Ekeyn
Ekeyntu waa shayga loo yaqaan carabiga tashbiih (تشبيه) oo ah in aad shay u ekaysiiso shay kale. inta badan waa barbardhig, waxana loo adeegsadaa badanaa amaanta.
Tusaale Maxamed Axmed kuluc wuxuu yidhi:- sida geed caleenloo ubax guud ka qariyo ooy gooni laamahu ay midiba geesteed hoobaan is gaadhiyo guntin midha ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray oo godon barwaaqiyo durdur aan go'ayniyo gacan webi ku yaaloo oon gu' iyo jiilaal midab guurin baadtee
Gabaygan maxamed kuluc waxa uu gabadha uu amaanyay una ekeysiiyay geed wayn oo caleen leh , isla markaana midho badan oo bislaaday leh, midhahaas oo ah hoobaan ( kuwa iyaga oo aan la karin la cuni karo sida cinabka), geedkaas ku soo foorara haro ka hoosaysa, haba soo fooraree waabu taabtay oo biyihii ayay laamihii ku ciyaarayaan, oo hirarka biyaha kicinaya. Haradaas gacan biyaha ku soo shuba ayay leedahay oo aan gudhayn gu'a iyo jiilaal.