Dayax

Ka Wikipedia
Dayaxa meeraha Dhulka.
⟨☾⟩ astaanta dayaxa
Dayax/Bil

Dayax (ingiriis: Moon) waa aduunyo yar oo ku wareegta Meere ama wax ka ween dayaxa. Ugu yaraan, meere kasta wuxuu leeyahay hal dayax ama in ka badan.


Dayaxu waa duni yar oo ka 1. Jecaylka 1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka. 2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku 1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka. 2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay. bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka. 2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay.amaysan dhagaxaan, kuna wareegta dhulka, taas oo leh dherer dhan rubuc gacanka dhulka. Dayaxa dhulku waa kan ugu weeyn dhamaan dayaxyada meereyaasha Bahda Midaysay Qoraxdu laba odhan karo wuxuu ka wayn yahay meereyaasha yaryar qaarkood. Cufis-jiidadka u dhexeeya dhulka iyo dayaxa ayaa keena mowjadaha badaha, taas mi la mid ah ayaa keentay isku-xidhnaanshaha labadooda.

Dayaxa oo ku socda xawaare dhan 1.022 kilomitir ilbiriqsigiiba, ayaa waxay ku qaadataa 27 maalmood, 7 saacadood iyo 43 daqiiqo in uu hal mar ku wareego dhulka.

Dhinaca kale, isku wareega dayaxu (circumference) waa 10, 921 km; cufkiisuna waa 2.1958 ×
1010 km3 halka mugiisu yahay 7.3477 ×
1022 kg. Maadaama dayaxa cirkiisu aad u khafiif yahay falaadhaha qoraxduna toos u soo taabtaan oogada dayaxa ayaa heerkulkiisu aad u sareeyaa ugu yaraan waa 100 Kalfin ugu badnaana wuxuu gaadhaa 390 K.

Qaabdhismeedka Dayaxa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jidhka dayaxu wuxuu ka samaysan yahay iskudhisyo kala duwan kuwaas oo u badan curiyeyaasha kala ah: Argon, Hiliyaam, Sodhiyaam, Botashiyaam, Haydarojiin iyo Raadon.

Markii ugu horeeysay taariikhda bani-aadamka, sanadkii 1959kii ayaa Dayax Gacmeed Ruushku leeyahay tagay dayaxa. Ka dib, 1968dii ayaa qofkii ugu horeeyay cagaha saaray dayaxa kaas oo ka socday Dawladda Maraykanka. Sanadkii 2004 wixii ka dambeeyay ayaa wadanada Jabaan, Hindiya, Shiinaha iyo Yurub saldhigyo ka sameeysteen dayaxa.

Inkasto dayaxu lahayn cir sare oo ka difaaca kulka qoraxda, cilmi baadhis la sameeyay waxay muujisay in dayaxu leeyahay biyo laga heli karo cidhifyada dayaxa iyo oogada sare dhexdeeda.

Bahda Qoraxdu Midaysay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dayaxa Triton ee meeraha Docay.
Yuruba waa dayaxa Cirjeex.

Dayaxa meere waa duni yar oo ka samaysan dhagaxaan, neef iyo isku dhisyo kale taasi oo ku wareegta meere. Tusaale ahaan, dayaxa meeraha dhulka. Waxaa jira 173[1] dayax oo ku meeraysta meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay, iyo sideed kale oo ku wareega dunida yaryar. Meereyaasha Waxaraxir iyo Dusaa ma lahan wax dayax ah, Dhulku wuxuu leeyahay hal dayax, meeraha afaraad Farraare wuxuu leeyahay labo dayax oo kala ah Fobos (Phobos) iyo Dheymos (Deimos).[2]

Neefaha Waawayn waxay leeyihiin tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas oo qaarkood le'eg yihiin xajmiga dayaxa dhulka; qaar kalena kaba wayn yihiin meerayaasha, sida dayaxa Raage ee Titan wuu ka xajmi weyn yahay meeraha Dusaa.[3] Meeraha Cirjeex[4] waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax. Waxaa ku xiga meeraha Raage oo leh tirada labaad ee ugu badan dhamaan sideeda meere ee bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo ah 62 dayax. Dhinaca kale, meeraha Uraano wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan 27 dayax.[5] Meeraha Docay wuxuu leeyahay 14 dayax.

