Dhigane (Buug)

Dhigane ama Buug wadartiisu waa shafadyo ama buugaag, (Af-Carabi: الكِتابُ, Af-Ingiriis: A book) waa walax wax ku qoranyihiin, ama ku daabacanyihiin, ama waxba aysan ku qorneyn, dhiganahu waa weelka aqoonta lagu kaydiyo loona sameeyay in la aqriyo bilow ilaa dhamaad isagoo u samaysan qaab sheeko, taariikh, wax barasho iyo wax walboo loo baahdo in dib loogu noqdo ama dib loo raaco si looga dhigto daliil ama tuse, Noocyada dhiganaha waxaa ka mida tixraac sida qaamuusyada, iyo aqoonta iskoolada iyo dugsiyada diinta laga barto, oo hadii la waayo ay aqoon badani lumayso.
Qeexida dhigane
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qeexida dhigane waa walax ka samaysan xaashiyo daabacan ama cad oo la isku keenay oo ku lagu laabay ama dhexda uga jira labo garbad maqaar ama maro ama walax adag ka samaysan.
Dhiganaha waxaa laga heli karaa inta badan ama laga soo deensan karaa Maktabadaha ( qor oolka ) waxaana laga gadan karaa dukaanka Bugaagta, waxaa lagu isticmaalaa badanaa iskoolaadka ama jaamacadaha. dadka qaar ayaa xasuus qor ka dhigta, dukaamada ayaa adeegsada si ay wax ugu xisaabsadaan, dhiganaha qaar ayaa waxaa loogu talo galay caruurta si ay ugu falaadaan waxna ugu bartaan.
Ereyga Dhigane
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ereyga dhigane ama buug ayaa ka soo jeeda erega ingiriiska ah ee Book taasoo ku tusaysa soomaalidu inaysan waxba akhrin jirin waayadii hore, saas daraadeedna ay iska soo min guursadeen ereyo dadyow kale leeyihiin, Dadka qaar erey bixin ay sameeyeen ayaa ah in buuga lagu badalo ereyga dhigane.
Wax Tarka dhigane
[wax ka badal | wax ka badal xogta]In kastoo hada kumbuyutar wax lagu kaydsado dadka qaarna ay xagaas u bateen ayaa hadana dadka qaar waxay dareemayaan in buugaagta ama kitaabadu wali ay muhimadoodii ilaashanayaan, waxaa suura gal ah in kumbuyuutarku mar walba uusan diyaar kuu ahaan karin, maadaama koronto uu istcmaalayo, buuga ayaa waxuu yahay mid mar walba iyo waqti walba laga dhigan karo asalka aqoonta maadaama uu kaaga baahanyhay oo kali ah inaad kala furto.
Aqoonta hada la gaaray waa walax dad hore ay noogu soo gudbiyeen buugaag ay qoreen iskana reebeen, maalin walba waxaa aduunka laga helaa buugaag waa' hore la qoray oo waxyaabo muhiim ah ay ku qoranyihiin, waxaa jira mataaxif (hide ool) la dhigo buugaagta qadiimka ah si loogu faano dadyowga soo booqanaya, waana markii la min guuriyo aqoonta ku qoran.
Waxaa la yiraahdaa qofba qofkuu ka aqris badanyhay buu ka aqoon badanyahay.
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- International Standard Book Number
- http://www.readingrockets.org/article/hooking-struggling-readers-using-books-they-can-and-want-read
- https://www.quora.com/How-do-I-develop-an-interest-in-reading-books-2
- https://www.reddit.com/comments/ch0wt/a_reading_list_for_the_selftaught_computer/
- http://www.goodreads.com/genres/computer-science