Jump to content

Degmada Gurrebaqaqsa

Ka Wikipedia

Degmada Gurrebaqaqsa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Liban, Soomaali Galbeed. Degmada Gurrebaqaqsa waxa dhankeeda koonfurta ah kaga aadan Webiga Ganaale; dhankeeda galbeedka waxa ay xuduud la wadaagtaa degmada Gurredhaamole; dhanka waqooyi waxa ay xuduud kala wadaagtaa gobolka Oromada; dhanka waqooyi barina waxa ay xad la wadaagtaa degmada Ceelkari; dhanka koonfur barina waxa ay xad la wadaagtaa degmada Jarrati, gobolka Afdheer.

Guud ahaan tirada dadka ku nool degmadani ayaa lagu qiyaasaa 145,086 qof.