Si kastaba ha ahaatee, duunyooyinka yar qaar ka mid ah waxay leeyihiin dayaxyo yaryar oo ku wareega ayaga. Dunida yar ee Ceres[6] ma lahan wax dayax ah, laakiin dunida yar ee Bluto[7] waxay 5 dayax oo wareega. Sidoo kale, dunida yar ee Haumea waxay leedahay 2 dayax, waxaa iyadna hal dayax leh dunida yar ee Eris.

Waxaa la aaminsan yahay in dayaxyada qaar ay ka jirto nolol, sida dayaxa Titan ee Cirjeex iyo bisha Triton ee meeraha Docay, laakiin lama hubo ineey jirto midaasi.[8]

Liiska Dayax ee Meerayasha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Meereyaasha Bahda Midaysay Qoraxdu iyo bilahooda

Dayaxa Dhulka oo si buuxda looga arko Oogada sare ee cirka.

Dunidayar ee sidoo kale oo bilooyin leh waxaa ka mid ah:


Dayaxa Farraare[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Meereha Farraare (Mars) wuxuu leeyahay labo dayax oo kala ah Fobos (Phobos) iyo Dheymos (Deimos).

Dayaxa Cirjeex[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dayaxa Europa ee meeraha Cirjeex.

Meereha Cirjeex[9] waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax.

Tirada dayaxyada ee meerahan Cirjeex aad ayay u badan tahay, dhamaantoodna aqoon fiican looma laha, laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

Dayaxa Raage[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dayaxa Titan ee meeraha Raage.

Meereha Raage[10] waa kan labaad ee leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 62 dayax. Tirada dayaxyada ee meerahan Raage aad ayay u badan tahay, dhamaantoodna aqoon fiican looma laha, laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

dayaxa Mimas ee meeraha Raage.

Dayaxa Uraano[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dayaxa Miranda ee meeraha Uraano.

Meereha Uraano[11] (Uranus) wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan 27 dayax.

Meerahan Uraano wuxuu leeyahay tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas waxaa ugu caansan:

Dayaxa Docay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dayaxa Triton ee meeraha Docay.

Meereha Docay[12] (Neptune) wuxuu leeyahay tirada afaraad ee ugu badan Bahda Qoraxdu Midaysay kuwaas oo dhan 14 dayax.

Meerahan Docay wuxuu leeyahay tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas waxaa ugu caansan:

Dayaxyada Bluto[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dunida yar ee Bluto oo wakhtiyadii hore loo aqoonsanaa ineey tahay meeraha 9aad[13] ee Bahda Qoraxdu Midaysay, balse sanadkii 2006da loo aqoonsaday ineey tahay duniyar; ayaa waxay leedahay 5 dayax oo ku wareega ayada.

Qoraalo La Mid ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 173 dayax oo ku wareega meereyaasha Bahda Qoraxdu Midaysay, iyo sideed kale oo ku wareega dunida yaryar
  2. Whipple, Fred. Proceedings of the National Academy of Sciences of the United States of America. 52 (2): 565–594. Bibcode:1964PNAS...52..565W. PMC 300311free to read. PMID 16591209. doi:10.1073/pnas.52.2.565 //www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC300311.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "Titan wuu ka xajmi weyn yahay meeraha Dusaa."
  4. Cirjeex waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay
  5. Schneider, Jean (16 January 2013). http://exoplanet.eu/catalog.php. Soo qaatay 2013-01-15.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Ceres ma lahan wax dayax ah
  7. Bluto waxay 5 dayax oo wareega.
  8. Goldstein, Bernard R. Journal for the History of Astronomy. 28 (1): 1–12. Bibcode:1997JHA....28....1G.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. Cirjeex waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax
  10. Raage waa kan labaad ee leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay
  11. Uraano (Uranus) wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay
  12. Docay (Neptune) wuxuu leeyahay tirada afaraad ee ugu badan Bahda Qoraxdu Midaysay
  13. "Bluto oo wakhtiyadii hore loo aqoonsanaa ineey tahay meeraha 9aad"
Maqaalkan guud waa la bilaabay.
Wax ma ka taqaan Dayax sida taariikhdeeda ama xidhiidhka ay la leedahay mawduucyo kale?
Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto macluumaadka Wikibidhiya Ingiriiska ama luqado kale oo ay tahay in la tarjumo?
Markaa waxaad ku caawin kartaa Wikibidhiya leh wax ka bedel oo ku dar xog.