Doorashooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir (2025)
| |||||||||||||||||||
Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir | |||||||||||||||||||
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| |||||||||||||||||||
Degma kasta inta kursi ay xaq u yeelatay. | |||||||||||||||||||
Doorashooyinkan waa doorashooyinka Golaha Deegaanka ee 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka "Hal qof – Hal cod" (One Person, One Vote) ee Soomaaliya — waa doorasho toos ah oo dadweynaha fursad u siinaysa inay doortaan wakiilladooda hoose ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, marka laga reebo afar degmo, kuwaas oo kala ah: 1 Garasbaaleey 2 Gubadleey 3 Kaxda 4 Darasalaam, waxaa sabab looga dhigay in laga reebo doorashooyinka maadaama aan la aqoon xudduudahooda. Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u sheegay in doorashooyinka degmooyinka Banaadir loo qorsheeyay in la qabto 25-ka December 2025.
Doorashada qof iyo cod ah ee loo qorsheeyay 25-ka Diseembar 2025, waxaa lagu tartamayaa kuraas badan oo heer degmo ah: Warta Guud: Waxaa jira 390 kursi oo ah golayaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. Qaybinta Kuraasta Degmooyinka: Sideed degmo (Hodan, Yaqshid, Dayniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Warta Nabadda, iyo Hiliwaa) waxay leeyihiin min 27 kursi oo gole deegaan ah. Sideeda degmo ee kale waxay leeyihiin min 21 kursi oo gole deegaan ah. Golaha Dhexe ee Caasimadda: Waxaa la dhisi doonaa Gole Caasimadeed oo ka kooban 97 xubnood.
|
|
|---|
|
Qeybaha muhiimka ah ee doorashada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Diiwaangelinta codbixiyeyaasha
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si ballaaran uga dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la diiwaangaliyay in ka badan 900,000 codbixiye.
- Bixinta kaararka codbixinta
Guddiga Doorashooyinka ayaa bixiyay kaararka codbixinta ee cod-bixiyeyaasha degmooyinka qaarkood ee Muqdisho.
- Ururrada siyaasadeed iyo musharaxiinta
Ilaa 12 urur siyaasadeed ayaa soo gudbiyay liisaska musharaxiinta ee doorashooyinka, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha musharax kasta degmo.
20 Urur Siyaasadeed ee ku tartamay doorashada goleyaasha Gobolka Banaadir
[wax ka badal | wax ka badal xogta]| TIX | URURKA | TIRADA U TARTAMAY | TIRADA HESHAY |
|---|---|---|---|
| 1 | RAMAAS | 48 Musharax | 42 |
| 2 | TOWFIIQ | 55 Musharax | 49 |
| 3 | KARMA | 23 Musharax | 39 |
| 4 | SAAB | 27 Musharax | 12 |
| 5 | HORUMAR & MIDNIMO QARAN | 53 Musharax | 10 |
| 6 | MUWADINIINTA SOOMAALIYEED | 12 Musharax | 9 |
| 7 | MIDNIMADA SHACABKA | 35 Murashax | 1 |
| 8 | QARANKA EE DIMUQRAADIGA | 11 Musharax | 1 |
| 9 | QIIMO QARAN | 29 Murashax | 1 |
| 10 | CADAALADDA & WADAJIRKA | 15 Musharax | 177 |
| 11 | DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYEED | 13 Musharax | 1 |
| 12 | MADALSAN | 9 Musharax | 13 |
| 13 | HORYAAL QARAN | 45 Musharax | 1 |
| 14 | SOCOD | 37 Murashax | 1 |
| 15 | DOWLAD WANAAGGA SOOMAALIYEED | 38 Musharax | 2 |
| 16 | CADAALADDA & MIDNIMADA TIIR | 7 Musharax | 1 |
| 17 | SOOMAALINIMO | 28 Murashax | 1 |
| 18 | QARAN SOOR | 32 Murashax | 1 |
| 19 | SINCAD | 33 Murashax | 26 |
| 20 | DADKA SOOMAALIYEED | 17 Musharax | 2 |
Doorashada iyo nabadgelyada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Guddiga Doorashooyinka ayaa digniin u sii diray maamulada degmooyinka si ay u suurtageliyaan in ololayaasha siyaasadeed iyo bixinta kaararka codbixiyeyaasha ay u socdaan si xalaal ah, xor ah, oo ammaan ah.
