Garabla

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Degmada garabla)

Garabla waa degmo ka tirsan gobolka Galguduud Waxa Degan beesha duduble Awradeen'

Juquraafiyadda degmada Garable waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Galguduud. Waxay dhanka bariga uga beegan tahay Degmada Ceelbuur. waxay kalo oo ay soohdin la leedahay dhanka koofur degmada Galhareeri, dhanka wuqooyi deegaanka Xagarey oo katirsan gobolka galguduud iyo dhanka Bari Degmada [[Jowle]] ee Gobolka Galgaduud.

Waxyaabaha ay can ku tahay

Degmaada garabla waxa ay caan ku tahay xoola dhaqashada, wax soosaarka beeraha, xoolaha waxay isgu jiraan ariga, lo’da, geela,idaha,dameeraha, Fardaha.Garabla dhul ahaan waxay iskugu jirtaa Dhul daaqsimeed iyo Dhul beereed, Degemada waxa Degmo laga dhigay sanadkii 2012, waxa ayna noqotay degmada ugu xoolaha iyo wax soosaarka badan Gobolka Galgaduud, sidaas si la mid ah degmadu waxa aay ku caan tahahay Maamul wanaagga iyo Wax barashada iyo humar joogto ah.

Waxbarashada

Degmadu waxa ay leedahay Iskool Dugsiga hoose dhexe iyo machadka qaaliga ah ee AL-AQSA. oo ay Arday fara badan Ka qalin jabiyeen, kuwaas oo qaarkood ay wax ka bartaan Jaamcadaha caalamka iyo kuwa gudaha Dalka kuyaal.

Caafimaadka

Dhinaca caafimaadka iyo faaya dhowrka Haddii aan u leexano degmadu waxa aay leedahay istbitaal guud iyo Farmashiyeyaal ay shaqsiyaad gaar ah leeyihiin kuwaas oo haqab tira baahiyaha caafimaad ee kajira degmada.

Maamulka iyo siyaasadda :

Dhanka maamulka degmadu wax ay ka mid tahay deegana ugu maamulka wangaasan ee gobolka waxa aayna leedahay waa gole deegaan ama baarlamaan oo magaciisa la yiraa Garabla District Council [GDC] waxa uu ka koobanyahay 15 ruux oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Degmada. Dhanka siyaasada degmada waxa ay leedahay xildhibaano heer fedraal iyo kuwo dowlad goboleedka ay galmudug kumatala dadka degmada

Tirada dadka :

Degmada garabla waxa aay ka koobantahy afar xaafadood oo lakala yiraa waaberi, jeerin-jab, wada-jir, iyo xaafadda suuqa-xoolaha dadkeeda waxa lagu qiyaasaa ilaa 14,540.(Qiyaas 2006).

Degaanada hoos yimaada :

Degmada waa degmo ay hoos imaadaan deegaano badan haddii aan wax ka tilmamo 7 tuulo oo kala ah :- ceelcaduur, ris, quracleey, docol, nooleeye, dhalwo, xoolo badan. Tuulooyinkaas dadka ku nool waxa lagu qiyaaaa ilaa 5,830 oo qof.

Dhaqaalaha iyo wax soo saarka :

Degmada garabla dhaqaala ahaan waxa ay ku tiirsan dhaqashada xoolaha, beeraha abuurka noocyadiisa kala duwan sida digirta , ganleyda, liinta iwlx, sidoo kale waxa jira ganacsi yar yar iyo kuwa dhexe oo dadka deegaanku ka shaqeystaan.

Dhaqanka iyo suuqaanta

Dhanka dhaqan iyo hidaha degmadu waxa ay leedahay dhaqamo ay kasoo gaareen dadku awoowayaashooda oo ah ciyaar dhaqameedyo cajiib ah sida ciyaarta waalda ama wilisaqada la dhaho, dhaantada, suurowga iyo suugaanta noocyadeeda kala duwan sida buraanburka, gabayga, guurowga, iyo wxlm . dhamaan dhaqankaas iyo suugaantaas waxaa jira dad ilaahey hido u siiyay ka soo jeedaa deegaanka.

Dhamaad.