo taangi
1,600 diyaaradaha duqeynta ee luftwaffe

Ciidankii suufiyeedka 1,143,000

2,200 madaafiicda goobta (artillery) 894 oo taangi 1,115 diyaaradood

HORUDHAC

Markii uu jarmalka ku qabsaday wadanka poland 1Bil oo kaliya, norwayna uu ku qabsady laba bilood kadibna biljimka, natherlaand , iyo Luxembourg, gabi ahaanba qaaradii yurub waxay gashay dagaal qaraar oo ay kala kulmeysay ciidamadii naaziyiinta ee jarmalka, markii uu jarmalka intaas oo wadan uu qabsaday uuna helay ciidamo iyo hub aad u tiro badan hitler wuxuu go'aansaday inuu 1942-dii weeraro USSR The Union of Soviet Socialist Republics ama midawgii suufiyeetka, howl galkaas Dagaal ee lagu qaaday ruushka ayaa loo bixiyay magaca howlgalkii BAARBAROOSA
ama operation of barbarossa

BILAWGII DAGAALKA


Bilawgii hore ee dagaalkii barbaroosa jarmalka iyo xulufadisii waxay soo hooyeen guulo aad u waaweynaa oo ay kamid tahay in gacanta lagu soo dhigay dhigay

  • BELARUUS
  • ukraine
  • BALTICS

iyo dhulalkalaba, wuxuuna hitler go'doon galiyay magaalada moscow iyo leniiniigaraad, sidoo kale waxaa jab culus uu u geeystay ciidamadii ruushka ee koofiyad casta ahaa,

DAGAALKII STALINGARAD

23 August 1942-dii hitler iyo xulufadiisii waxay dagaal ku qaadeen magaalada istaaliingaraad, sababtii ugu weyneeyd ee uu hitler magaaladan u weeraray ayaa ahyd in magaaladu ay ku taalo meel istaraatiiji ah. lehna qeyraad sida warshashadaha, gaaska dabiiciga,
sababtii kale ee magaladan loo beegsaday ayaa ahyd in magaaladaan loogu magac daray hoogamihii shuuciga ee midawgii suufiyeetka joseph stalin kaas oo uu hitler aad u necbaa,
magaaladu waxay ku taalay goob muhiim ah waxaana sidoo kale aytahay wadadii loo mari lahaa si loo weeraro gobolka QOWQAASKA caucasus waxaana ku yaala wabiga VOLGA oo ah mid aad u muhiimsan waana halka ay maraan maraakiibta xamuulka, iyo badeecooyinka kale ee la dhoofinaayo, qabsashada magaaladaan ayaa ka dhigan dharbaaxsho iyo dhabar jab aad u weyn oo loo geystay midawga suufiyeetka

shaxdii jarmalka

Bilawgii horeba waxaa la amray guutadii jarmalka ee la oran jiray case blue inay weerarka qaadaan, ciidamadii kusugnaa bariga ukraine ayaa lookala qeybiyay laba koox, kooxdii koobaad guutadii 17-aad iyo guutadii 1-aad oo wadato taangiyada panzer oo ka amar qaata jeneraal Wilhelm Frick Ayaa la amray inay weeraraan dhanka koonfureed dhanka goobaha saliida ee gobolka qowqaas
guutadii labaad oo ka kooban ciidankii 6aad ee jarmalka iyo ciidankii 4aad ee oo wataan taangiyada panzerka laba ciidan oo roomaaniyaan ah hal guuto oo talyaani ah iyo hal ciidan oo hangaariyaan ah ayaa lagu amray inay weerar qaadaan si ay ula wareegaan wabiga volga iyo magaalada stalingrad, waxaana hogaaminayay guutadaas general Fedor von Bock,

shaxdii suufiyeetka

dhanka midawgii soviet-ka waxaa la magacaabay general marshal Yeryomenko iyo generaal Nikita Khrushchev inay si degdega u keenaan qorsho dagaal oo looga hortagaayo duulaanka jarmalka iyo xulufadiisa, sidoo kale waxaa la amray ciidankii 62aad oo hoos tagaya generaal Vasily Chuikov inay difaacan magalada stalingrad,

DAGAALKA

durbaba diyaaradihii duqeynta jarmalka ee la oran jiray luftwaffe ayaa magaalada ka fuliyay duqeymo culus taas oo ay ku dhinteen tiro badan oo ruush ah iyo shacab, jarmalka wuxuu awood buuxda u yeeshay inuu maamulo hawada magaaladan