Jump to content

File:Maxamed cismaan

Ka Wikipedia

CALI GUREY Cali Maxamuud Samatar oo Cali-gurey ku magac dheeraa, deegaanka Boosaasana ku noolaa, kana dhashay qabiilka Dishiishe, wuxu ahaa gabayaa magac dheer, wuxu mariyey gabaygan guubaabo iyo habaar ah oo uu Daraawiish iyo Sayid Maxamed ku aweytiyayo, wuxu gabaygu ku yimid: “Sayid Maxamed ayaa aftin u diray oo wuxu ku yiri Xarunta imow Cali Gurayow, muddo kaddibna wuxu tiriyey gabaygaan oo uu ka tiriyey xarafka Ya’da oo ah xarafka ugu yar xarfaha ay Soomaalidu ka gabaydo, wuxu yiri:

Waataan af gabay yeerin jirey, yarow ahaantiiye Uma yoomo hawd yaalaley hays, nin yuurura e Ma yakfiyo yaloonkoo cidla ah, yeris nin jiifaaye Isba Nebi Yacquub bacdal ya’si buu, Yaasafaa yiriye Allena u yeel ducaduu yu’doo, yoomayoo kacaye Suu rabayna Ilaahay u yeel, samirki Aayuube Tan iyo Yuusuf weliyaa jireye, yaab kanaa dhigaye Yaa ayuha nebaa laga galiyo, Bariyo Yaasiine! Waxba yaan wadaad Doy ka yimid, orannin yaabuuye Waxba yuu i siin qaalmuhuu, soo yahoobiyaye Nin qabiiladiisii yu’ tidhi, yuu anay rabine Yuufuuna dhaha taladiisu waa, yuux an roob di’ine Nin suldaan yuleeciis na baday, yaahu baan idhiye Col ha yedo yaraysoo ha gasho, ciidan yuu heline Kun yagoola guutooyin yugan, rayfal wada yeesa Nin u yeeray yaayuunka bari, yeel ma buuxsado e Libin kama yamsado niman dagaal, yeelmuhuu bixinne Mar haddaad yedduu jeedisaan, yeekfiruu noqonne Inuu yahay walaal col isu yimid, waa yaqiin rumahe Goortii la yiri baad qisada, yaab u dhimataaye Dadku wuxuu u kala yaacayaa, yaarahoo da’aye! Xareed yibal baxeed waa intuu, yadanku buuxaaye Wax la yicib wiyeer maalintey, yaabatiin tahaye! _____________ Waxan ka qoray Xaaji Dharaar, sannadkii 1964kii Muqdisho

waxyaabaha soo socda ee bog ayaa adeegsanaya faylkaan: