Ducaale dhagaxay
Ducaale dhagaxay wuxu ahaa abwaan weyn oo somaliyeed oo kasoo jeeda gobolka saaxil gaar ahaan degmada laasciidle ducaale waxa uu afka ama fanka somaliyee kusoo kordhigay heesta la magac baxday toban toban baa dilay
Abwaan hadraawi mar uu kaga waramay buugisa hawale waran bogiisa 28 naad wuxu yidhi
Ducaale Dhagaxey Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid yahay kolleyba aniga inta uu murtidooda maankayga iyo miyirkayguba qaadi waayo. Waxa uu ahaa nin suugaanta iyo aftahammada ku caan ah oo ay aftahammadiisu laacdo. Been ma aha! Murtida raggaas uu Ducaale ka midka yahay awgeed, mar mar baan dhabanka gacanta ku illaawaa.
10 Ducaale (AHN) waxa uu ahaa aabbihii dhalay Alle ha u naxariistee fannaanad caan ahayd oo magaceeda la odhan jiray Saafi Ducale
Qabiil ahan wuxu kasoo jeeday abwaan ducaale dhagaxay hahabr jeclo muuse abokor reer yoonis allamagan reer siciid
Heesihi waxa ka mid ahaa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]HAWAALE WARRAN | Murtidiisa caanbaxday waxa ka mid ah heesta la magacbaxday Toban toban hal baa dilay. Bal aynnu soo bandhigno, faallana raacinno: 1. Hurdo doonyahaa dilay. Waa arrin dhab ah. Doonnida safarkeedu raaxo ma laha. Waayo, laguma gamo' guradeeda oo mawjadaha badda ayaa marba dhinac u ruxa. 2. Faras nimaan hundo aqoonoo, Heensihiisa garanaynoo, Kolba hees u gaadaynoo, Iska halabsadaa dilay. Farasku waxa uu leeyahay hab iyo hannaan loo fuulo. Dhoorka ayaa la taataabtaa, waa lala hadlaa oo waa loo heesaa. Ul iyo jeedal lama taabsiiyo oo dhexdiisa lama dhacadiidsado. Labada rakaar ayaa fardafuulku isku taagaa. 3. Lo'da nimanka hawd geeyee, Ku harraadiyaa dilay. Lo'du waa nugul oo meel aan biyo lahayn kuma gasho. 4. Hilibkana Buraanliyo, Tuug haayiraa dilay. Hilibku waayadii hore waxa uu ahaan jiray xubno waaweyn, sida leg, jeenni, awlal, lug iyo wixii la mid ah. Waqtigii magaalagalka waxa soo baxay nin Buraanle la odhan jiray oo xubnihii waaweynaa ee sidaas aynnu soo sheegnay ahaan jiray googgooyay oo ka dhigay waslado aan magac lahayn. Tuuggu na, haddii uu neef xado oo uu buuro dhexdood la galo, inta uu is leeyahay yaan lagu soo gaadhin ayuu haragga iyo cadka isku jarayaa. 5. Hayin aqal xun baa dilay. Awrku waayadii hore ama gurgurshaa buu ahaa ama surrad. Ka hayinka ah, gurgurka (weelka), ubadka iyo maqashaa la saari jiray. Awrka kale surrad buu ahaa oo duubashada iyo hararadaa la saari jiray. Laakiin sida maanta jirta, haddii baco, kilaadhi iyo caagado la saaro oo uu nin caqaar cunayaa hoggaamiyo, awrku wuu dhimanayaa. 6. Geela hud iyo gawraar, Ragga ku haya baa dilay. - 29 -