Xadiid

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Fe)

Xadiid

Curiyaha Xadiidka.

Xadiid ama Aayron (Ingiriis: Iron) calaamad Fe waa curiye kimiko ah oo tiroda atomkiisu tahay labaatan-iyo-lix.[1] Curiyehan oo ah bir ayaa wuxuu yahay midka ugu caansan curiyeyaasha ee bani-aadamku isticmaali jireen tan iyo bilowgii ilbaximoda, waxaa ka horeeyay oo kali ah Naxaasta. Xadiidku waa birta kowaad ee Birta Ku Meelgaadhka ah (Transitional Metal), guruubka 8aad, heerka 4aad iyo d-block ee shaxda miiska Diwaanka Curiye.[2][3]

Xadiidka waa curiyeha afaraad ee ugu badan qolof dhulka, waxaana laga heli karaa inta u badan dhagax kasta oo dhulka laga helo. Aayronta saafiga ah weey jilicsan tahay, xataa ka jilicsan tahay Alumiiniyaamta, laakin sida badan waxay isku dhis la sameeysaa walxo kale, inta badan Kaarboonta si loo helo birta aan daxlin ee jaandiga (steel).[4][5]

Sida badan ayadoo lagu dhex darayo curiye kale ayaa isku dhiska Aayronta waxaa loo isticmaalaa waxyaabo badan oo dhismuhu ka mid yahay. Marka qadar yar oo Kaarboon ah lagu daro Aayroonta waxaa soo baxa birta aan daxlin ee Steelka taas oo 1000 jeer ka adag Aayroonta caadiga ah.[6]

Taariikhda Xadiidka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Atomka Aayronta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Fal-galka Curiyeha Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Isticmaalka Aayronta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ciwaano La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sidoo kale akhri:

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Aayron (Ingiriis: Iron) calaamad Fe"
  2. "Xadiidku waa birta kowaad ee Birta Ku Meelgaadhka ah (Transitional Metal), guruubka 8aad, heerka 4aad"
  3. "d-block ee shaxda miiska Diwaanka Curiye"
  4. "Aayronta saafiga ah weey jilicsan tahay, xataa ka jilicsan tahay Alumiiniyaamta"
  5. "Kaarboonta si loo helo birta aan daxlin ee jaandiga"
  6. Birta Xadiidka & Isticmaalka Aadamaha. article by Ismaaciil Xuseen [faahfaahin?]