Waxaa la sheegay in degmooyinka loo baahan yahay inay si buuxda uga qeybqaataan diyaar-garowga doorashada iyo in la xoojiyo jawi nabdoon (taageero amni).
Muhiimadda doorashooyinkan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Doorashooyinkan waxay u yihiin tillaabo muhiim ah Soomaaliya, maadaama ay metelayaan hirgelinta nidaamka doorasho toos ah ee deegaanka ugu horeeya muddo tobanaan sano kadib.
Xarumaha iyo goobaha codbixinta gobolka Banaadir
[wax ka badal | wax ka badal xogta]| TIX | DEGMADA | TIRADA XARUMAHA | TIRADA GOOBAHA |
|---|---|---|---|
| 1 | Shibis | 8 | 13 |
| 2 | Cabdicasiis | 6 | 17 |
| 3 | Waaberi | 6 | 14 |
| 4 | Dayniile | 26 | 70 |
| 5 | Shingaani | 3 | 4 |
| 6 | Hodan | 22 | 55 |
| 7 | Boondheere | 5 | 14 |
| 8 | Wadajir | 15 | 36 |
| 9 | Xamarweyne | 4 | 10 |
| 10 | Heliwaa | 8 | 24 |
| 11 | Dharkeenley | 21 | 69 |
| 12 | Xamarjajab | 4 | 8 |
| 13 | Yaaqshiid | 36 | 65 |
| 14 | Warta-Nabadda | 10 | 22 |
| 15 | How-lwadaag | 8 | 39 |
| 16 | Kaaraan | 31 | 63 |
| Wadarta | 213 | 523 |
Natiijada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]| DEGMOOYIN | URURADA | WADARTA CODEEYSAY | CODADKA ANSAXAY | CODADKA XUMAADAY | WADARTA KURAASTA |
|---|---|---|---|---|---|
| 16 | 20 | 233,314 | 210,586 | 22,728 | 390 |
| Kaalin | Ururka | Wadarta Codadka |
|---|---|---|
| 1 | CADAALADDA & WADAJIRKA | 96,290 |
| 2 | DIB U HESHIISIINTA IYO HORMARINTA TOWFIIQ | 29,015 |
| 3 | RAMAAS | 19,169 |
| 4 | KARMA | 19,625 |
| 5 | HORUMAR & MIDNIMO QARAN | 5,985 |
|
Degmada →
↓ Ururka |
Degmada Boondheere | Degmada Cabdicasiis | Degmada Dayniile | Degmada Dharkenley | Degmada Heliwaa | Degmada Hodan | Degmada Howlwadaag | Degmada Kaaraan | Degmada Shibis | Degmada Shingaani | Degmada Waaberi | Degmada Wadajir | Degmada Warta-nabadda | Degmada Xamarjajab | Degmada Xamarweyne | Degmada Yaaqshiid | Wadarta | Kaalinta | Natiijada |
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| QARANSOOR | 11 | 19 | 103 | 85 | 28 | 189 | 35 | 159 | 86 | 75 | 27 | 234 | 33 | 86 | 85 | 137 | 1,437 | ||
| CADDAALADDA IYO MIDNIMA TIR | 63 | 3 | 120 | 160 | 323 | 279 | 61 | 166 | 90 | 80 | 72 | 250 | 47 | 160 | 101 | 171 | 2,066 | ||
| MADALSAN | 757 | 309 | 141 | 40 | 12 | 182 | 19 | 1408 | 564 | 152 | 14 | 217 | 103 | 425 | 154 | 798 | 5,783 | ||
| QARANKA EE DIMUQRAADIGA AH | 6 | 6 | 76 | 26 | 12 | 110 | 5 | 98 | 73 | 72 | 7 | 97 | 14 | 76 | 75 | 110 | 790 | ||
