Dhirbaxo Jin

Ka Wikipedia
Abwaan xasan cabdi iley (dhirbaaxojin)
Habar awal sacad muse ugaadhayahan
Waa Jawwabtii Labaad ee  Xasan Cabdi Cumar Iley (Dharbaaxojin)  kaga jawaabay Gabaygii ninkii Majeerteen

Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidhaIn dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyneMar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay lehMidha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataaneBal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaaneDuqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba'eNin maroodi daandaansaday oo maanla' baad tahayeMasalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamoMiridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaalooweWaxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maray'eWaranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaayeWallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaaneAdigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleeneWay kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiyeHudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiyeDukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseeneMalaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeeneMarkii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay lehIminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyleAdduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdeyAdduunyadan malay dabatadii magaca doonaysoAdduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayeyAdduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyoAddunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayowaa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiyeRaggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meeryeRaagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'eSeyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegayemasalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marineismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeeneAdigana inaan kula murmaa way macno la'aaneMujiibtuba khasaaray ku tahay badaw MajeerteeneMindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigayeAdaa soo macaa yidhi sidii maalintii hore'eHaddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadshaMurtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanaysoMaarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkoodaMuska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyaheKamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigayeWaxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonneDibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'eMa macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaayeMajeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayneMaanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiyeWaa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyneMidda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaayeMaxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyeymacdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhayWaase meheraddiinii inaad naago murantaanneMid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaaddayWanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawdayMadaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenaymaroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdoMulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed lehIdinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaaneWaase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyleMasalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeersheyAfartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisayMiinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarsheyMa mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaayeMiinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiyeInaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba joogaInaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikh ahInaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelayinaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayoMa og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalyeMicna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiyeMalaa'iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayaynoInaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylabaInaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeyninInaannaan masuul qaban karayn maamulada guudkaMa og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalyelabadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiineMicnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waayemaskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodleMacaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeyeMasalooyinkiisii shalay maanta garan waayeMasayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenlemabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waayeMaqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyeydad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahayeMagaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaadeMaangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaayeGeel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayneAfartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyeyTaariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodoMuqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiyeMaalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodbaMulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujeyMirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhoweHaddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystayWaad maqashay mooyee adaan joogin madashaaseWay ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qorayeMacnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanneWaxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteeneCalankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyneShantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'eNebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahdayMiskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiyeDoqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin fala'emaxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meersheyMarkuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayeyLixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinnaMagta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahayeWabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiyeIna kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helayaMabda' iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowyeMiinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaanemasaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameeneIminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaaneAfartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisayMiinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarsheyMa mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaayeMiinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiyeAbtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumayOo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysaHaddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay HaashimMingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaaseMaatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeeneKeligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaaleMinka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqdamasaloba markay kuu baxdaa laga macaashaayeMarag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalleHartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha DaaroodeAsalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maraye