Jump to content

Degmada Qalaafe

Ka Wikipedia

Qalaafe waa degmo taariikhi ah oo kutaala gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaa la degay ugu yaraan kumanaan sano kahor, oo ay degeen dadyoow kasoo guuray dooxada niil. Waxaana ilaa haatan degan dadyoowgii kasoo faracmay dadkaasi, waxaana kamid ah:- Beesha Reer Geedoow iyo Beesha Calimaad oo ilaa haatan degan dhulweynaha Qalaafe.

Marxalado badan oo ay soo martay Qalaafe oo boqortooyooyin badan ay u noqotay caasimad iyo goob istiraatiiji ah qarniyaal kahor, ugu dambeyntii waxaa 1938 u magaacay gobol buuxa boqorkii ugu dambeeyay ee boqortooyadii Itoobiya boqor Raastafari Mokonen (Xeyle Salaase), waxaana hoos imaanjiray degmooyinka kala ah Qalaafe, Mustaxiil, Feerfeer iyo qeybo kamid ah degmada Shilaabo, oo caasimadna ay u aheyd magaalada Qalaafe ilaa uu gobolkaasi ka burburay oo uu kala furfurmay 1993 dii.

Kadibna Qalaafe waxa ay kusoo noqotay degmanimadeedii hore waxaana ka go'ay dhulal badan oo hoos imaan jiray sida Mustaxiil, Feerfeer iyo qeybo Shilaabo katirsan.

Guud ahaan dhulweynaha Qalaafe maanta waxaa loo qeybiyaa seddex deegaan oo kala ah:-

  1. Deegaanka Bur'Cadde oo ay degaan Reer Geedoow iyo Calimaad.
  2. Deegaanka Bayaxaaw oo ay degaan Dagiine.
  3. Deegaanka Barwaaqo oo ay degaan Reer Ciise, Reer Cumar (Gasar) iyo Baajamaal.

Qalaafada maanta casriga ah waxaa aas-aaseen Reer Geedoow, waxa ayna kusoo dhoweeyeen dadyowga kale ee maanta la degan si walaalnimo, wadajir, waxqeybsi iyo wadatashiba ku dheehan.

Qalaafe waxa ay xuduud la wadaagtaa degmooyinka kala ah:- Godey, Cadaadley, Mustaxiil oo kuwada yaala isla gobolka Shabeelle ee DDS iyo degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Qalaafe waa dhul baaxad weyn, oo leh dhul beereed iyo dhul daaqsin ah, dadka kunoolna badankooda waa beeraley iyo xoolla dhaqato gaar ahaan Lo'da, Ariga iyo Idaha.

Dalaga kasoo go'a Qalaafe waxaa loo suuqgeeyaa Godeey, Jigjiga, Dhuusamareeb, Gaalgacyo, Garoowe, Boosaaso iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Beesha ugu badan ee degan degmada Qalaafe waa beesha Reer Geedoow oo ah beesha koowaad ee degmada.

Waxaa kaloo degan Beelaha Reer Shabeelle.

Baaxada ay ku fadhiso degmadani waa qiyaastii ilaa 9,300km², waxaana dhexmara webiga Shabeelle.