DDS

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

-Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo soo gaabiyo DDSI waa maamulka iyo dowlada deegaada Soomaali Galbeed ee maanta ka tirsan dowlada Itoobiya.Dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu ka mid yahay sagaalka dawlad-deegaan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Itoobiya Wuxuu ku fadhiyaa bariga iyo bari-koonfureed ee dalka Itoobiya.Baaxadda dhulka waxa lagu qiyaasaa 350,000 km2.Deegaanku wuxuu ku dhacayaa inta u dhaxaysa loolka  40-110 Waqooyi iyo Dhigta 40 -48 0E Bari.

Deegaanku wuxuu xad la leeyahay: dhinaca konfureed waxa ka xiga Kenya; dhinaca bari iyo koonfur-bari waxa ka xiga Soomaaliya; Dhinaca waqooyi galbeed. Dalka gudihiisa; dhinaca galbeed iyo koonfur waxa ka xiga deegaanka Oromiya; dhinaca galbeed iyo waqooyi-galbeedna waxa ka xiga deegaanka canfarta.Deegaanku inta uu ka sarreeyo badda waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 500-1600 meters.Cimilada deegaanka soomaalida waxa lagu qiyaasaa dhul-daaqsin isugu jira oomane, dhul kooban oo hela roob ku filan iyo dhul ay maraan wabiyo kala duwan.Heer-kulka deegaanku wuxuu u dhaxeyaa 20-45°CCelceliska roobka degaanku helaa wuxuu u dhaxeeyaa 300-500 mm.

Tirada dadka ku nool deegaanka waxa lagu qiyaasaa 18.4 million (Tiro-koobkii la sameeyey 2007 - CSA census), 86% shacabka deegaanka waxay ku nool yihiin dhulka miyiga ah badankooduna waa xoolo-dhaqato

Maamul ahaan degaanku wuxuu ka kooban yaha 11 maamul-gobaleed,6 maamul magaalo iyo 93 degm

waxaa jira in ka badan 100 canter ama qabalee oo u dhigma degmo ama gobol oo aan wali assessment sax ah lagu samaynin.