| MUWADINIINTA SOOMAALIYEED | 124 | 9 | 174 | 157 | 196 | 203 | 67 | 1446 | 197 | 90 | 201 | 207 | 116 | 111 | 88 | 434 | 4,024 | ||
| DIMUQRAADIGA SOOMAALIYEED | 16 | 13 | 101 | 119 | 38 | 231 | 14 | 212 | 82 | 75 | 15 | 157 | 14 | 83 | 79 | 134 | 1,298 | ||
| CADAALADDA & WADAJIRKA | 3008 | 706 | 5670 | 9,327 | 4,557 | 8831 | 4168 | 20589 | 3664 | 1503 | 407 | 10247 | 6567 | 1658 | 1101 | 12958 | 96,290[3] | ||
| DADKA SOOMAALIYEED | 23 | 26 | 111 | 251 | 16 | 130 | 31 | 1348 | 80 | 73 | 12 | 177 | 41 | 78 | 79 | 323 | 2,636 | ||
| KARMA | 163 | 551 | 2776 | 2,267 | 610 | 2447 | 215 | 2077 | 298 | 247 | 504 | 3083 | 1835 | 293 | 510 | 2001 | 19,625 | ||
| SAAB | 327 | 1 | 190 | 3,536 | 71 | 208 | 457 | 232 | 87 | 81 | 119 | 184 | 641 | 178 | 90 | 227 | 6,448 | ||
| SOOMAALINIMO | 3 | 1 | 94 | 31 | 10 | 103 | 27 | 99 | 75 | 77 | 58 | 109 | 12 | 75 | 76 | 108 | 951 | ||
| QIIMO QARAN | 1 | 2 | 80 | 17 | 4 | 979 | 9 | 86 | 72 | 72 | 2 | 90 | 57 | 72 | 75 | 87 | 2,622 | ||
| SINCAD | 49 | 2122 | 141 | 1405 | 46 | 419 | 152 | 1797 | 139 | 92 | 556 | 681 | 604 | 156 | 139 | 580 | 8,556 | ||
| MIDNIMADA SHACABKA | 5 | 0 | 87 | 68 | 12 | 97 | 8 | 91 | 72 | 74 | 4 | 95 | 62 | 75 | 79 | 91 | 842 | ||
| SOCOD | 1 | 0 | 88 | 6 | 1 | 78 | 41 | 94 | 72 | 72 | 1 | 77 | 5 | 72 | 71 | 77 | 706 | ||
| DOWLAD WANAAGGA SOOMAALIYEED | 4 | 0 | 81 | 16 | 3 | 86 | 9 | 94 | 210 | 72 | 6 | 88 | 682 | 75 | 74 | 99 | 1,538 | ||
| HORYAAL QARAN | 3 | 2 | 89 | 66 | 7 | 120 | 80 | 94 | 73 | 71 | 19 | 174 | 54 | 85 | 115 | 169 | 1,143 | ||
| RAMAAS | 394 | 63 | 3,360 | 2577 | 555 | 1727 | 620 | 2254 | 737 | 394 | 800 | 1758 | 2047 | 1836 | 451 | 890 | 19,169 | ||
| HORUMAR & MIDNIMO QARAN | 64 | 99 | 198 | 203 | 100 | 208 | 306 | 201 | 130 | 157 | 2968 | 830 | 59 | 167 | 296 | 133 | 5,985 | ||
| DIB U HESHIISIINTA IYO HORMARINTA TOWFIIQ | 216 | 209 | 3647 | 2,542 | 1517 | 6063 | 1369 | 4038 | 249 | 209 | 177 | 1604 | 3306 | 369 | 678 | 2430 | 29,015 |
Linkiyo dibadda ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "Liiska ururrada siyaasadda". Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. NIEBC. Retrieved 21 Diseembar 2025.
- ↑ "Liiska ururrada siyaasadda". Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Liiska Ururrada Siyaasadda ee soo gudbiyay Murashaxiinta Golaha Deegaanka Banaadir. Goobjoob. Retrieved 12 Diseembar 2025.
- ↑ Degmada Shingaani wali lama shaacin.